Jaaliyadaha beesha Hawiye ee Yurub iyo Ameerika oo cambaareeyey xasuuqii tiyaatarka kuna baaqay in lacag la dul dhigo madaxyada Cali Dheere, Fuaad Shongole iyo Axmed Godane

London, Boqortooyada Ingiriiska,

06.04.2012 – Shir isdaba joog ahaa oo ay beryahanba ay qadka telefoonka ku yeelanayeen masuuliyiinta jaaliyadaha beesha Hawiye ee waqooyiga Amerika iyo wadamada Yurub waxaa ay ka soo saareen bayaan ku aadan xaalada dalka Soomaaliya ka taagan hadda iyo xasuuqii golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Jaaliyadaha beesha Hawiye ee waqooyiga ameerika iyo qaaradda Yurub, kadib markii ay arkeen xaalada qatarta ee uu marayo dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada beesha Hawiye waxa ay soo jeedinayaan bayaan ka kooban 20 qodob oo u qoran sida soo socota:

  • 1- Jaaliyadaha beesha Hawiye ee waqooyiga ameerika iyo qaarada Yurub waxa ay si kulul u cambaareynayaan xasuuqii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ee lagu laayey dadkii shacabka ah ee u dhashay beelaha Hawiye iyo beelaha kale ee ay ood wadaagta yihiin.
  • 2- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay u arkaan wax aan la qaadan karin iyo waxmaragasho la’aan heerkii ugu hooseeyey ee baniaadnimada hadalada digashada ee Cali Dheere uu ku hadaaqaay iyadoo tacsi ay u taal beelaha Hawiye guryahoodana laga ooynaayo.
  • 3- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay u arkaan haddalada Cali Dheeri ee ah waxaan shacabka u leynay in aan aduunka tusino in Xamar uusan nabad aheen inuu yahay hadal loogu adeegayo qaar ka mid ah beelaha kale ee tartanka xaga awoodqeybsiga uu kala dhexeeyo beesha Hawiye isla markaana laga soo abaabulaayo gobolada kale ee Soomaaliya Cali Dheerana uu ka yaha arintaas DAMEERI DHAAN RAACDEY.
  • 4- Jaaliyaddaha beesha Hawiye waxa ay u arkaan xasuuqii golaha murtida iyo madadaalada, Xasuuqii Shaamow, dilkii halyey Cumar Xaashi iyo xasuuqii ardeyda ee Muqdisho inay si toos ah masuuliyadeeda u leeyihiin Cali Dheere, Fu’aad Shangole iyo Axmed Godane sidaas darteed waxa ay ugu baaqayaan hay’adaha ammaanka ee dowladda kumeelgaarka ah inay dul dhigaan lacag hal malyan oo doolar ah mid walba oo ka mid ah lacagtaas oo la siinaayo qofkii soo dila ama nolol ku keenaa mid walba oo ka mid ah saxdaas danbiile dagaal.
  • 5- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay si buuxda u taageersan yihiin mowqifyada odayaasha Dhaqanka ee beesha Hawiye ee ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyagoo u arka inay yihiin wakiilada sharciga ee beelwaynta Hawiye meel walba oo adduunka ay ka joogto.
  • 6- Jaaliayadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in odayaasha beesha Hawiye wada hadalo la furaan garabyada qunyarka socodka ee aan takfiiriga aheen ee ka mid ah Alshabaab sida Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Muqtaar Roobow, Sheekh Xasan Turki, Sheekh Xuseen Cali Fiidow, Sheekh Cabdullaahi Cali Xaashi, Sheekh Jaamac Cabdi Salaan, Macalin Xaashi iyo kuwa kale ee la midka ah, isla markaana si fiican loo dhageysto lana tixgaliyo doodooda ku saabsan isku xirnaanshaha wadida dagaalka hubeysan iyo ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya iyo dhaqangelinta shareecada islaamka ee dalka Soomaaliya
  • 7- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in ciidamadda Itoobiya inay ka baxaan guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada beesha Hawiye maadaama ay Itoobiya tahay dowladdii burburisey soomaaliya isla markaana hub iskugu dhiibtey Soomaalida isla markaana caqabada ku aheed in Soomaaliya dowlad iyo nidaam hesho walina ah caqabada ugu weyn. Soomaaliduna ma aha dad si fudud ku hilmaami kara hagardaamooyinkii labaatankii sano ee Itoobiya ay ka waday dalka Soomaaliya iyo siyaasadeedii aheed qaybi oo xukun.
