Xisbiga Xuriyadda Oo Soo Bandhigay Talooyin Lagu Biirinayo Qabyo Qoraalka Dastuurka

Qabyoqoraalka DastuurkaLatashiga. Dadweynaha (QDLD)

March 29, 2012

Ma dow baa mise waa jahawareer soo kordhay?

Moment Media Group – Dastuur waa heshiis bulsho oo dad ku dhaqma.  Sidoo kale waxaa la yiraahdaa, dastuur waa kontract ay bulsho iyaga dhexdooda isla galaya.

Bishii Juun, 1960, saqdii dhexe habeenkii BAARLAMAANKA Soomaaliyeed (oo ka koobnaa 33 xidhibaan oo ka soo jeedday Gobollada Woqooyi iyo 99 xildhibaan oo laga soo doortay Gobollada Koonfureed ee Dalka sanadkii 1959) wuxuu doortay Madaxweyne isagoo ka dibna saxiixay DASTUURKA QARANKA oo sidaas ku dhaqan galay.

Dastuurkaas cusub waxaa afti “Referendum” loo wediiyay dadka Soomaaliyeed sida uu dhigayo Dastuurkaas, Bishii Juun20,1960, waxaana oggol ku codeeyay 90.6%.

Qodobka 1aad, qaybta 3aad ee Dastuurkaas, wuxuu dhigayaa (Islaamka waa Diinta Qaranka) iyo Sharciga Qaranka waxaa sal u ah shareecada Islaamka).  Haddaba haddii Dastuurkii hore uu dhigayo sidaas, maxaa looga baahday qoraalka mid kale oo cusub?

Dasaatiirka dunida way kala duwan yihiin, haddana xiriirbaa ka dhaxeeya, sida ay u kala duwan yihiin daruufaha dadyowga dunida ku kala nool, haddana ka dhaxayn kara xiriir, wuxuuna hormariyaa xiriirkaas caalami ee ummadaha kala duwan ee dunida ku kala nool, sidaa darteed dastuur kasta wuxuu raadiyaa xallinta daruufaha dad u gaar ah.  Hase yeeshee DASTUURKA QABYADA ah, markii aan akhriyay waxaan u arkay mid khatar ku ah xallinta mashaakilkaas iyada ah.  Waxaan kaloo ka gartay in uu jiro jahawareer xagga fakarka ah iyo kala duwanaanta ay ku kala duwan yihiin mabaadi’da guud ee xubnaha GUDDIGA dhexdooda, ama Guddiga iyo Hayadaha Dowladda ku meel gaarka ah.

Sida aan ognahay, Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho kala qaybsamay (Broken Society), oo weliba kala firdhaday, Dowladda KMG ah ayaa qalalaaso siyaasadeed ka dhex ooggan iyo weliba waxtar la’aan, kooxaha diinta ayaa isku maan-dhaafsan mafhuumka diinta Islaamka oo weliba qoloba qoloda kale ku tilmaanta gaalnimo, Guddiga Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga. Dadweynaha (QDLD) ayaa dhex dhexaadnimadooda shaki badan ka jira iyo weliba sharci ahaantooda.  Iyadoo sidaa tahay haddana Dadka qoray QDLD waxaa ka muuqday dadaal oo bilow u noqon kara mustaqbalka qorista dastuur dadka raali ka yahay, hase yeeshee waxaa laga arki karaa  QDLD in uu soo food saaray fakaro iyo mabaadi’ iska soo horjeeda, gaar ahaan xagga siyaasadda iyo masaalixda iyo rabitaano iska soo horjeeda oo qof ama qolo wadatay, taasoo xallintooda ku adkaatay, sida, danaha beelaha Soomaalida ay ka kala leeyihiin dastuurka oo iska soo horjeeda iyo sidoo kale Dasaatiirka Caalamiga ah iyo Xuqquuda Insaanka aduunka iyo kan Shareecada Islaamka is waafijintooda.  Sidaa darteed waxaan arkaa in jahawareerka iyo iska horimaadka ku dhex jira QDLD uu si dhab ah uga tarjumayo jahawareerka guud ee ku dhex jira siyaasadda, kooxaha diinta dhexdooda, DKMG, iyo bulshada Soomaaliyeed inteeda kale oo isku haysta dano iyo masaalix qabiil oo kala duwan.

