Siyaasada Soomaalida

Abriil 06 2012 – Soomaalidu waxay ahayd dad xoolo dhaqato ah oo u kala dagan koox koox , Koox kooxnimadaas ayaa dadka waxaa midayn jiray oo ay isku urursan jireen koox odayeed , kooxnimadaas ayaa waxa keenay inay samaysanto baahida dadku u qabeen hogaamin oo ma dhici karto in hogaamin la,aan ay dadku noolaadaan , Soomaalidu xiligaas ma garan karin in ay yeeshaan Hogaan dhexe oo u adeega danaha dadka ku dhaqan Dalwaynaha Soomaaliya .

Iyada oo nolosha Soomaalidu sidaas tahay ayaa waxaa dalka yimi Gumaystayaal reer Galbeed ah , Gumaystayaasha oo dantoodu ahayd siday uga faa,iidaysan lahaayeen khayraadka Dalka iyo xoogga dadka iyo kaga tagida midnimo la,aanta mustaqbalka Fog ayaan oran karaa Soomaaliya waxay ka mid ahayd waddamadi ay durbadiiba aadka ugu guulaysteen Gumaystayaashu oo Aragtidoodi ahayd qaybi oo xakun-ku ay ka hirgashay , sidoo kale aragtida Gumaystaha ee ahayd ku lug lahaanshaha jiritaanka fog ee dadkaas ayaa iyana dhaqan gashay .

Waxaa sahlaayay meel marrida aragtida gumaystaha koox odayeed u qaybsanaanta dadka oo qofka koox masuul u ahi waxa uu door bidaayay in uu ahaado qabaan oo ay saldanadiisu shaqayso isaguna ahaado mid Gumaystaha hoostaga oo wax loo yeeriyo , arintaas kala qaybsanaanta iyo u adeegida danaha Gumaystaha ayaa ka hor imaanaysay isku dayo ay keeneen rag uu ka mid ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ahayd la dagaalanka Gumaystaha waxayna noqdeen isku day-yadaasu kuwo ka dhaqaaqi waayay Soomaali oo ah mid Jaajuusa , mid Gumaystaha Soo raaca oo isagu dhaha kooxaha Gobanimo doonku waa kuwo qaldan iyada oo inta badan lagu eegaayay aragtida qalafsan ee qabyaalada oo ah Cudur aafo wayn u gaysta Maskaxda Qofka .

Xiligaas umadda Soomaaliyeed waxay ahayd kuwo aan samaynayn wax horumar ah oo ku salaysan dhanka arimaha Bulshada waxaana ka hortaagnaa waxaan jirin hogaan siyaasi ah oo ka shaqeeya danaha dadka oo ay u horayso midnimadooda iyo ka ciribtirka waxyaabaha soo jireenka ah ee xumaanta ah oo ay ugu horayso qabyaalada oo iyadu ah mid wax kasta oo dhaca sabab u ah .

Gumaystayaashi haystay dalka waxay ka kaceen qaybo ka mid ah Dalka 1960 oo ay halkaas xornimo ku qaateen laba qaybood oo ay kala haysteen Italy Iyo England , waxaa midoobay oo noqday Jamhuuriyad Soomaaliyeed labadi qaybood ee Xornimada qaatay waxaa la dhisay Dowlad ku meel gaar ah oo leh 123 mudane Baarlamaan oo u qaybsanaa 90 qaybti Italy xornimada siisay ah iyo 33 qaybti England xornimada Siisay ah , waxay Madaxwaynenimo u doorteen mudo hal sano ah oo ku meel gaar ah Mudane Aadan Cabdulle Cismaan , Gudoomiyaha Baarlamaanka kumeelgaarka ah waxaa loo doortay Mudane Jaamac Cabdulaahi qaalib , Madaxwayne Aadan Cabdulle waxa uu R/wasaare u soo magacaabay Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke , Mudane Sharmaarke waxa uu soo dhisay 13 wasiir iyo 7ba Wasiir ku xigeen xukuumad ka kooban .

