Shirkii Kooxda Xiriirka ICG oo IGAD ku Raacay in La Cunaqabateeyo Barlamaanka Soomaaliya (Daawo Sawiro)

Jabuuti (Moment Media) Ra´iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey shirkii kooxda Xirrirka Caalamiga ah ee arimaha Soomaaliaya ICG  oo maanta kusoo gabagaboobay magaalada Jabuuti, Ra’iisal wasaare Gaas wuxuu codasaday in beesha caalamku ay isku meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya loo gacan qaban lahaa loona taageeri lahaa, Ra’iisal wasaaruhu wuxuu shegey in loo bahan yahay in isku mowqif laga noqdo shirka London lana taageero.

Shirka kooxda Xiriirka Caalamiga u qaabilsan Arimaha Soomaaliya (International Contact Group for Somalia) aya maanta iyo shalay looga hadlay xalada Soomaaliya, Kooxda ICG waxay warbixin guud u gudbiyeen wadamada ay wakiilka ka yihiin, iyagoo hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay in wadamada deeq bixiyaashu ay la soo dhakhsadan dhaqaalaha loogu tala galay howlgalada Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadlay oo kale Shirka London oo ay sheegeen inuu yahay shir muhiim u ah Soomaaliya, laguna xoojinayo qorshaha nabadaynta iyo Road Map-ka.

Shirkan waxaa ka qeybgalay madaxda DKMG ah, gaar ahaan raysul wasaare C/weli Gaas,Shariif Xasan Sheekh Aadan (oo xilkii baarlamaanka ka qaadeen), madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo wakiil ka socday ururka hubeysan ee Ahlusuna qeybtiisa gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa shirka goob joog ka ahaa wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo shirka gudoominayey iyo wakiilo ka socday dawladaha iyo ururada xubnaha ka ah kooxda ICG.

Haddaba maxaa ka soo baxay shirka?

Bayaankii gabagabada ee shirka Kooxda Xiriirka ee labada maalin ka socday wadanka Jabuuti ayaa lagu sheegay in laxoojin doono bayaankii horay ay u soo saareen xubnaha urur goboleedka IGAD oo ahaa in la Cunaqabateeyo baarlamaanka KMG Soomaaliya ee xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasoo IGAD ay u taqaan “qas wadayaal”.

Kooxda ICG waxay kaloo ka hadleen shirka London ee shakiga badani ku jiro kaasoo arimaha Soomaaliya looga hadli doono, waxaana hadal uu maanta jeediyey raysul wasaare C/weli Gaas uu kacodsaday kooxda ICG in lagala shaqeeyo sidii shirka London loogu taageeri lahaa Soomaaliya.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s