Qoridda Dastuurka, Xulka Xildhibaannada & Tirakoobka Ummadda – Qeybta 2-aad

Aqriso Qabta 1aad  – Go’doonka Bad La’aanta Xabashida- Tixgelinta Tirakoobka Deegaamada – Xeer-jajab iyo awood Dawladeed midna kuma laguma qoondayn karo jaangoynta tirada Xildhibaannada Baarlamaanka Qaranka soo geli doona. Tiro Xildhibaan oo dhan 225 oo Dawladdu wadato kuma salaysna xeer Bulshadu waafaqsan tahay.

Tirada Xildhibaannada qaranka waa inay ku salaysnaadaan tirakoobka bulshada ku nool deeggamada dalka oo 10kii sano mar kale dib loogu noqdo si loo qeexo tirada dadka kusoo kordhay deegaankaas ama inta ka yaraatay, taasoo wax ku kordhin karta ama wax ka dhimi karta tiradii xildhibaannada ee hore u taagnaa oo deegaanda kasoo geli jirtey.

Haddaba, waxaa TFG-da deg deg loogu baanah yahay inay magacawdo guddi ka kooban xubno sharciyahan ah oo lagu soo xulo qaybaha 4.5 oo ka madaxbannaan maamulka dawladda oo soo jaabgooya qiyaasta tirakoobka degmooyinka ay ahaan karaan si loo helo tirada xubnaha xildhibaannada baarlamaanka qaranka ee kasoo geli kara deegaan walba, ha ahaado gobollada dhisan oo is-maamula ama kuwa weli colaaddu ka jirto oo ay tahay inay codkooda yeeshaan.

Qiyaastii Tirakoobka Dalka ugu dambaysey

Si loo sameeyo tirakoob dhab ah oo lagu soo jaan-gooyo tirada xildhibaannada baarlamaanka Dawladda TFG-da, waxaa la qaadan karaa tirakoobkii ugu dambeeyey oo dawladdii Kacaanku samaysay sannadkii 1987da. Waa la og yahay in 24 sano kadib aan dadku uusan tiro dhammayn dadkii waagaas lasoo tirakoobay.

Wax badan baa is-baddeley. Dad badan baa dhinta. Kuwo badan baa dhashay. In badan baa dalka ka tacabirtay oo maanta ku nool cirifyada dunida.

Kuwo badan baa hadda qaxooti ahaan ku nool dalal badan oo aan deris nahay. In badan oo kale ayaa ku barakacday dalka dhexdiisa. Waa in la sameeyo qaiyaas isku-celcelis ah oo lagu soo xaddadi karo tirada xildhibaanada baarlamaanka ilaa inta laga sameeyo tirakoob sax ah muddo dambe dambe oo munaasib ah

Hanweynida Madaxda TFG-da iyo Kuwa Gobollada is-maamula

Madaxda TFG-da iyo kuwa gobollada is-maamula waxay wataan qorshe ay ku rabaan inay ku helaan xildhibaanno badan oo u kordhiya magac iyo awood tixgelin mudan oo loo aqoonsado. Waxay samaysteen farsammooyin loola jeedo in lagu qarqoorto tiro xildhibaanno ay iyagu soo xushaan si ay baarlamaanka ugu yeeshaan tiro u ansixin karta mooshin kasta oo dawladdu wadato.

Arrintaas waxaa loo arkaa duullaan lagu burburinayo nadaamka dimuqraadiyadda waafaqsan oo xildhibaanada lagu soo doorto, mana aha wax la  aqbali karo.

Masaal gaaban: Tirakoobkii Dawladd kacaanka ahayd samaysay sannadka 1987da waa la hayaa, dalka oo dhanna waa lasoo tirokoobay. Wasaaraadda Dastuurku ha raadiso tirakoobkii waagaas la sameeyey, si loo helo shax wax lagu qaddarin karo iyadoo saldhi laga dhigayo tirakoobkaas sannaddaas la sameeyey.

Hase yeeshee, gabagabadii tirakoobkii 1987da waxaa soo baxay gobollo aad u dad yar,  kuwo aad u dad badan iyo kuwo meeldhexe ah. Dadkii kasoo jeeday deegaamada tirakoobka dadku ku yar yihiin aad bay arrintaasu u dhibtay oo way ka dagaallameen inaan tirakoobaaka lasii shaacin, waxayna la hoos galeen xisbiga hantiwadaagga ahaa ee dalka ka talin jirey si tirakoobkaas oo cabburiyo.