Waxaa la sameeyay mudadi ku meelgaarka ahayd Dastuur waxaa afti looga qaaday dadka waxaa 06/06/1961 si rasmi ah loo qabtay doorashooyinki dalka ka dhaca oo ugu horeeyay , Dastuurka waxa u codeeyay sida la sheegay 90.6% dadka Soomaaliyeed ee ku noolaa Jamhuuriyada Soomaaliya , Waxaa jagada madaxwaynenimo Baarlamaanku si qarsoodi ah ugu doorteen Mudane aadan Cabdulle Cismaan oo uu la tartamaayay Mudane Shiikh Cali Jimcaale Buraale , Gudoomiye baarlamaan waxaa loo doortay misna Mudane Jaamac Cabdulaahi qaalib halka uu Madaxwayne aadan Cabdulle mar kale isna soo doortay R/wasaare Cabdirashiid , R/wasaare Cabdirashiid waxa uu soo dhisay Dowlad 16 wasiir iyo 12 wasiir ku xigeen ka kooban

1996 waxaa dhacday Doorashada baarlamaanka waxaana 69 kursi ku guulaystay Xisbigi SYL oo noqday xisbiga ugu codka badnaa waxaa uu madaxwayne aadan cabdulle markaan keenay R/wasaare Cabdirisaaq xaaji xuseen , 1967 waxaa dhacay doorashooyinki Madaxwaynenimo waxaana loo doortay xilka madaxwaynenimo Mudane Cabdurashiid Cali sharmaarke , Madaxwayne Cabdirashiid waxa uu R/wasaare ka dhigay Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal .

Dowladi ka dhisantay dalka Soomaaliya ayaa iyadu waxay noqotay mid ahmiyadeeda iyo himagalinteedu ay noqoto sida loo heli lahaa dhulka maqan ee Soomaaliyeed ee wali ku jira gumaystaha gacantiisa waxay guud ahaan ilaaween wax u qabashadi bulshadi ku dhex noolayd jamhuuriyada Soomaaliya ka fakaridi halka loo jahaynaayo bulshada Soomaaliyeed , iyo inay kala dagaalamaan waxyaabaha caqabada ku ah horumar ku talaabsashada dadka Soomalaiyeed ee ay ka mid ahaayeen qabyaalada iwm ee iyagu keena dib u dhaca ,

Waxaa dhamaan cirka isku shareeray oo meeshi ugu xumayd gaaray qabyaalada waxaan oran karaa dadka Soomaaliyeed ma aysan helin Hogaamiyayaal ku haga yool cad oo ku dhisan gaarida wanaaga iyo la dagaalanka caqabadaha hor istaaga horumar ku talaabsashada , waxaa qofkasti uu ka fakaraayay danaha koox odayeedka uu ka tirsan yahay waxaa halkaas ka baxay Soomaalinimadi .

Waxay gaartay heer xun xalaada Soomaaliya ee dhanka Siyaasada waxaa isku qasmay dowalnimadi iyo qabyaaladi oo la kala saari waayay , waxaana marki dambe la dilay Madaxwayne Cabdirashiid Cali sharmaarke 15/10/1969,

21/10/1969 waxaa dalka la wareegay taladiisa oo Inqilaab ku qabsaday Askar uu Hogaaminaayay S/Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ka koobnaa 25 qof waxay laaleen guud ahaan dastuurki dalka waxay xabsiyada u taxaabeen siyaasiyiinti ka tirsanaa Dowladi horay dalka uga jirtay iyo kuwii horay xilalka usoo qabtay ee aan markaas xil hayn.

Kooxdaan askarta ahi waxay heshay taageerada Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaa si cad u taageeray shacabki Soomaaliyeed waxay la yimaadeen siyaasad cad oo leh yool iyo himagalin ay dadka ku himagalinayaan inay u istaagaan ka shaqaynta Midnimadooda iyo ku guulayshashada nolol horumar leh ee la naawilo lana anba qaado dhabadaas cad ee ay sheegeen .

Dhanka kale waxay si bareer ah uga hadleen oo ku tilmaameen xumaan Qabyaalada , Dalka Soomaaliya waxa uu dhabada Saaray Dariiqa horumarka waxa mudo gudaheed dadku si cad u arkeen horumar dhan kasta leh oo ku salaysan arimaha bulshada iyo ka shaqaynta midnimadooda.

