Qoridda Dastuurka, Xulka Xildhibaannada & Tirakoobka Ummadda – Qeybta 1-aad

Waa inay dhammaystirmaan kahor inta aan la dooran Afhayeenka Baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo Madaxweynaha Dalka. Haddaba, ummadda Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan tahay in muddo gaaban lagu soo gabagabeeyo Dastuur – Qaran oo Dalka lagu xakumi lahaa, kaasoo ah hawsha ugu culaabta badan oo kamidka ah yoolka qorshaha ku Qeexan “Road Map-ka.”

Mar kasta oo Madaxda TFG-du wax bi’iyaan waxay ku gabbadaan inuusan jirin xeer ama Dastuur qarameed oo la raaco, dawladduna ku shaqayso. Taasu waa marmarsiinyo riqiis ah. Ciddii wax qaban karta, ama daacadnimo ku shaqaysa Damiirkooda ayaa ka ilaaliya xumaan-falidda. Haddii ay qaadan lahaayeen Dastuurkii la Qoray Lixdamaadkii, wax badan baa Dalka & Dadka u hagaagi lahaa.

Dhabnimada, TFG-du way rabtaa Dastuur la’aantu inay kusii noolaato, dardarna ma galiseen in kan la dajiyo haddaan UN-ka iyo dawladaha deeqda bixiya ayna TFG-da ku qasbi lahayn in la dhammaystiroo Dastuurka Qaran kahor inaata aan la gaarin bisha Agooto oo ah Sannadkaan hadda lagu jiro.

Dastuur la’aan waxay TFG-da u noqotay God halaqgaleen ah oo ay ku muquunsato Arrimaha danta gaar ahaaned ugu jirto Madaxda TFG-da.

Nasiib wanaag, Mudane Cabdi Xoosh waa Aqoonyahan xalaal ah oo ummaddu ku kalsoon tahay inuu kasoo dhalaali doono xeer-dejinta Qaranka. Walwal lagama qabi karo hawlqabadka Cabdi Xoosh hadda uu gacanta ku hayo, haddaan Madaxda TFG-du ayna mari habaabin, oo xilka uu Ummadda u hayo ayna dhabar-jabin ku samayn.

Waxaase dhab ah in Mudane Xoosh ay culaab badanu saran tahay, waqtiguna ku yar yahay, oo weliba la filayo in Madaxda TFG-du faragelin bandan ku samaynayo hawlqabadkiisa si Dastuurka loo waafajiyo dano gaar ahaaneed oo lagu ansixinayo qiil Madaxda TFG-da dantu ugu jirto.

Sidoo kale, madaxda Gobollada is-maamula hanqaltaagu kuma yara oo iyaguna waxay rabaan inay cod ku yeeshaan Qaab-Qormeedka Dastuura, si ay deegaamadooda ugu helaan sadbursi Sharciyaysan oo siiya tiro badan oo Xildhaibaanno ah oo kasoo gala Maamulkooda si ay u yeeshaa awood dheeraadi ah.

Sidoo kale, gobollada ayna weli lahayn maamul gobo aa la aqoonsan yahay waxay u codaynayaa inaan la hilmaamin oo Dastuurku siiyo tixgelin.

Doorashada Xildhibaannada

Dalka in lagu soo dabbaalo tubta Dimuqaadiyadinimadu tibaaxdo waxaa saldhig u ah inay jiraan Xildhibaanno si xalaal ah lagu soo doortay oo ka turjuma codka iyo rabitaanka ummadda oo ay huggaamiyaan aqoonyahanno leh aqoon sharci dejin iyo asluub hawlwadeen dawladeed oo ka madaxbannaan gacan ku haynta iyo naasnuujinta Madaxda TFG-da.

Xildhibaannadu waa inay ahaadan xul Bulshaddu soo dooratay oo kasoo dhalaali kara xilka loo dhiibay, ee waa inayna noqon kuwo Dawladdu maalgashatay oo ay beelaha kasoo naqaysatay.

