Maxaa muranka geliyay maqaamka MUQDISHO..?

April 3rd, 2012 Muqdisho yaa iska leh..? Muqdisho lama kala xigo.! Muqdisho anagaa iska leh.! Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya iyo maqaallo kale ayaa maalmahan soo noqnoqanayay kuwaasoo inta badan u muuqday weeraro iyo difaac madax isku riix ah.

Muqdisho waxaa iska leh umadda Soomaaliyeed waana caasimadii dalka laakiin taasi meesha ka saari mayso in Muqdisho oo ka tirsan gobolka ugu balaaran dad ahaan, degmooyin ahaan, dhaqaale ahaan, uguna mudan siyaasad ahaan dalka Soomaaliya ay yeelato dad u metela heer gobol oo daneheeda ka shaqeeya.

Markale aan ku celiyee Muqdisho waxaa iska leh umadda Soomaaliyeed laakiin waxaad moodaa in la isku qasayo inay Muqdisho yeelato maqaam ay ku meteli karto umadda Soomaaliyeed iyadoo ah xarunta federaalka indhaha nalaka geliyay een iska liqnay inagoon fahmin.

Balse dhanka kale waa in la sameeyo shuruuc qeexaysa qaabka ay Muqdisho gobol ahaan ugu dhaqmi karto iyadoo ka tirsan gobolada 18 -ka ah ee Soomaaliya si ay u xaliso baahideeda maamul ee maxalliga ah.

MUQDISHO LAMA KALA XIGO LAAKIIN…..

Muqdisho waa dhul Soomaaliyeed lamana kala xigo lamana kala xigsan oo waa meesha kaliya ee uu qof kasta oo Soomaali ihi ku dareemo inuu si uun wax ugu leeyahay marka loo eego gobollada dalka qaarkood oo ay dadka Soomaaliyeed ajnabi ka yihiin taasoo ah ifafaale u baahan in wax laga qabto si wax loo wada yeesho dadkuna isu jeclaadoo u midoobo.

Aan mar kale hoosta ka xariiqee midbaa u baahan in farta lagu godo Muqdisho waxay xaq u leedahay helitaanka qaab ay isu maamusho gobol ahaan iyo qaab ay saamigeeda uga hesho sadka qaran ee Soomaali u dhexeeya oo ay in badan oo ka tirsan soo saarto.

Tusaale ahaan waxaa sharciga lagu qori karaa inuu Muqdisho iska soo sharixi karo qofkii deganaa mudo mucayin ah (Dheh 3 sano, 5 sano IWM) ama xitaa hadii la fogeeyo waxaa la dhihi karaa qofkii ku dhashay taasoo aan ka dhigneeyn reer hebel gaar ah (Tusaale ahaan INA SHARMA’ARKE, CAALIN iyo TARSAN waxay ku dhasheen Muqdisho) iyadoo taa loo jeedo maaha in nin gobol kale ka yimid uu Muqdisho ku xukumo oo kaliya qabiil hebel ayaan ka dhashay (Waa qariibe qarnigee noolnahay).

Mida ay tahay in carabka lagu adkeeyo ayaase ah in qofka gobolka loosoo doortaa uu noqdo qof MUQDISHAAWI ama XAMRAAWI ah marka aan sidaa leeyahay waxaan ula jeedaa inuu yahay nin ay ka go’an tahay horumarka gobolka ee aan ka fikireynin gobolkii uu awoowihii ama aabihii ka yimid…Qabyaaladda unbaa ceeb ehe waa wax caalami ah inaad ku faanto gobolkii aad ka timid adigoo aan qabiil u xigsaneynin dadka kalena aan xumeyneynin.

Sida ku cad CUTUBKA 7-AAD ee qodobka 67-aad ee dastuurka qabyada ah ee lagu muransan yahay cidda diyaarisay iyo duruufaha lagu diyaariyay Muqdisho waa inay 3 dooq kala door bido:

1- Muqdisho-Caasimadda magaala madaxda federaalku waxay ahaaneysaa magaalo ku dhex taalla dowlad goboleed (Gobollo kale ayay ku biiri kartaa)

2- Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah dowladda federaalka (Taasoo aysan dadkeedu lahayn wakiillo heer gobol ah, kamana mid noqon karto maamul goboleed (Waa sida WASHINGTON DC)

3- Magaala-madaxdu waxay noqonaysaa caasimad iyo maamul-goboleed iskeed ah sidaa darteed kuma biiri karto gobollo kale.

Aragtideeyda qodobka 3-aad ayaa ugu macquulsan maadaama ay Muqdisho leedahay awood iyo qiyam ay kaligeed ku istaagi karto iyadoo aan u baahanin gobollada deriska ah isla markaana aan xaqeedii la duudsiinin.

La soco qayb kale…….insha ALLE

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s