Hayada Xaq u dood oo u istaagtey gargaarka dhibanayaasha soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool

XAQ U DOOD

Ururka ama hayada Xaq u dood,hadafka iyo ulajeedada dhabta ah ee uu higsanayo anagoo intii karaankeen ah kusoo koobnay waa arimahan hoos ku qoran.. Kadib markii umada soomaaliyeed ay soo wajahdey dhibaato baahsan oo dhan walba ah oo aanan halkan lagusoo koobi karin laga soo bilaabo qaran burburkii guud ee asiibay dalkii soomaaliyeed kaasoo sii cagacageynaya mudo Rubac qarni ah, Markaan u kuurgalay xog ururin badana aan kasamayney dhibaatada baahsan ee umada soomaaliyeed ku haysa dal iyo dabadba,kadib markaan ogaanay daryeel la,aanta,xadgudubka,xaquuqdooda oo laga duudsiyo,umada iyo shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalal badan oo dunida guudkeeda ah,dadkaas oo ah kuwo dhulkoodii uga soo cararey nabad galyo xumo lasoo daristey iyo colaad sokeeye oo halakeeyey shacabka iyo umada soomaaliyeed arimahaas cakiran daraadeedna doorbidey ineey u haajiraan dalal badan oo kamid ah caalamkan maanta aan ku nool nahay.

Xog ururin badan o aan samayney ayaa hayadan(Xaqu Dood) waxaa lama huraan ku noqdey ineey aburaan hayadaan xooga saari doonta xal u helida dulmanayaasha soomaaliyeed ee ku nool dunida guudkeeda sidii xuquuqdooda ugu raadin lahayd si aan loo duudsin oo ay halka ay ku nool yahiin waxay xaq ugu leeyahiin ay ku heli lahaayeen.

Waxaa hubaala oo jira in dawlada soomaaliyeed aanay inta badan dabooli karin baahida umada soomaaliyeed ee ku nool wadamada dunida oo ay u haajireen,maadama dawlada soomaaliyeed dalalka dunidoo dhan aanu u joogin xaafiis safaaradeed ama wakiil ku hadla codka jaalliyadaha soomaaliyeed ee ku nool dunida guudkeeda,islamarkaana aanay kari karin ineey dawlada soomaaliyeed iyo xukuumadaha ku abtirsada magaca soomaali aanay dabooli karin ineey xal u helaan baahida shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalalka dibada ah ama qurba joogta soomaaliyeedba 15%.

Sababahaas kor ku xusan oo aan halkan lagusoo koobi karin baahidoo dhan oo jira darteed ayeey ka dhalatey hayadan la magac baxdey(Xaq u dood-ama Samafal)taasoo ah hayad u istaagtey doorbidey ineey xooga saarto xaqiiqa raadinta iyo daba galka hab nololeedka shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalalka qurbaha ah oo aan dalkoodii hooyo ahayn,kuwaasoo ay ku jiraan dhibanayaal badan oo uu xadgudub iyo dulmi baahsani qaarkood uu ku haysto dalalka ay ku nool yahiin ee dibadaha ah.

Hayadan xaq u dood iyadoo kaaashanaysa dowlada KMG ee soomaaliya,maamulada iyo xakuumadaha ku abtirsada magaca soomaali,hayadaha qaramada midoobay,,hayadaha xuquuqu insaanka,hayadaha samafalka madaxa banaan,iyo cid kasta oo gacan kusiin karta hawshan ay u istaageen oo ku taageeri karta sidii loogu gargari lahaa dhibanayaasha soomaaliyeed ee ku dulman dalal badan oo dunida guudkeeda ah,si ay u helaan waxii ay xaqa u leeyahiin waxii xadgudubana looga reebi lahaa.

Hayadan (Xaq U Dood) waxay si toosa wada shaqayn buuxda ula yeelan doontaa xukuumada soomaaliyeed iyo maamulada ku abtirsada magaca soomaaliyeed ee arintaani quseyso,Sidoo kale waxay xiriir wada shaqayna la yeelan doontaa hayadaha qaramada midoobey(UN),ururada xaquuqul insaanka,urur goboleedyada sida ururka Igad,OAU,Arab leage,Euro union,ururka islaamka,USA iyo dhamaan beesha caalamka ee jecel wanaag kuwada noolaanshaha iyo ilaalinta xuquuqda bini aadamka,

Hayadan(Xaq u Dood) iyadoo ilaalinaysa sharuucda iyo xeerka u dagan dalalka aduunka ee ay ku nool yahiin dibad joogta soomaaliyeed,iyadoo ilaalinaysa hab dhaqameedka dalalkaasu leeyahiin,iyadoon ku xad gudbeyn ilaalinaysana kala danbeynta iyo maamul wanaaga kajira dalalkaas aduunka ah oo ay kunool yahiin qaar kamid ah jaalliyadaha soomaaliyeed,ayey hayadan(XAQ U DOOD) si sharciyan ah oo waafaqsan xeerka u yaala dalalkaas iyadoo aanan dhaafayn ilaalinaayana waxay hadana xooga saari doontaa iskuna dayeysaa ineey raadiso sidii ay u heli lahaayeen waxii xuquuqdooda ah jaalliyadaha soomaaliyeed ee ku nool dibadaha,loogana reebi lahaa waxii tacadiyo iyo xadgudub ah oo lagu hayo iyadoo hayadan(Xaq u dood) u mari doonto wadiiqo sharci ah iyadoo weliba kaashanaysa dad qibrad iyo aqoonba  leh hadba waxii lasoo gudboonaada iyo(Qareeno hawshan ka bixi kara)iyadoo kaashanaysa una gacan haatinaysa hayadan(XAQ U DOOD) cid kasta oo garab ku siinaysa hawlahaas adag ee horyaala..