Halkan kuma xusi karo dhamaan jahawareerka (confusions) ku dhex jira qoraalka DASRUURKA ama QDLD dhexdooda, balse waxaan isku dayayaa in aan soo qaato kuwa aan is leeyahay waa kuwa ugu waaweyn ama ugu muhiimsan oo kala ah:

1-Hordhaca QDLD, waxaa ku cad in Guddiga  dastuurka QDLD lagu soo xulay qaabka awood qaybsiga siyaasadeed  ee loo yaqaan (4.5).

Suaa’l: sidee qof Qabiilkiisa wakiil uga ah  QDLD, u noqon karaa dhexdhexaad? Mase ka tarjumi karaa fakarka  qabaa’ilka kale ee  Soomaaliyeed ee aan joogin goobtaas.  Sidaas darteed qaabka loo soo xulay xubnaha iyo dhex dhexaadnimadooda shaki badan ayaa ka jira, waxaa intaas sii dheer in ay jirto tuhun ah in xulashada qaar ka mid ah xubnaha guddiga ay lug ku lahaayeen ururo ama dalal shisheeye (ajnabi) ah.  Sidaas darteed sidee shakigaas jiro looga shaafi karaa dadka Soomaaliyeed?  Yaase ku martigeliyay lataliyayaasha shisheeye ee Guddiga soo diyaariyay QDLD.

2-Waxaa kaloo hordhaca QDLD ku xusan in Dastuurka uu ku qormayo luqadda Soomaaliga (waxaa lagu soo saari doonaa saddexda luqadood ee rasmiga ah ee Soomaaliga: Maxaa Tiri, Maay iyo Carabi).

Su’aal: goormaa Lahjadda MAAY ay noqotay af rasmi ah. Maay, waxaan u arkaa in ay tahay af-guri oo qayb ka ah af-Soomaaliga, hase yeeshee aan la sinnayn Af-Soomaaliga ama Carabiga.  Waxaan qabaa oo ila haboon in fakarkaas wax laga beddalo.

3-Waxaan kaloo hordhaca QDLD ku jira wax aan u arkay in ay tahay khatar ku soo fool leh jiritaanka jinsiga Soomaalinimo.

4-“Soomaaliya waa dal Islaam ah oo ku abtirsada dunida Carabta iyo Afrikaanka”.

Su’aal: haddii ay sidaa tahay, intee uu ka baxay jinsiga Soomaali?  Haddii ereyga  “Afrika” laga wado Soomaali, maxaa ereyga Afrika loo qaatay, halkii laga qaadan lahaa ereyga Soomaali.  Soomaalidu, waxa ay ka mid yihiin qolooyinka Carabtii hore ( Arab Georaphers) ugu yeeri jirtay “BARBAR”, halka Afrikada kale ay ugu yeeri jireen “ZANJI”. Af Soomaaligu wuxuu gaar u yahay Soomaalida (Geeska Afrika) wuxuuna ka mid yahay bahda loo yaqaan KUSHITIK (Cushitic), halka Af Carabiga uu ka mid yahay bahda loo yaqaan (Semitic),   Waxaan qabaa in dalkan loogu yimid dadka ku abtirsada jinsiga Soomaali oo ku hadli jiray afka maanta aynu ku hadalno oo ah afka iyaga laga dhaxlay.  Waxaan kaloo aan aaminsanahay in uu ahaa imminkana uu yahay af xoog leh oo liqay afafkii kale oo soo dhex galay dalka Soomaaliya sida Afafka: BANTUUGGA, CARABIGA IYO BERSHIYA (Iiraan). Haddii aan sidaas ahayn halkay bay ka baxeen dhaqankii, afafkii, iyo suugaantii ay lahaayeen dadyowga ka soo guuray Afrika, Jasiiradda Carabta iyo Bershiya. Dadka Soomaaliyeed, waa ummad leh taariikh dheer oo kumaankun sano soo jirtay.  Shaki kuma jiro in muddadaas dheer ay ilbaxnimo(xadaarad) Soomaaliyeed ay dhisantay oo dhaqan adag iyo weliba qiyam(values) ay dadku ku faanaan ku qotoma, waxaa kaloo shaki aan ku jirin kumanaankaas kun sano uu abuurmay xeer iyo dhaqan Soomaaliyeed oo sii xoojiyay isla markaana hormariyay caqiiddada iyo shareecada Islaamka oo ka dhigay nidaam dadku ilaa maanta u hoggaansan.