Waxaa muddo ka dib isa soo taraayay ka yaacida XKHS oo taagerayaashu ay ka yaacaan arintaas ayaa ahayd in uusan yarayn ku shaqaynti ahayd Yool cad oo dadka lagu hago balse waxaa keenaayay ka yaacida taageerayaasha arinta caalamka ka wada dhacday ee ahayd Kalitalisnimo , Hogaamiyaha kaligitaliyaha ah ee leh yoolka iyo himagalinta oo shacabka ku qanciya aragtidiisa hogaamineed si kasta oo ay u wanaagsan tahay waxaa wiiqaaya inay taaba gal noqoto kalitalisnimada sida ku cad guud ahaan dhacdooyinka caalamiga ah ee dunida .

1977 waxaa XKHS uu dalka ku jaheeyay dagaalki dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia waxaan oran karaa Dawladi askarta waxaa ka soo gaaray Jab wayn arintaas , guulaysasho la,aanta oo ahayd arin cadayd in aan Soomaaliya guulaysanayn , XKHS waxa uu ka soo jeestay la dagaalanki qabyaalada waxa uu xooga saaray sii haysashada xukunka .

Waxaa Samaysmay Jabhaddo ku dhisan nadaan qabyaaladeed , waxay jabhaddahani kuligood xarun ka dhigteen Dalka Ethiopia , waxay kala dhantaaleen bulshadi wadaniyadu soo gashay waxayna dib ugu celiyeen xiliyadi xumaa ee la soo dhaafay , Waxaa dhacay in dhalinyaradi iskuulada ku jirtay loo dareersho jabhadnimo , inuu qoriga u dhiibo mid aan garanayn halka uu u socdo iyo sida wax noqon doonaan haddu waddadaan foosha xun ku doono in uu xakun qabto .

Jabhaddaha oo ay hogaaminaayeen kuwo ay ka fog tahay  aragtida ku dhisan Qalad qalad laguma saxo iyo iyaga oo keeni waayay midnimo dhexdooda ah sababtuna ay tahay waxa jabhaddaha loo aasaasay ayaan ahayn Soomaalinimo waxay ahaayeen oday dhintay sharaftiisa oo la ilaaliyo , Taas ayaa noqotay wax shaqeeyay waxaa meel maray aragtidi kuwi jabhaddaha Sameeyay waxay ku guulaysteen yoolkoodi foosha xumaa ee ahaa Dagaalka Sokeeye ee dhamaadkiisu ahaa burbur iyo barakac .

1991 waxaa taladi laga qaaday dawladi uu hogaamiyaha u ahaa S/Gaas Maxamed Siyaad Barre waxaa dalka kala qabsaday Sadexda Jabhaddood oo kala ahaa USC , SSDF , SNM , iyo kuwo kale oo awood yar , waxaana bilowday dagaalki sokeeye waxaa shaqaysay aragtidi Hogaamiyayaashi jabhaddaha ee ku dhisnayd nacaynbka iyo isku dirka Soomaalida dhexdeeda ma jirto jabhad iyadu ka fakaraysay Soomaalinimo waxaana u diidanaa waxaa lagu abaabulaayay dareenka foosha xun ee qabyaalada .

Waxaan ku Tusaalayn karaa Soomaaliya waxay ahayd Guri uu XKHS irida ka joogo oo uusan ogolayn cid kale oo talada dalka qabata arintaas kalitalisnimada ah ayaa ah mid hogaamiyayaasha caalamku u qaybsamaan Kaligitaliye iyo talo wadaag , Kaligitaliyaha waa lala dagaalamaa oo waxaa loo arkaa Nadaam qaldan balse qaabka loola dagaalamaayo ma noqdo mid kan jabhaddaha Soomaaliya u dagaal galeen oo kale ee ku salaysnaa qabyaalada …. Guriggi uu irida ka taagnaa waxaa Saqafki iyo daaqadihi ka soo galay Jabhaddihi … Guriggi ayaa ilaa maanta ah mid qaawan halkaasna waxaa ku faydmay cawradi dadka Soomaaliyeed oo dhamaan caalamku wada daawanaayo maanta .