  • 8- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in la joojiyo ciidamadda soomaalida ee lagu tababaraayo gudaha dalka Itoobiya isla markaana loo wareejiyo tababarada gudaha dalka Soomaaliya ama wadamada kale ee aysan colaada soo jireenka kala dhaxeynin Soomaalida, waayo ciidammada lagu soo tababarayo gudaha Itoobiya waxaa loo arkayaaa ciidamo itoobiyaan ah maadaama maskaxda soo tababartay ay tahay maskax amxaar neceb soomaalida iyo Soomaaliyaba waxaana badanaayo cadowtinimada iyo naceebka loo qabo ciidan walba oo amxaar soo tababaro.
  • 9- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ugu baaqayaan beesha caalamka in si degdeg loo xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lana siiyo hub casri ah oo ay ku hanan karaan sugida ammaanka dalkooda si looga maarmo ciidan shisheeye oo ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan dib u heshiisiin dhexmarta soomaalida iyo nabad ka dhalata Soomaliya isla markaana la muddeeyo waqtiga ugu danbeeyo ee askariga shisheeye uu ka baxaayo dalka Soomaaliya.
  • 10- Jaaliyaddaha beesha Hawiye waxa ay u sheegayaan adduunka inaysan jirin cid wakiil uga ah oo uga qaybgashay shirarkii Garoowe iyo Gaalkacyo sidaas darteedna aysan jirin cid ku qasbi karto barnaamij aysan qayb ka aheen oo aan laga qeyb galin taladeeda. Sida Cabdiwali Gaas uusan wakiil uga noqon karin Puntland ayaa Sheekh Shariif Sheekh Axmadna uu wakiil uga noqon karin beelweynta Hawiye sidaas darteed Hawiye shirarkaas ma joogin shaqona kuma laha.
  • 11- Beelweynta Hawiye waxa ay ku baaqaysaa in la joojiyo dastuur beenaadka meelaha la wado isla markaana hay’adaha qaramada midoobey gaar ahaan UNPOS iyo UNDP inay faraha kala baxaan arimaha gudaha ee Soomaaliya isla markaana loo daayo xalka soomaaliya odayaal dhaqameedyada iyo culumaa’udiinka iyo aqoonyahanada oo ah dadka kaliya ee xalin kara dhibka Soomaliya.
  • 12- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqaayaan in si degdeg loo bedelo wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya ambassador Mahiga maadaama uu dhumiyey kalsoonidii beesha Hawiye isla markaana uu qeyb ka noqdey dhibka Soomaaliya ka jira isla markaana si buuxda uga shaqeynaayo nidaam sadbursi oo lagu duudsinaayo xaqa beesha Hawiye oo ah beesha ugu tirada badan uguna dhul weyn marka loo eego beelaha Soomaalida.
  • 13- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in marnaba aan la dheereyn karin lana kordhin karin muddada xiliga kala guurka ee dowladda ku meelgaarka isla markaana ay qasab tahay in la badalo hoggaanka ugu sareeya ee dalka maadaama ay ku yimaadeen nidaam qaldan oo aan sax aheen waqtigoodana uu dhamaadey. Waxaan ka digeynaa haddii ay dhacdo muddo kororsasho inay keeni karto dagaal sokeeye oo cusub.
  • 14- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay u arkaan in nidaamka 4.5 uu yahay nidaam gumeysi oo fool xun oo waliba meel ka dhac ku ah ummadda Soomaaliyeed oo ah ummad isku af isku diin iyo isku dhaqan ah isla markaana lagu midabtakooraayo oo lagu liidaayo soomaalida qaar ka mid ah sidaas darteed inaan dib danbe wax loogu qeybsan nidaamkaas iyo mid ah toona.
