Maxaad kala socotaa Magacyada liiska xubnaha loo diiday iney ka mid noqdaan xildhibaanada cusub?

Guddiga Farsamadda soo xulida golaha Baarlamanka iyo khubaradda bulshada caalamka dib u celiyey liis ay ku qoran yihiin 55 xubnood 17-kii bishan Agoosto 2012-da ka dib markii ay beelahooda u soo xuleen iney ka mid noqdaan xildhibaanada cusub.

Xubnaha dib loo celiyey liisaska magacyadooda ayaa waxay iskugu jireen madax sare hogaamiye kooxeedyo hore, saraakiil ka tirsan ciidamada, aqoonyahano, wadaado ka tirsanaa midowgii maxkamadaha ee la midoobay DKMG ah iyo rag kale oo xilal ka soo qabtay dowlada.

Inkastoo markii dambe wax laga bedelay hadana Liiska xubnaha dib loo celiyey ee loo diiday xildhibaanimada ayaa markii hore wuxuu u qornaa sidatan:-

  1. Sheikh Sharif Sheikh Ahmed (Hawiye: Abgal)
  2. Sharif Hassan Sheikh Adan (Digil & Mirifle: Asharaaf)
  3. Dr. Abdiweli Ali Mohamed “Gas: (Darod: Majirteen)
  4. Abdirashid Sharmake (Darod: Majirteen)
  5. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” (Darod: Marehan)
  6. Hassan Abshir Farah (Darod: Majirteen)
  7. Mohamed Mohamud Gacma-Dhere (Hawiye: Habar-Gidir)
  8. Osman Ali Ato (Hawiye: Habar-Gidir)
  9. Barre Adan Shire “Barre Hirale” (Darod: Marehan)
  10. Mohamed Sayid Adan (Darod: Marehan)
  11. Ahmed Omar Jes (Darod: Ogaden)
  12. Hussein Mohamed Farah “Aideed” (Hawiye: Habar-Gidir)
  13. Ahmed Du’alle Haf (Hawiye: Habar-Gidir)
  14. Mohamed Jama Furuh (Hawiye: Habar-Gidir)
  15. Mohamed Qanyare Afrah (Hawiye: Murursade)
  16. Salad Ali Jelle (Hawiye: Abgal)
  17. Muse Sudi Yalow (Hawiye: Abgal)
  18. Omar Mohamed “Omar Finish” (Hawiye: Abgal)
  19. Ismail Mohamed Buubaa (Dir: Isaaq)
  20. Mohamed Hassan Hayir “Mareeye” (Dir: Isaaq)
  21. Mohamed Abdullahi Omar (Dir: Isaaq)
  22. Abdullaahi Sheikh Ismail (Dir: Biyo-Maal)
  23. Prof. Abdirahman Adan Ibrahim “Ibi” (Dir: Biyo-Maal)
  24. Abdiasis Sheikh Yusuf Dired (Dir: Fiqi Mohamed)
  25. Ing. Munye Said Omar (Digili & Mirifle: Tuni
  26. Sheikh Adan Madobe (Digili & Mirifle: Hadamo)
  27. Col. Hassan Mohamed Nur “Shati-gud” (Digili & Mirifle: Harin)
  28. Mohamed Ibrahim Habsade (Digili & Mirifle: Lisan)
  29. Ibrahim Adan Kiish Bur (Digili & Mirifle: Lisan)
  30. Prof. Mohamed Omar Dalha (Beesha Shanaad: Jarer-weyn)
  31. Prof. Ali Khalif Galeyr (Darod: Dhulbahante)
  32. Abdikarim Jama (Darod: Dhulbahante)
  33. Prof. Abdi Ismail Samatar (Dir: Gadabursi)
  34. Prof. Ahmed Ismail Samatar (Dir: Gadabursi)
  35. Sakariye Haji Mohamed (Darod: Leelkase)
  36. Hussein Arab Isse (Dir: Isaaq)
  37. Prof. Ali Mohamed Gedi (Hawiye: Abgal)
  38. Prof. Abdirasak Osman Hassan Jurile (Darod: Majirteen)
  39. Gen. Abdi Hassan Awale “Qayb-Did” (Hawiye: Habar-Gidir)
  40. Col. Mohamed Ahmed Alin (Hawiye: Habar-Gidir)
  41. Prof. Mohamed Abdi Gaandi (Darod: Ogaden)
  42. Abdirahman Abdishakur (Hawiye: Habar-Gidir)
  43. Yusuf Garad Omar (Hawiye: Habar-Gidir)
  44. Ahmed Mo’allim Fiqi, the Current Director of the NSS (Hawiye: Habar-Gidir)
  45. AVV. Aydid Iko-Hanaf (Dir: Isaaq)
  46. Gen. Jama Ali Jama, Former Puntland President (Darod: Majirteen)
  47. General Ade Muse Boqor, Former Puntland President (Darod: Majirteen)
  48. Jamac Jangale (Darod: Dhulbahante)
  49. Ali Ismail Abdi-Giir (Darod: Leelkase)
  50. Maslah Mohamed Siyad (Darod: Marehan)
  51. Abdullahi Ahmed Adow (Hawiye: Habar-Gidir)
  52. Gen. Mohamed Darwish (Darod: Majirteen)
  53. Gen. Mohamed Shiekh Hassan the Former Director of the NSS (Hawiye: Abgal)
  54. Abdilaahi Mohamed Omarr, Minister of Foreign Affairs(Dir: Isaq)
  55. Yusuf M.Deg, Former, Minister of Foreign Affairs (Dir: Isaq).