Maxaa dhacay intaas ka dib aan kala qaadqaadno jabhaddihi kuwoodi ugu awooda badnaa

USC

Waxay noqotay midi ka riday Villa Soomaaliya Dowladi , hogaamiyayaasheedi waxay noqdeen kuwo u sheegi waayay dadki inay wax xakumaan, Tusaale askarigi aad ku abaabushay dareen qabyaaladeed oo mudo ku waday maalin kaliya kaa qaadan maayo kursiga ayaan rabay ee dhibka jooji , dhanka kale waxa dhacay dagaal dhexdooda ah oo ay laba garab kala noqdaan oo ay ku diriraan dowladnimada . Dagaalkaas USC ka dhex dhacay ayaa isagu waxa uu dhalay Qabqablayaasha dagaal ee aad maqasheen ee koonfurta joogay USC waxay ahayd oday dartiis wax loo samayay

SNM

Waxaa ka dhacay dhulki SNM-tu la wareegtay dagaalo sokeeye waxaana dhacay in la is laayo balse waxaa xakameeyay Nadaamka ah inay qaateen dib ula soo laabasho Dal madax banaan , waxaan oran karaa ilaa hadda SNM-tu waa shaqaysaa oo Maamulka Soomaaliland waa SNM , SNM-na waxay ahayd wax ku yimi oday dhintay sharaftiisa oo la ilaaliyo .. Somaliland ayaan ognahay inay qaadayso wado wareersan oo aan dhamaad lahayn ilaa laga guuro waxaas ma ahane aan la filan karin sida qaldan ee ay shacabka ku qanciyaan.

SSDF

SSDF iyadu dhulki ay qabsatay wax dagaali kama dhicin oo dhedeeda ah markaas ay magaca wadatay , waxayna la baxday magaca ah Puntland oo ilaa iyo hadda shaqeeya balse 2001 ayaa waxaa ka dhacay dagaal ,kaas oo ku salaysnaa xukunka puntland, markasta waxay u taagan tahay ku gorgortanka Magacaas iyo ku raadinta xil uu qabto qof Puntland ka soo jeeda , haddi kalena aysan aqoonsanayn waxa la soo dhiso.. Tusaale Puntland Way qaadacday Nadaamki Dowladi Jabuuti , sidoo kale Xukuumadi uu R/wasaaraha ka ahaa Farmaajo ee dowlada Shiikh shariif ,Puntland waa SSDF oo ah oday dhintay magaciis oo la siyaasadeeyay sharafta ay doonaysaana Soomaalinimo ma ahan ee waa odaygaas dartiis in qof odaygaas ka tirsani xakunka u qabto

Waxaa dhici karta in qofku uu is yiraahdo Soomalidu way kala wanaagsan tahay Balse ma jiro Soomaali kala wanaagsan Raaskambooni ilaa Lughaya dadka Dagani waa isku mid waa kuwo aminsan qabyaalada , Koonfurta waxa Maamul hoosaadyada u diiday waa Usc oo islaysay iyo Caasumadi oo halkaas ah oo inta badan Usc waxay ka fakaraysay Nadaam Soomaaliyeed inay xakunto isuna arkaysay mida iyadu haysa Villa Somalia balse waxa diidaayay hindisahaas waxaa lagu dhisay oo ahayd qabyaalada.

Waxaa dalka xiligaas ka soo shaac baxay ururki Al-itixaad oo iyagu ahaa urur diimeed xambaarsan mabaadii waxay ku taamayeen inay qabtaan talada dalka oo guud ahaan dalka Soomaaliya ka hirgaliyaan Jamhuuriyad Islaami ah oo ay hogaamiyaan rag shiyuukh ah , balse waxaa lala galay dagaal oo waxaa ka hor yimi Jabhaddihi aan soo qaadato SSDF waxay kula dagaalantay Al -itixaad goboladi ay ka talinaysay halkaasna waxaa ku wiiqmay awoodi al-itixaad , qabyaaladu waa waxa kaliya ee looga adkaanaayay Al-itixaad oo qofka Sayid Maxamed Diiday halgankiisi gumaysi iska kicinta ahaa makula tahay inuu yeelaayo mid aan gumaysi joogin ? dabcan jawaabtu waa maya.