Ma ahan in Xildhibaan uu Baarlamaanka kusoo galo isagoo ay wataan dhawr oday-dhaqameed oo dawladdu dirsatay oo aan kalsooni buuxda ka haysan bulsha deegaanka ay ku abtirsadaan. Sharci ahaan, baarlamaanku isaga ayaa Dastuurka iyo Shuruucda Dalka dejiya ee ma ahan inDawladdu Dastuurka iyo Shuruucda Dalka ay afduubto oo ku amar ku taaglayso rabitaanka Ummadda.

Sidaas darted, dastuurku wuxuu ka tirjumayaa rabitaanka ummadda, waxaana u xilsaaran xildhibaannada dhabta ah oo shacbigu soo dooratay. Xildhibaanku wuxuu xambaarsan yahay codkii bulshada iyo kalsoonida shacbiga iyaga ayaana ilaalinaya dastuurka iyo xeerarka ay dalka u dajiyaan.

Sidoo kale, dastuurku wuxuu jaan goynayaa oo sharciyaynayaa qaabka loo marayo doorashada Xildhibaannada, wuxuuna ilaalinaya xuquuqda muwaadin kasta leeyahay, iyadoo la qeexayo qaabkii cod-bixintu u dhici lahayd, nadaamkii codbixinta iyo maamulkeeda loo mari lahaa, sida tartamaha Xaqiisa/Xaqeeda loo sugi lahaa, sida Xuquuqda cod-bixiyaha loo ilaalin lahaa, loona qeexi lahaa Sharciga musharraxu xaqa u leeyahay, tilmaamidda goobaha codbixitu ka dhici lahayd oo lagu soo koobayo dhammaan deegaamada dalka, degmo ahan, magaalo ahaan, tuulo ahaan, iyo meel kasta oo bulshadu ku nooshay oo ku habboonaata gob ama bar codbixineed.

Sidoo kale, waa in lasii diyaariyo qiyaas tirakoob Bulsho oo Dalka oo dhan ah si loo qeexo tirada Xildhibaannada loo baahan yahay oo baarlamaanka soo geli karta ee aysan noqon tiro Xildhibaano ee dawladdu soo qorshaysatay. Dastuurku waa inuu qeexaa habwanaaga loo hirgelinayo- iyo xadgudub la’aan aan nadaamka doorashada Xildhibaannada, iwm.

Baarlamaanka oo cuskanaya dastuurka qaranka, wuxuu ku shaqo leeyahay inuu xakameeyo xadgudubka xubnaha dawladda ama taliska dawladdu sameeyaan iyagoo dan gaar ahaaneed ku wata. Dastuurku waa inuu sharci darro u arko musharraxa xildhibaanimada u tartaamaya oo dawladdu taakulayso, ama hiillka iyo hooda isugu darto si looga adkaado tartamaha kale oo loollanka ku jira.

Musharraxa Xildhibaanimada u tartamaya oo aan Dawladdu maalgelin dhibaatooyin badan baa la filayaa inuu xagga dawladda dhibaatooyin badan kala kulmo, taasna waa in Dastuurku dejiyo sharci ilaaliya xuquuqda tartamaha, iyadoo la samaynayo guddi madaxbannaan oo kormeer ku sameeya qaabka doorashada Xildhibaannadu u dhacayso oo ku salaysan xeer-jajabka 4.5 ilaa laga helo nadaam kasii fiican tan looga gudbo.

90% Faragelinta iyo hagardaamooyinka Doorashada la xiriirta waxaa la filayaa inay ka yimaadaanXagga Madaxda TFG-da ama tan Gobollada is-maamula, dhibkaas oo lagu wiiqayo Qofka Xildhibaanimada tartanka ugu jira oo aan dawladu wadan, waana in taas oo kale dastuurku ka dajiyo xeer ilaaliya xuquuqda tartamahu leeyahay.

Halkaan ka Aqri Qaybta 2aad 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s