Hayada (XAQ U DOOD) waxay wejigeeda koowaad xooga saari doontaa sidii xal loogu heli lahaa qodobadan soo socda oo ah lama huraan aas-asi u ah ilaaalinta xuquuqda iyo xaqdhowrka jaalliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dariska ah,waxayna si buuxda ula kaashan doontaa hawlahan horyaala warbixinada iyo sidii laga yeeli lahaa xaaladihii ad-adag ee soo kordha lana wadaagi doontaa hayadaha iyo xukuumadaha lama huraanka ah,sida dawlada soomaaliya,iyo dhamaan maamulada iyo ururada kor ku xusan,waxaana kamid ah qodobada hayadan(XAQ U DOOD) horyaala oo ay xooga saareyso kuwan soo socda.

A-     Dadka ku jira xabsiyada ee iskaga xiran sida sharci darada ah iyadoo aanay jirin wax maxkamad lasoo saarey oo ku ridey xukun,oo iyadoon loo tixgelin dambiga uu galay lana ogeyn xabsiga lagu hayo.

B-     Dadka uu kusoo gaarey dhaawac ula kaca ama mid kedis ah oo ama dimasho,ama bukaan xanuunsan ah ee soomaalida ah oo aan wax daryeela ku haysan ama tixgelina dalalka ay ku nool yahiin sidii xuquuqdooda loogu raadin lahaa.Hadii ay jirto dhimashana la raadin doono sababaha dhaliyey cadeymo ka turjumaya si loogu raadsho magdhowgii qofkaasu lahaa.

C-     Waxay hayadan(XAQu DOOd) daba gal buuxa ku samayn doontaa dadka dhalinyarada ah ee kasoo jeeda dibad joogta soomaaliyeed ee aan haysan waxbarashada mahiimka u ah ee lagu shaqaysto ama la Adoonsadaba si looga ganacsado jirkooda looga hortagi lahaa si ay u helaan xuquuqda asaasigaa oo ay leeyahiin.

D-     Waxii xaasas maato ah ee wata ubad yaryar ama agoonba ah iyo wax alaale waxii tabar daran ee u nugul dabeecadaha ay ku dhexjiraan oo ay hayso daruuf guud oo ba,an sidii loogu raadin lahaa daryeel buuxa iyo nolol ka wanaagsan taas markaas ay ku jiraan.

E-      Waxay hayada (XAQ U DOOD) xooga saari doontaa sidii ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool dalalka dibadaha ah iyadoo la tixraacayo xeerarka iyo sharuucda u taal wadamadaas ay ku nool yahiin loogu samayn lahaa dhiiragelin iyo kalsooni ay ku gutaan hawlahooda ganacsi ee ay dalalkaaas ay ku nool yahiin ka wataan,si loo ilaaliyo xuquuqdooda aas aasigaa ee bini aadnimo oo ay leeyahiin,si waxay xaqa u leeyahiin ay u helaan waxii xaq daro ahna looga reebi lahaa..

F-      Jaalliyadaha soomaaliyeed ee kunool dalalka dibadaha ah ee ee ay xuquuqdooda iyo xaq dhawrkoodu wanaagsan tahay noloshooduna tahay mid lamid ah dalalkaas ay ku nool yahiin ee aan ahayn dhibanayaasha ayagu sida qaaradaha Yurub iyo w/America, hayadan (XAQ U DOOD) waxay ku samayn doontaa dhiiragelin iyo baraarujin buuxda,hadii ay jiraan qaladaadyo ay tirsanayaana waxay isku dayi doontaa sidii xal loogu heli lahaa.

Hayadan(xaq u dood- ) waa hayad aan ahayn hayad ganacsi ah ee waa hayad ee waa hayad ay aas aaseen xubno is xilqaamay oo u istaagay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka iyo daruufaha ad adag ee haysta shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadaha ah,waa hayad hawlwadeenadeedu ku shaqayn doonaan si tabarucaada oo aanay marnaba doonayn ineey ka raadiyaan wax macaasha,kuwaasoo bartilmaameedkoodu yahay ineey xal u helaan bahweynta soomaaliyeed ee ku nool 5-ta qaaradood sidii xaqooda loogu raadin lahaa,

Waxaana lama huraan ah oo u baahan tahay hayadan(xaq u doon)taageerada Shaqsiyadeed,tan ganacsato,tan dawladeed,tan urur,tan shirkadeed,iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta fududeynta hawlaha hayadan(xaq u dood-foundation) u istaagtey ineey u qabato umada soomaaliyeed ee ku dulman dalalka dibadaha ah oo ay ku nool yahiin.

Hayadan (XAQ U DOOD) waxay si toosa u isticmaali doontaa qalabka warbaahinta iyadoo adeegsan doonta telefishinada,Idaacadaha,websiteyada,iyo wargeysyadaba,waxayna samayn doontaa warside u gaar ah oo ay leedahay si ay u fududaato xiriirka dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool dunida guudkeeda si loo ogaado dhibaatada ay qabaan si loogu helo daryeel buuxa oo loogu sameeyo.

Wabillaahi towfiiq –balanteenu iyo hal ku dhageenu waa erayadan hoose…

(Haku daawan walaalkaa dulmiga)(walaalkaa xuquuqdiisa dulman raadi)-(U hur walaalkaaga dulman waxaad deeq iyo duunyaba u huri karto—si uu uga baxo dulmiga iyo ciilka soo daashadey)—(Dareenkaaagu ha noqdo mid dadkiisa iyo dalkiisaba ku wajahan)—(Intaan la dilin ama uuna dandaro walaalkaa u dhiman—Raadi xuquuqdiisa dulman..

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s