Shirar kala duwan oo banaanka lagu qabto waxba waa keeni waayeen 2000 waxaa Jabuuti lagu soo dhisay Nadaam aad u fool xun oo xalki laga raadiyay xanuunki dadka hayay oo la yiri Soomaali wax haku qaybsato 4.5 oo dadka qaybi dhahaan waa xal balse xaq ma ahan sidee waxaan xaq ahayn xal u noqon karaan ? waxaa dawladaan ku dhisan nadaamkan Foosha xun ee aan laga naawilayn wanaag iyo soo celin dawladnimo Madaxwayne u noqday Cabdiqaasim Salaad xasan ,R/wasaare waxa uu u soo magacaabay Cali khaliif Galayr , Dowladaan waxaa loo diiday qabqablayaashi dagaalka oo la yiri kama soo qayb gali karaan shirki lagu soo dhisay ,Dowladi lagu soo dhisay Jabuuti waxay tagtay Muqdisho waxna way qaban wayday,

2004 waxaa Kenya haddana lagu soo dhisay Dowlad kale oo iyana ku dhisan nadaamki 4.5 -ki ee oranaayay dadka Soomaaliyeed qaybi waa nus kuwona waa dhamays waxaa Dowladi lagu soo dhisay Kenya Madaxwayne u noqday Cabdulaahi Yusuf Axmed oo isagu ahaa asaasihi SSDF-ti noqotay tusaalihi xumaa ee ay ku daydeen jabhaddihi kale oo iyada ayaa ahayd midi ugu horaysay oo aasaasanta kuna aasaasanta dareenka qabyaaladeed , Dawladi Cabdulaahi waxaa ka hor yimi koox wadaaddo ah oo la baxay Maxaakiimta islaamiga oo uu hogaaminaayay Shariif shiikh axmed …. Shariif xiligaas waxa uu dadka ku kicinaayay in Carada alle aysan u dulqaadan karin ayna ka hortagayaan ciidamada uu soo wado cabdulaahi ee ah ajnabiga . Cabdulaahi yusuf waxa uu dalka ku soo dareershay ciidamo tiro badan oo Ethopian ah waxay gaysteen xasuuq daran , Cabdulaahi waxa R/wasaare u ahaa Cali Maxamed Geedi.

Maxaakimti waala wiiqay cabdulaahi waxba waa qaban waayay waana iskaga tagay waxaa cabdulaahi badalay Shiikh shariif oo isagu noqday Gudoomiayaha Urur ka soo horjeeda dawladi Cabdulaahi oo Asmara dagay … Shiikh shariif oo laga filaayay mid mabaadii xambaarsan oo isbadal keenaaya ayaa waxa uu qaaday dariiqi uu shalay lahaa cara alle ayaa ku timaada .

Anigu waxaan iswaydiiyaa Shariif isaga maxaa ka celinaaya caradi uu shalay sheegaayay mise waa iska lahaa oo kursiga ayuu u maraayay oo isagu 2sano gudahood ayuu ku yimi madaxwaynenimo isaga oo isticmaalay carada alle in uu soo dajiyo halka cabdulaahi Yusuf uu isagu Ethiopia u tagay muddana xabsiyo usoo galay , ma ahan macnuhu inay kala wanaagsan yihiin waa isku mid waa kuwo aan garanayn waxay doonayaan waxa uu yahay , kuwo aan mabaadii lahayn ee ay iskaga dhalatay hogaamiye ayaa la noqdaa sidi aad ku noqon kartana waa la sameeyaa ama dad ha dhinteen oo qabyaalad iyo isku dir ku doon ama diinta alle marso oo carada alle soo daji oo markaad ku meel gaartona iska tuur .

Shariif dawladiisa ayaa ilaa iyo hadda waxay maraysaa 3 R/wasaare waxay sidoo kale iyadu soo siyaadisay in ay iska soo galaan dalka ciidamo shisheeye oo ay qofkay doonaan xiraan kay doonaan dilaan shariifna uu ku mashquulo sidee u siii joogtaa kursiga oo laguu dhahaa madaxwayne .

Waxaa uu dalka Soomaaliya maanta marayaa heerki ugu liitay waxaa magaalo kasta suran calan oday dhintay dartiis loo samaynaayo oo la leeyahay waa maamul goboleed , Soomaaliya ayaa ah wadan maalinba maalinta ka dambaysa xumaan horay usii qaadaaya waxaana ugu wacan hogaan la,aanta .

