Madaxweyne shariif oo maanta masjidka shuhadaa ee ku yaala madaxtooyada uga duceeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay tiyaatarka..

April 6th, 2012 – Madaxda sar-sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka in ay ka qeyb qaataan howlaha lagu sugayo ammaanka dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho si looga hortago waxyaabaha wax u dhimaya amniga.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay shacabka in ay soo sheegaan markii ay arkaan dadka qorsheynaya falal lagu waxyeelaynayo dadka rayid ah, laguna carqaladeynayo horumarka ay tiigsanayaan.

Sheekh Shariif ayaa ummadda Soomaaliyeed uga digay in ay gacan siiyaan dadka is qarxinaya, isagoo sheegay in haweeneydii gaysatay qaraxii tiyaatarka qaranka iyo dadkii ku caawiyay ay isku dambi yihiin.

Madaxweyne Sheekh shariif ayaa xusay in markii al-Shabaab ay ku guul-dareysteen dagaallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya ay billaabeen in ay da’yarta ay u adeegsadaan falal guracan, isagoo hadalkan ka jeediyay salaadii Jimco ee maanta masjidka shuhadaa ee ku yaala madaxtooyada.

Madaxweyne shariif ayaa qudbadiisa salaada jimco waxa uu ku soo qaatay qaraxaas, waxa uuna Tacsi u diray dhamaan Umada Soomaaliyeed.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s