Faysal Cali Waraabe:- Shirka London nuxurkiisu waxa weeye sidii dowlad Soomaaliyaa loogu sameyn lahaa oo ay Somaliland ku jirto

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Shirka London ay Somaliland ka qeybgasho si aynu uga dagaalano inaynu ka mid noqono dowladd shirkaasi loogu dhisayo Soomaaliya maadaama oo wakhtigii dawladda TFG-da Sheekh Shariif uu sii dhamaanayo, isla markaana aynaan ku jirin dariiqii nabada Somalia loogu raadinayey ee Road Map-ka.

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay in Somaliland aysan kala jeclaysan maamul goboleedyada qabaa’ilka Somalia samaysteen oo aan la soo kala dhaweysan maamulka Puntland iyo maamulada la midka ah ee qabiilka ku dhisan, isla markaasna la kala yahay labadii dowladood ee 1960-kii ee Somaliland oo Ingiriisku xukumayey iyo Soomaalidii-dii Talyaaniga.

Mar la weydiiyey Faysal Cali Waraabe Su’aal aheyd Guddoomiye sidaad ogtahay 20-kii sanadood ee la soo dhaafay shacabka Somaliland umay baran in meel arrimo Soomaaliyeed lagaga wada hadlayo ay adhiisato Xukuumaddan Siilaanyo ka hor, markaas shacabka sideebaad shakiga uga saareysaan inaan shirkaasi lagaga hadleyn arrimo midnimo Soomaaliya iyo Somaliland? Ayaa waxa uu ku jawaabay “Shirkan waxaa loo diyaariyey in midnimo laga hadlo sida warqadahan ku yaala, waxba yaan been la isku sheegin, dowladda hadda dhamaaneysa ee TFG-du marka ay dhamaato, sidii dowlad Soomaaliyeed loo sameyn lahaa oo aynu inaguna ku jirno horta shirku nuxurkiisa weeyi, laakiin waa in meesha aynu tagnaa oo ka dagaalanaa ileyn la ina qasbi maayee, ileyn ragbaa waxan ku soo talogalay oo inagu soo talo galee, waa inanu ka dhiidhinaa oo aynu nidhaahnaa dagaal ayaanu ka xignaa, taasina waa ta shirka lala tagayo”.

“Horta taladii qaran ee aanu anaguna u soo jeedinay Siilaanyo isna wuu ogolaaday habeen hore ayuu sameeyay seddexda xisbi ayaa la isugu yeeray iyo shir guddoonka labada Gole markii uu inoo yimid ninkii Ingiriiska ahaa waxyaabihii shakiga inagaga jiray uu shaki saaray iyo in Madaxweynuhu uu ka hadli doono meesha naloo cadeeyay iyo in Road map-ka aysan Somaliland qeyb ka aheyn anigann waxa aanu ku dhiri galinay maamulka Siilaanyo shirkaasi halaga qeybgalo” ayuu yiri mar kale Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale Eng Faysal Cali Waraabe waxaa la weydiiyey su’aal aheyd Guddoomiye marka aad leedahay Road Map-ka qeyb kama nihin, haddana waxa la sheegayaa August ka dib in lagu talin doono shirkan oo
waxyaabaha lagaga hadli doono ay ka mid tahay sida Soomaalida loola macaamili doono oo dowlado badan ayaa soo jeedimo wata, dowladda Ingiriisku ma idin tiri Somaliland ahaan idinku kama qeyb tihindhacdooyinka wixii ka dambeeya August 2012-ka ayaa waxa uu ku jawaabay “Go’aan kasta oo soo baxa waxa ka qeyb ah cid kasta oo ka qeybgashay, hadda xittaa haddii aad aratid Road map-ka kuwan shirka ka soo qeybgalay intii saxeexday weeyaan, maadaama oo aananu Road Map-kaa ka qeybgalin oo 20-kaas sano aanu anagu gooni ka aheyn oo 18-kii gobol ee Afweyne sameeyay aanu ka dagaalanay, maadaama oo aananu 4.5 aananu ku jirin wax naga khuseeyaa arrintaas ma jirto, markaas Soomaaliya 60-kii laba qeybood ayey aheyd qeybi waatan oo waa Somaliland waa wadan dimuqraadi ah oo dhisan oo sameysan dhincii kale ayaa qasan oo qabaa’il la baxay dowlad goboledyo oo qabaa’ilkaas in la midooyo
dowlad loo sameeyo ay ku midaysanyihiin weeyaan, laakiin ma aha in Somaliland waxaa lagu soo dhex tuuro, taasi waa waxa aanu ka dagaalameyno mid suurtagalaysana ma aha}.

Sidoo kale Mr. Fayl Cali Waraabe waxaa la weydiiyey su’aal aheyd meeqaamka Somaliland kaga qeybgaleyso waa meeqaam noocee ah ma idinka oo maamul goboleedada Soomaalida la mid ahbaa ma idinka oo ka duwan baa, ma goobjooga nimo talo la weydiinayabaa waa noocee oo dowladda Ingiriisku idiin sheegtay? Ayaa waxa uu yiri “Horta waxan aad maamul goboleedada aad ku sheegaysaa waa qabaa’il kala socota, Gaalkacayo ayaa laba qeybood ah oo Puntland qeybi la baxday reerana ay Galmudug la baxeen oo Gaalkacayo labada qeyboodba caasimad u tahay, waxa kale oo jira laba reerood oo iyaguna Ahulu Sunna Waljamaaca la baxay, waxaa socda Banaadir oo ah Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo isna reer ah, markaas Somaliland horta qabiil ma aha ee waa qaran jiray oo xuduud leh oo 1960-kii ku darsamay qaran kale oo Talyaanihii xukumayey, marka la wada hadlayana waxa weeyi marka qaran Soomaaliyeed sameysanto in la wadahadlo, markaas anagu waxa aanu meesha u tagewynaa in 40-ka dowladood inta ka badan ee timid aanu fursad helno oo aanu kiiskayaga hordhigno oo wixii aanu u baahanay ma aha inta aanu qabsanay ee wixii kale aanu adduunka uga baahanahay aanu meesha la tagno

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s