Liiskan oo aanu ka helnay xubno ka tirsan guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada cusub ayaa waxaa markii dambe laga saaray rag faar badan oo ay ka yihiin C/weli Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Xasan Abshir Faarax, Xuseen Carab Ciise iyo qaar kale oo ka dhex muuqday in ka badan 200 xildhibaan oo shalay loo dhaariyey baarlamanka cusub.

Lama oga ilaa hadda sababta xubnihii la diiday qaarna loo soo celiyey kuwii kalena looga tegay, waxaana kuwa laga tegay u badnaa beelaha hawiye halka kuwa lagu daray xildhibaanadana ay ka mid yihiin beelaha kale ee Soomaaliyed.

Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa dhowr jeer isku dayey inuu hos istaago isku dayga lagu soo celiyey xildhibaanada la diiday oo ay ku jiraan qaar ka mid ah taageeraayaashiisa iyo hogaamiye kooxeedyo isaga ku beel ah hase ahaatee ilaa hadda kuma guuleysan wuxuuna u muuqdaa in talo ay farahiisa ka baxday oo uusan waxba ka qaban Karin arintan.

Mahiga ayaa ka balan qaaday madaxweynaha inuu ku dedaalo doono in raga la diiday la qaato hase ahaatee waxaa wararklu sheegayaan in isaga laftiisa uu ku fashilmay isku daygaas ka dib markii cadaadis ba’an uu kala kulmay wakiilo ka socda beesha caalamka oo gadaal ka hagaya howsha socota.

“Waxaa la yaabanahay waxaa la diiday rag aqoonyahano ah oo weligood aan qori qaadin, laguna aqoon, waxaana la qaatay rag hormuud ka ahaa qaskii siyaasadeed hareeyey ee dowladihii KMG ahaa oo uu ka mid yahay Shariif Xasan kuna jira dadka ugu daran ee lagu eedeeyey musuq maasuqa dhaqaalaha Somalia” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah aqoonyayanada Soomaaliyeed.

1 Comment

  1. Warar dheeraad ah oo ka sxoo baxaya kulan Madaxweyne Shariif iyo danjire Mahiga ku yeesheen garoonka Aadan cadde

    Xili maanta la filayo in maanta ay magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee baarlamanka Somalia ayaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweyne Shariif xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo wakiilka QM ee Somalia.

    Kulankan oo ahaa mid xasaasi oo albaabadu xirnaayeen ayaa warar hoose oo la helayo waxay sheegayaan in looga hadlay qodobo ku saabsan marxalada kala guurka gaar ahaan qaabka ay ku socoto howlaha xulida xildhibaanada cusub oo qeybtii ugu horeysay maanta la filayo in la dhaariyo.

    Madaxweyne Shariif u sheegay wakiilka QM inuu si weyn uga xun yahay qaabka ilaa hadda ay ku socdaan howlaha soo xulida baarlamanka, isagoo xusay in liisaskooda la diiday dad muwaadiniin ah oo xaq u leh iney xildhibaano noqdaan taasoo uu sheegay in laga leeyahay dano siyaasadeed.

    Shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay si deg deg ah loo soo celiyo liiska illaa 50 xubnood oo uu dib u celiyey guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada Baarlamanka Somalia, ka dib markii lagu tuhmay iney galeen dembiyo dagaal, kana mid yihiin wax loogu yeeray qas qadeyaal.

    Madaxweynaha ayey wararku sheegayaan inuu kulankaas ka sheegay in haddii aan xubnahaas dib loo soo celinin ay abuuri karto qas iyo jahweareer siyaasasadeed oo mar kale uu dalku galo, taasoo buu yiri dhibaato ku noqon karta geedi socodka nabada Somalia iyo ka bixitaanka KMG.

    Ma cadda qaabka loo arkay cabashada madaxweynaha hase ahaatee waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in la ogolaaday dib u soo celinta xubnihii horey dib loogu celiyey beelaha si loogu daro liiska cusub ee xildhibaanada cusub kaarar aqoonsina loogu sameeyo, lamase oga illaa hadda sida farsamo ahaan galabta looga gaarsiin karo arintaas, waxaana madaxweynuhu uu guddiga farsamada ku eedeyey iney xaalada sii adkeynayaan.

    Waxaa weli socda aqoonsiga loo qeybinayo in ka badan 200 xildhibaan oo illaa hadda guddiga farsamdu ay soo gudbiyeen si ay uga mid noqdaan xubnaha cusub ee baarlamanka, iyadoo galabtana la filayo inuu kulankoodii ugu horeeyey u furmo inkastoo cabsi badan laga qabo in dib u dhac kale uu ku yimaado, buuqa iyo kulamada xasaasiga ah ee socda awgeed oo sababi kara inaan arimaha qaar deg deg go’aan looga gaarin.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s