Waxaa laga yaabaa qofku inuu is dhaho Maamul Goboleedku waa wax wanaagsan balse waxaan anigi ku macnayn karaa “Soomaaliya dhibka ka jiraa waa Nabar Maamul goboleedadu waa dheecanka nabarka ka yimaada haddi aadan nabarka iska dawayn markasta dheecaan ayaa ka imaanaaya mana joogsanaayo ilaa uu gaaro heer ay waxyeeladiisu gaarto mid noloshaada halis galisa ” haddaba maamul goboleedyada oo dheecaanki ahi saw ma noqonayaan kuwo halis galiya wax la yiraahdo qaranimo Soomaaliyeed … Maamul Goboleedyadu saw ma ahan kuwo ka soo horjeeda Soomaalinimada iyo Muslimnimada kala qaybsanaantu waa ku lidi Soomaalinimada Muslimniamaduna wadajir ayay ina faraysaa

Waxaa laga yaabaa in qofku uu arko Ciidamada Shisheeye oo shabaab dhul ka qabsaday, Road-map wax la yiraahdo oo la sheeg sheego balse qofku uusan iswaydiin maxuu yahay ? Maxuu keeni karaa , qariirada nabadu meeday saw kuwaan dadku maalin kasta dhimanaayaan oo islaynayaan oo meel kasta leh, ama maamul odayeed haka jiro ama yuusan ka jirin marka laga reebo dhulka shabaabku haystaan oo aysan dadku islayn … Road-Map , Federal , 4.5 waxaasu wax xal inoo keenaaya ma ahan.

Qofki shaki ka galo Sooyaalkan soo jireenka ah ee siyaasada qalafsan waxa uu dib u milicsanayaa sidaynu nahay iyo sidaynu waligeen ahayn oo ah silic ku noolaanshonimo , Islayn , baryootan , barakicid … saw ma aminsanid inaynu nahay dunida dadka ugu sharafta liita qofka waxa ay sharaftiisu tahay Diintiisa iyo dalkiisa … haddi uu qofku dhumiyo qowmiyadnimadiisa oo uu qaato wax ka hooseeya oo aan wanaagsanayn waxa uu noqonayaan mid dhuma dunida korkeedana ku noolaada sharaf daro.

Sababta dhibku ma shacabkaa mise waa Hogaamiyaha ?

Waa kuma Hogaamiye?

Sida inta badan la isku raacsan yahay Hogaamiyuha waa midka qanciya bulshadiisa kuna haga yool cad oo ay dadku markaas u arkaan inuu yahay mid loogu talaabsanaayo horumar , Hogamiyuhu ma ahaan karo mid la mid ah sida ay u fakarayaan shacabku Tusaale Soomaaliya waxba kama badali karo mid aminsan qabyaalada oo waxa uu la mid yahay shacabka oo xanuunka ayuu qabaa , midka wax dawaynayaa marka hore isagu waa inuu dawaysnaadaa , Hogaamiyuhu waa inuu yahay mid qatarta u bareera , Waa in uu yahay mid walwal badan oo ka walwala caqabada ka hor imaan kara mabaadiida uu wado , Hogaamiyuhu waa in uu ahaadaa mid marka hore haysta sharciyada Taageerayaasha iyo kooxdiisa , Hogaamiye waa inuu ahaadaa mid himagaliya shacabka ugu yeera inay u wada istaagaan howshan la qabanaayo , waa in uu ahaado mid barbaariya hogaamiyaha bari ee isaga badalaaya ee kooxdiisa ka mid ah si kooxdiisu ay dalka u hagto iyada oo si sharci ah ku imaanaysa , Hogaamiyuhu waa in uusan isticmaalin kalmada ah anniga waa in uu ahaadaa mid dhaha annaga oo ah guud ahaan dadka , waa in uu u arkaa inuu yahay mid dadka u adeegaaya oo isagu dhumiyaa rabitaanka shakhsiyadeed , waa in uu u arko xilka uu hayaa inuu yahay amaano uuna usoo celiyo marka wakhtigu dhamaado dadka . hogaamiyahaanu waa kan talo wadaaga ah astaamaha lagu yaqaano , kan kaligitaliyaha ahi waxa uu leeyahay qaybo ka mid ah astaamahaan oo ay ka mid yihiin inuu yahay mid yool leh himagalina leh , sidoo kale qatarta u bareera , balse waxyaabaha kale ma lahan kaligitaliyuhu waa kan isagu ku fakara anniga oo ay sababtu tahay xukunka oo uu sii haysto , ma sii jirto hogaaminta kaligitaliyuhu marki ay dal ka dagtona waxaa dhaca isbadal haddi kooxda ka tuurtay ay yihiin kuwo wanaag doonaayay iyaga ayaa la yimaada hogaaminta kale ee talo wadaaga ah yeelatana astaamaha kor ku xusan .