  • 15- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay soo jeedinayaan in ay waajib sharci ah tahay in lagu dhaqmo dastuurkii 1960kii inta soomaaliya ay nabad noqoneyso oo dastuur cusub sameysaneyso kaasoo ay sameynayaan qubaro soomaaliyeed oo ka kooban culumaa’udiin, sharciyaqaano, aqoon yahano iyo odeyaal dhaqameedyo.
  • 16- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in baarlamaanka rasmiga ee la dooranaayo dhawaan uu noqdo baarlamaan tiradiisa ay yar tahay oo kooban isla markaana xulida xubnaha baarlamaanka loo qeybiyo laba qayboodoo kala ah:- a)- qeyb lagu soo xulaayo 8dii gobol ee wadanka Soomaaliya ka koobnaa 1969 ama 18kii gobol ee uu ka koobnaa 1991kii iyadoo gobolada loo eegaayo qiyaasta tiradii rasmiga ee ku nooleed 1991kii ama qiyaasta tirada hadda ku nool, iyo b)- qayb ay soo xulayaan xisbiyada waaweyn ee siyaasada ee ka jira dalka Soomaaliya hadda sida xisbiga nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, Xisbiga hiil Qaran, Xisbiga Daljir Forum iyo xisbiga Tayo iyo asxaabta siyaasadeed ee kale ee ay ku kulansan yihiin bulshaweynta Soomaaliyeed.
  • 17- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ka digayaan in soomaaliya ay noqoto meel ambassador Mahiga uu ku tijaabiyo teesahiisa iyo baaritaanidiisa cilmiga waxaanan leenahay Soomaaliya maha meel tijaabo lagu sameeyo ee saaxiib cago dhigo ogoowna in Soomaaliya ay ka hor xoroowdey dalka aad u dhalatay ee Tansaaniya shaqadaadana garo ama iska tag oo shaqo kale raadso. Xasuusnoow hadaad dad liita iyo madax aan xilkas aheen aragtay ma aha sidaas Soomaaliweyn oo dhan oo qaar damiir leh oo damqanaayo waa nagu jiraan wali.
  • 18- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ka digayaan in tirada xubnaha dumarka baarlamaanka aan laga kordhin karin 10% maadaama dhaqanka soomaalida uu ka duwan yahay dhaqamo badan oo dunida ka jira isla markaana ma dhici karto dumarka Soomaaliyeed la siiyo tiro xubno baarlamaan oo ka badan baarlamaanada wadamada dariska la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Dhaqan walba oo ka hor imaanaayo dhaqanka soomaalida wuxuu qatar u yahay inuu fashil ku dhamaado.
  • 19- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay beesha caalamka u sheegayaan in marnaba in xalka Soomaaliya uusan ku jirin ciidamo shisheeye sidaas darteed ay qasab tahay in la dadajiyo tababarida iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyagoo lagu tababaraayo gudaha dalka Soomaaliya ama wadamada aan colaadda soo jireenka kala dhaxeynin dalka Soomaaliya. Diidmada beesha caalamka iyo xoojinta iyo qalabeynta ciidamadda qalabka sida waxa ay soomaalida u aragtaa in gumeysi lala damacsan yahay oo aan la ogoleen in soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto. Muddo walba oo ay sii dheeraato joogitaanka ciidamadda shisheeye waxa ay badinaysaa naceebka soomaalida ay u qabaan ciidamadaas waxana loo arkayaa gumeysi waxaana badaneyso taageeraada kooxaha diidan ciidamadaas marka hala dadajiyo diyaarinta ciidamo qaran oo hanan kara ammaanka dalka.
  • 20. Ugu danbeyn jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ugu sheegayaan caalamka cod dheer in haddii laga madax adeygo baaqyada iyo dhawaaqyada kasoo baxaya beelwaynta Hawiye guddo iyo dibadba in beelwaynta Hawiye ay xaq u leedahay inay is abaabusho oo ay is hubeyso si ay iskaga xoreyso gumeysiga alshabaab iyo shisheeyaha kusoo duuley dalkooda iyo dadkooda oo ay u nabadeyso deegaanadooda sida beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Jaaliyadaha beelaha Hawiye ee Yurub iyo Ameerika iyo golaha badbaadinta beelwaynta Hawiye.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s