DAAWO VIDEO: R/Wasaare Gaas “Baaritaan Dhab ah Baanu ku Wadnaa Sababta Keentay in Gabartaas aysoo gasho Tiyaatarka”

Xildhibaan Cabdirisaaq Ashkir “Goobta qaraxu ka dhacayey waxaa filim ka duubayey 10 kaamiro, haddii qof dumar ahi ay qaraxa geysatay maxaa loo waayey muuqaalkeeda ka hor qaraxa.?

06.04.2012 – Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qofkii fuliyey qaraxii 2 cisho ka hor ka dhacay tiyaartarka Qaranka, waxaana Xarakada Alshabaab oo sheegatay qaraxaasi ay sheegeen in qaraxa aaney fulin qof dumar ah, halka saraakiisha dowladdu ay sheegeen in ay fulisay qaraxaasi qof dumar ah.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ashkir oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay hubanti tahay in ay wax ka ogaayeen ciidamada nabadsugidda, laguna diyaariyey goobtaasi, cidda ka dambeysana ay tahay Puntland, looguna talogalay in lagu qaarajiyo waxgalka beesha Hawiye.

Madaxweynaha shalay markii uu yimid tiyaatarka waan tusnay halkii qaraxa lagu qariyey, ma jirin qof dumar ah oo is qarxisay” ayuu yiri C/risaaq Ashkir, wuxuuna intaa ku daray in ay caado noqotay in mar walba in si xaq darro ah lagu qaarajiyo dad waxgalka ka ah bulshada dhexdeeda, haddana aan dib dambe la isku weydiin, wuxuuna wax lagu qoslo ku tilmaamay Guddi dowladdu u xilsaartay in ay soo baarto ciddii ka dambeysay qaraxaasi, wuxuuna intaa ku daray in todobaad kadib xaaladda qaraxaasi ay halkeeda ku dami doonto oo aaney jirin cid isweydiin doonto.

”Baaritaan aan sameynay waxaan ku ogaanay in aysan jirin gabar is qarxisay, sababtuna waxey tahay dadku waa in ay 2 su’aal oo keliya isweydiiyaan, haddii ay gabar is qarxisay maxaa loo waayey muuqaalka gabadha in la helo inta aysan is qarxin, dhammaan filimadii laga duubay munaasabada waa laga arkayey dadkii ka qeybgalay, 10 kaamiro wax ka badan ayaa wax duubayey, safkii qaraxu ka dhacay ma fadhin qof is qarxiyey, qaraxuna wuxuu ahaa mid meesha lagu diyaariyey, su’aasha kale ee isweydiinta mudani waxey tahay maxaa sababay in ay hal mar wada kacaan dhammaan madaxdii fadhisay safka hore, markii uu khudbeynayey C/weli kuraastii hore oo dhan waa la baneeyey taasina waxey keeni kartaa in la is weydiiyo maxaa sababay in ay mar qura wada kacaan.? ayuu yir Xildhibaan Cabdirisaaq Ashkir.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s