Haddaba waxay cadaynaysaa arintaanu inaysan Soomaaliya helin hogaamiye marka laga reebo hogaamiyihi XKHS oo isna noqday hogaamiyaha Kaligitaliyaha ah oo dhamaadkiisa la naawilo in xoog jabhaddeed ama kacdoon shacab lagaga rido dhibka waxaan oran karaa waa Hogaamiyte la,aanta ,

Shacabka

Shacabku waa kuwo la hogaamiyo kalana doorta tartamayaasha, doortana hogaamiyaha ay u arkaan midka Yoolka leh oo ku qanciya afkaartiisa , shacabku waa kuwo ilaaliya sharaftooda oo ah Qowmiyadnimadooda , qofka shacabka ahi waa kan ku fakara maxay tahay dantaadu , qofka shacabka ah waa mid hadalkiisu ahaanaayo anniga oo kalmada ah annaga waxa uu isticmaalaa mar kaliya oo ah marka uu dalkiisa ka hadlaayo balse waa mid isagu u badan mid ka fakara ,Xarun waxbarasho oo aan aado / ilmahaygu aadaan . Xarun caafimaad , Wado aan adeegsado , Shaqo aan ka shaqaysto , Biyo nadiifa oo aan cabo Iwm . qofka shacabka ah ee intaas ka duula ayaa noqonaaya mid hogaansama kalana doorta mabaadiida hogaamiyayaasha kala duwan markaasna doorta midka uu u arko mid dhamaan baahiyadiisa ka fakaraaya , Marki dhamaan shacabku ay sidaas u fakaraan waxaa loolanka ku soo baxaaya hogaamiyaha dhabta ah ee isagu leh qancinta oo hale taageerada badanka dadka

Haddaba iswaydiintu waxay noqonaysaa Soomaaliya ma shacabka ayaa wax badali kara mise hogaamiye dhab ah oo yimaada oo aan ku dhisnayn nadaam xaaraan ah oo la dhaho waa xal iyada oo misna la leeyahay waa xalki ee xaqi ma ahan saw wax lala yaabo ma ahan waxaan xaq ahayn oo xal noqda ?

Anigu waxaan u badiyaa marka aan iswaydiintaan iswaydiiyo Hogaamiye ayaa badali kara hogaamiyahaas oo ah mid leh Koox uu hogaamiyo iyo shaqo cad oo ay qabanayaan oo ay ku baaqaan kuna sifooba inta kor ku xusan ee hogaamiye talo wadaagi leeyahay kuna yimaada nadaam Soomaaliyi dhisato oo Soomaaliya dhexdeeda lagu dhiso , dhanka shacabka marka aan eego waxaa aad iigu adkaata in aan helo jawaabo cad oo leh shacabka ayaa kacaaya Tusaale makula tahay in shacabka jooga Hargaysa , Garoowe , Galguduud Iwm ay kuwo horjoogayaasha u ah oranayaa na dhaafa dhibkiinu intaan haku ekaado , dabcan taasu way adag tahay oo xanuunka qabyaalada ayaa diidan inkastoo aan anigu jeclaan lahaa inay kacaan oo wada istaagaan oo baroortaan gacmahana kor u taagaan shacabku oo dhahaan illaahoow na cafi innaguna iscafino ,