5-Haddii aan u soo laabto Dastuurka, waxaa ku jira qodobo badan oo u baahan in si fiican loo qeexo, tafaasiir waafi ahna  laga bixiyo iyo qaar u baahan in dib loo qoro oo sida uu hadda u qoran  yahay laga beddalo.  Haddii aan soo koobo si aan u siiyo fursad Soomaalida kale, qodobo aan isleeyahay waxaa loo baahan yahay in tafaasiir laga bixiyo iyo kuwo u baahan in dib loo qoro, waxaana ka mid ah:

6-In si cad loo sheego in QDLD laga soo qaatay dhammaan shareecada islaamka ama in ay jiraan meelo kale oo iyadana laga soo qaatay.

7-Ma dastuurka ayaa noqonaya sharciga ugu sareeya Dalka, mise waxaa noqonaya Shareecada Islaamka

8-Dastuurka ma cadaynayo yaa noqon kara madaxweyne, rag ama haween.  Haddii jawaabtu ay tahay labaduba, shareecada Islaamku maxay ka qabtaa in haweeney madaxweyne noqoto?  Mase ku xiran tahay Diintiisa?  Sida qofka haysta Diinta Masiixiga ama qof aan diinba haysan(atheist) ma loo dooran karaa madaxweyne?

Su’aal: Haddii sidaas ahayn soo mahan mid wax u dhimayso xaqa muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto?

9-Qofka Diintiisa Waa u xor.

Su’aal: QDLD waxa uu sheegaya in Qofka Islaamka ah ee Soomaaliga ah uusan ka bixi karin Diinta Islaam. Haddaba sidee ay isku falgeli karaan sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda Insaanjka iyo kan QDLD?, ileyn qofka xor uma ahan in uu kala doorto diintii uu doono. Sideese laga yeelayaa haddii qof Soomaali ah uu ka baxo Islaamnimada?

10-Sidee loo midayn kara QDLD iyo dasaatiirka ka jira  maamul goboleedyada  sida Puntland, Soomaaliland, Galmudug, iwm.  Mana cadda in Dastuurku uu tixgeliyay xaaladda Dalka uu ku sugan yahay maanta?  Mana cadda qaabka Federaalka u shaqayn doono,  mana xadaynayo inta maamul-goboleedyo laga dhisi karo dalka?

11-Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Su’aal: Labada Maxkamadda teeba sareysa.  Ma u baahanahay Maxkamid Dastuuri? Mise waxaan u baahanahay Golaha Marjaca Dastuurka ama Guddiga Xallinta Dastuurka.

12-Siday isku falgalayaan Dastuurkan iyo kan shareecada Islaamku.  Waa maxay xiriirka ka dhaxayn kara Shareecada Islaamka, QDLD iyo kan Caalamiga ee xuquuqda Insaanka.

13-Sida uu qabo Xuquuqda Insaanka ee QDLD iyo kan caalamiga ah waxa aad mooddaa in ay iska horimaad ku dhex jiro, sida , xoriyadda diinta, xoriyadda tacbiirt (Qoraalada, suugaanta, sawirada iyo filimada) iyo su’aalo kaloo dhowr ahba, sidee DASTUURKA CUSUB u xallinayaa su’aalahas?

14-Qof kasta oo ku dhashay Dhulka Soomaaliya waa Soomaali.

Su’aal: Sidee laga yeelaya shisheeyaha imminka ku nool Soomaaliya ubadka ay ku dhalaan, gaar ahaan qiyaasta 20,000 ee Itoobiyaanka ah iyo Zanzibaariyiinta, Afqanistaanka, iwm ee ku nool Dalka iyagoo ku soo galay si sharci daro ah.

Waxaan qabaa in Soomaaliya ay u baahan tahay Dastuur, si loo helo dukumenti si sharci ah u cadaynayo Qarannimadeena iyo xudduudaheena iy mabaadi’da guud oo marjac u noqon kara siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha la xiriira  bulshada ee dalka, sidaas darteed, si kalsooni loogu helo QDLD waxaa loo baahnaan doonaa in la magacaabo Guddi ka kooban sharci yaqaano, culimaa’udiin, siyaasiyiin, xeeldheerayaal dhaqan iyo aqoonyahano  dib u eega QDLD, ka dibna ka soo talo bixiya.

Qabyoqoraalka DastuurkaLatashiga. Dadweynaha (QDLD)

XaquDood (Xisbiga Xuriyadda)

 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s