Ma Nabadsugid baa mise xoola jir ?!!!

April 06, 2012 (MMG) – Waxaa mucjisa noqotay oo ay la yaabaan umada Soomaaliyeed mas’uul loo xilsaaray agaasimida Hay’ad Nabad sugid in uu yiraahdo waxba kama ogeyn Qaraxii tiyaatarka Qaranka, hay’adu haday ogaan Karin meel boqolaal mitir u jirta xaflad ay ka qeyb galayaa mas’uuliyiin sarsare iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed, hadaba sidey shacabka ugu qanciyeen bilihi la soo dhaafay in ay ogaadeen shirqoolo shabaab damacsaneyd iyo soo qabasho walxaha qarxa iyo dad is qarxin lahaa.

Shabaab oo la ogyahay sirdoonkooda in ay ka dheereeyaan ku dowlada, tolow ma runbaa in uu Axmed fiqi soo iibsan jiray waxyaabah uu soo bandhigo si uu sumcadiisa kor ugu qaado ama ay u sameyn jireen muqaawamadii hore ee lagu biiryey Nabadsugida qaranka.

Waxaan rabaa in aan is dultaago laba eray ee soo yeertay Axmed Fiqhi agaasimaha Nabadsugida Qaranka, mida hore ee ah telefishinka Qaranka nama casuumin, in aad mas’uuliyadaada gudatid ma waxaad u baahantahay in laguu yeero, mida kale lama socon aaway sirdoonka loo igmaday in uu dal iyi dibad ka shaqeeyo hadaney ogeyn tiyaatarka oo daqiiqado u jira tolow dalalka deriska maka caawinkaraa arimo sirdoon?

Waxaa xasuus mudan markii ugu horeysay ee loo magacaabo hay’ada nabadsugida Qaranka shaqsi shacab ah laakiin ay saxiibo dhaw yihiin Madaxweynaha Dowlada ku meelgaarka ayuu nasiib u yeeshay in uu Noqdo Axmed macalim fiqhi, isla markaa uu ka carooday taliyexigeenkii hore ee hayadaasi Sareeye Guuto Nuur maxamed maxamuud””Nuur Shirbow”” iskana casilay xilkiisa asagoo sheegay in ku hoos shaqeyn karin in shacab ah .
Waxayna isweydiinaayeen saraakiishii hore ee qaranka iyo khubarada ku xeel dheer amniga guud sax ahaanshada in loo dhiibo qof shacab ah oo qibrad u laheyn Hay’ada Nabadsugida Qaranka.

Hadii aan u qiildayo, ma la dhihii karaa khibrad ayuu u leeyahay dhaqaaqayada mucaaradka?
Xiligii midowga maxkadaha Axmed wuxuu ahaan jiray madax protocol oo ku koobnaa xafiiskii Gudoomiyaha midowga maxaakiimta taas oo meesha ka saareysa suurtagalnimada in wax uun lasoo shaqeeyey amniyaadki midowgi maxkamadaha ama uu khibrad ka helay.

Safiirkii hore ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Axmed macalim fiqhi ayaa la ahaa saaxiib dhow Madaxweynaha Dowlada ku meel gaarka Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Ugu danbeyn waxaa la gudboon mus’uuliyiinta dowlada in ay ilaaliyaan amaanka shacbiga Soomaaliyeed ee ay masuulka ka yihiin ayna gutaan waajibaadka loo dhaariyey.

Albert Einstein, saynisyahankii noolaa qarnigii hore, wuxuu yidhi ” Haddii aan haysan lahaa hal saac si aan dunida u badbaadiyo, 59 daqiiqadood waxaan ku lumin lahaa qeexista dhibaatada , hal daqiiqadna xal u helista dhibaatada.” Dhibaatooyin si gef ah loo qeexay baa ka buuxa taariikhda siyaasadda Soomaaliyeed. 

1 Comment

  1. Madaxa nabadsugida Qaranka oo ceebtiisa qirtay, aqoon daradiisana banaanka soo dhigay

    Muqdisho:(A.M.Network) Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa qiratay inuu dhacay qalad farsamo iyo isku haleen la’aan la xiriirtay ammaanka Xarunta Tiyaatarka Qaranka oo ka dhaceysay Munaasabada loogu dabaal degayay sanad-guurada Telefishinka Qaranka, Mas’uuliyiin heer sare oo Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay ka qeyb galeen.
    Agaasimaha Hey’adda Nabasugida qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in aan lagu soo wargelin Hey’addiisa, isla markaana uu dhacay qalad farsamo dhinaca xiriirka ah sida uu yiri.
    “Hey’adaha Dowladda wax war ah ay ka heysay ma jirin, nagulama soo wargelin, wax Invitation ma helin, waa la fududeystay, Ciidamada meesha joogay waxaa loo heystay inay ku filan yihiin, qalad farsamo ayaa dhacay oo xiriirka ah”ayuu yiri Axmed Fiqi.
    Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in la isku haleeyay is weydiinmta Hey’adaha ammaanak cida loo xil saaray inay ku soo wargeliso.
    Laakiin Agaasimaha Nabad sugida waxaa uu ilaabay in goobta xaflada ka dhacaysay uu joogay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya sidaas darteedna ay qasab ahayd in Saraakiisha Nabad sugidda goobtaas tagaan.
    Hadalkiisa ayaa loo arki karaa nin aqoon u lahayn arrimaha amaanka sidoo kale war uma haayo madaxda Dowladda.
    Ma aha nin ciidan soo maray sidoo kale ninka madaxda ka ah Sirdoonka Gobolka Banaadir ayaa la mid ah Labadaba ma laha aqoon Sirdoon ama nabadsugid waxaana meesha lagu keenay nidaam uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Shariif.
    Agaasimaha Nabad sugida Dowladda KMG ah ayaa ahaan jiray Macalin School ka hor inta uusan ka soo shaqeynin Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan
    Hey’adaha ammaanka ayaa shirar gaar gaar ah ka lahaa arrintii shalay dhacday, kadib qof haweeney aheyd oo waxyaabaha qarxa ku xirnaa sida ay ugu sahalnaatay inay gasho gudaha Tiyaatarka, iyadoo aan la baarin deetana isku qarxiso Ra’iisul Wasaaraha hortiisa.
    Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar uu maanta booqday goobtii qaraxa ka dhacay ee Tiyaatarka ayaa wacad ku maray in sharciga la horkeeno doono cid alaala cidii fududeysay qaraxaas.
    Gudi heer wasiiro ah ayaa loo saaray baaritaanka dhacdadii shalay Tiyaatarka ka dhacday, waxaana gudigan laga war sugaayaa in 24-saac gudahood warbixin ku soo gudbiyaan, iyagoo la kulmi doona Hey’adaha Ammaanka.
    Col. C/llaahi Cali Mocow oo ka mid ahaa Saraakiishii hore Nabadsugida ayaa dusha uga tuuray Ciidamada Nabadsugida mas’uuliyad daro iyo dayacaad dhinaca ammaanka ahaa, isagoo xusay inay aheyd in labo todobaad ka hor ka war hayaan in goobta xaflad madaxda dowladda ka qeyb galayaan ka socoto, ammaankana ay aheyd in 24-saac ka hor la wareegaan, isagoo muujiyay wada shaqeyn la’aan Hey’adaha ammaanka dowladda.
    Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo Hey’adaha ammaanka, waxaana jira dood kulul oo ka imaaneysa sida wax u dhaceen iyo sida ammaanka goobta ahaa inta aysan qaraxa uu ka dhicin gudaha Tiyaatarka.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s