Tusaale waa yar yahay qof aan dalka iyo naftiisaba Dambi ka galini ku dhaqanka qabyaalada ayaa qofka ka dhigta mid naftiisa cadow ku ah dalkiisana cadow ku ah sidaas darteed haddaad shalayto cadow isku ahayd dalkaagana waxyeelo u gaysatay iyo naftaada waa in aad cafis waydiisato Alle(SW) kana tanaasusho waxaad qaban jirtay ee xumaanta ahaa . Qabyalaadu qofka waxay Ku ridaa Garashada Qofka oo xiranta oo curunti ku yaraato , kala saarida wanaaga iyo xumaanta oo meesha ka baxa , Caadifad joogta ah , iska dhici qofkaas , daganaansho la,aan hareeysa qofka , xishood la,aan , dhuminta wadaniyada Iwm , Akhristoow haddaba iswaydii adiga oo kaligaa ah in aad qabto dhibaatooyinkaan adiga oo ku sababaynaaya sababta aad isu waydiinayso su,aalaha kala ah, dalkaaga maxaa Dowladnimada u diiday sida dalalka kale ? adigu dhibaatada maka qayb qaadataa haba yaraatee ? haddaan hesho waad ka qayb qaadatay iswaydii hadda in aad sii wado miyaa mise waa in aad ka tagto waxaad horay u samaynaysa? haddaad shalay xumaan qabatay maanta wanaag ku badal , haddaad shalayto qabyaalad u ololaysay , dhaqaale ku bixisay , qori u qaadatay , Maanta Soomaalinimo u samay olole oo naftaada ka bilow ” Iswaydiintu inta ay maskaxda qofka u jirto ayuu wanaagu u jiraa ” Raacida Diinteena islaamku waa mid innaga fogaynaysa in aan Nafteena cadow ku noqono.

Dhamayn

Waxaan ku soo dhamaynayaa waxaan socda in aysan dadka Soomaaliyeed u arag kuwo wanaag u keenaaya tusaale Dastuur ayaa la wareejinaayay ayaamahan ma iswaydiisay dhibka qofkasta oo hadlaa sheego ee ah qabyaalada ee la dhaho waa wax fool xun waxa loogu qori waayay dastuurka oo loo oran waayay , Qabyaaladu waa cudur dilaa ah in lala dagaalamona waa shaqada dawlada , Qabyaaladu waa dhibka dalkeena burburka u horseeday , la iskuma abaabuli karo qabyaalad , la dagaalankeedu dhamaanteen waa la innaga rabaa , sababta loogu qori waayay xumaantaan aan wada qirayno keeni kadlaaba haddana la haysto ee lagu dhaqmaayo, waxa loogu qeexi waayay dastuurka waa iyadi ayaa sal u ah wax jira.

Arinti xiligi gumaystaha ee u qabaan ahaanshaha ayaa ah mid hadda jirta xiligaan Maamul goboleedka waxa loogu yeero kuwa ka masuulka ah iyo kuwa TFG-ga waxa la dhaho ee 4.5 ku dhisan ku jiraa ay u kala ordaan shisheeye waxay ka doonayaan kursiga madaxtimino qof shisheeye ah waa arin aad uga soo horjeeda dadnimada , qowmiyadnimada iyo sharafta qofka.

Waxaan umadda Soomaaliyeed leeyahay ee ku kala dhaqan dal iyo dibbad ku dadaala sidi aad isaga daawayn lahaydeen xanuunka qabyaalada iska ilaaliya kusii noolaanshaha waxaan foosha xun , ka taga horjoogayaashan sharaftiina idinku diraaya ee iyagu idinku qancinaaya in aad is dishaan tusaale Buuhoodle dadka ku dhimanaaya ee muslimka ah ee Soomaalida ah maxay tahay waxay u dhimanayaan saw ma ahan siyaasada qalafsan ee foosha xun ee ka dhanka ah Soomaalinimada iyo Muslimnimada ilayn laba muslin ahi inay is dishaa waa reeban tahay laba qof oo Soomaali ahina inay is dilaan waa wax fool xun balse laba nin oo kacaanki wasiiro ka ahaa ayaa labada dhinac kala jooga oo iyagu u kala adeegaaya qabyaalada sidaasna sharaf u arka .

Waa in aan dib maskaxdeena ugu noqono iswaydiino maxaa wanaagsan maxaase xumaan ah haddi kale waxaan noqonaynaa Qaran tirtirma oo dalalka dariska ah ee iyagu haddaba haysta dhul Soomaaliyeed aya ala innagu darayaa darayaa oo la inoo qaybin waxaana keenaaya waxa aan samaynayno ,

Dhamaanteen sharafteenu waa Soomaalinimo wixi ka hooseeya waa dhibkeena ma jiro maanta qof Soomaali ah oo haysta sharaf meesha uu doono haku noolaado waa isku mid waxaa naga maqan wixi nolosha bini aadamka ugu wanaagsanaa ee ah dal xasiloon oo dadkiisu ku dhaqnaadaan dheefsadaana khayraadka Alle ( SW) siiyay dadkaas

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s