Hase yeeshee, shaqaalihii wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo dad badan oo kale ayaa og shaxda tirakoobkaas uu diiwaan geliyey shaqdii la qabtay oo maanta ka markhaati kici kara tirakoobka gobollada.  

Tilmaan yar oo ku saabsan tirakoobka sannadka 1987dii: Gobollada Bari oo dhan dadkii markaas ku noolaa waxaa tirakoobkooda lagu soo koobay 156 kun oo qof oo qaangaar ah. Qaar kale ayaa suuqa geliyey in tirakoobku gaarayey ilaa 200 boqol oo kun oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, maanta tirada dadka ku nool Bari iyo waqooyiga Mudug inta u dhexaysa ma ahan intii lasoo koobay 1987dii oo wax badan baa is baddeley muddadii intaas ka dambaysey oo dhan 24 sano.

Gobollada tirakoobka ugu dad badnaa waxaa kamid ahaa Bay iyo Bakool. Gobollada Dhexe oo ay ku jirtey Hiiraan. Gobllada Waqooyi Galbeed. Gobollada Shabeelle/Hoose iyo Dhexe.

Waxaa meel-dhexaad noqday Gobollada Jubbooyinka Hoose iyo Gobolka garbahaarrey. Arrinta qiyaasidda tirakoobku ma ahan in lagu saleeyo tuulooyinka hadda la siiyey magac magaalo iyoo tuulooyin la siiyey magac gobol si loo helo sadbursi xildhibaanno, kuwaasoo maamulkaas u kordhiya awood iyo tixgelin gaar ahaaneed.

Muranka dhalan kara iyo waqtiga yar oo ka harsan muddada loo qabtay dhammaystirka dastuura waxaa looga gudbi karaa in laga tusaale qaato tirakoobkii ugu dambeeyey oo la waafajiyo qiyaas macquul ah oo wax lagu qaybsan karo.

Gunaanad

In deegaan walba helo xildhibaano siyaado ah waa arrin cid walba ay maanka ku hayso. Si gaar ah waxaa dawladdu rabtaa inay soo naqaysato xildhibaanno iyada u heellan oo u codeeya mooshin kasta oo dawladdu baarlamaanka soo hordhigto. Ummaddu uma dulqaadan karto in TFG-du hoggaamiso baarlamaanka meeshii baarlamaanku dawladda ka hoggaamin lahaa.

Baarlamaanku waa inuu ahaado Golaha leh awood dejisa shaciga qaranka lagu maamulo oo dalka ugu sarraysa.

TFG-du wax walba caloosha ayay ka rartay oo waxay biliqaysatay habkii soo jireenka ah oo baarlamaan ku shaqayn jirey. Baarlamaankii waxaa loo rogay gole saldhig u ah fadhi ku-dirir ay hoggaamiyaan xeer beeg aqoon la’aani haysato oo ka diimoon habka baarlamaan loo maamulo, dalkana loogu sameeyo xeer lagu hoggaamiyo.

MadaxdaTFG-du waxay ku shaqaysaa qaabka ay ku shaqeeyaan qabqableyaasha beelaha ama qaabka Mafia-du u shaqayso oo aan lahayn xad xakameeya, iyaguna ayna is-xukumin karin.

Nasiibdarro waxaa la gaaray in madaxda al-shabaab iyo gardheereyaasha ajnabiga ah oo aaladda qaraxda u sameeya al-Shabaab inay ka dhoofaan gegida dayuuradaha ee Adan Cadde oo Muqdisho ku taal, siiba qolka VIP-da oo aan ciduna juuq u oran, welibana ay madaxda TFG-du sii sagootiyaan ilaa ay dayuuradda ka fuulaan.

TFG-da ayaa warbixin laga sugayaa cidda soo baalgelisa madaxda al-Shabaab iyo ajaanibta la shaqaysa oo ka dhoofisa qolka VIP-da qaranka oo halkaas ku maaweelisa ilaa ay dayaaradda ka fulaan oo dalka ka dhoofaan.

Inta goori goor tahay, waa in la dhiso guddi aqoonyahan ah oo soo sameeya nadaamkii tirakooba dalka lagu qiyaasi lahaa, lana soo xaddadi lahaa tirada xildhibaannada baarlamaanku yeelan doono.

Sidaas darted, Wasaaradda Dastuurku waa inay soo magacawdaa guddi aqoonyahanno ah oo ku xeeldheer habaynta tirakoobka bulshada iyagoo xiganaya tirakoobyadii hore loo sameeyey iyo sidii loo samayn lahaa sharciga habka doorashada.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s