Generaal Maxamed Nuur Galaal oo Khiyaano Qaran ku Tilmaamey Heshiiska Dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Hallidayfinch

April 7, 2012 – Iyadoo dhawaan Shirkad laga leeyahay Wadanka Ingiriiska ay heshiis la gashey Dowladda Federaalka Soomaaliya , heshiiskaas oo dhigaya in Shirkadaas ay Ilaaliso Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Maraakibta ka kaluumeysanaya Xeebaha Soomaaliya, Kuwa Sunta ku shubaya iyo weliba Tababarida iyo Qalabeynta Ciidamada Badda Soomaaliyeed iyo bixiinta shatiyada lalaga kalluumaysanayo xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa Heshiiskaan ka soo horjeestey Siyaasiyiin Aqoonyahano , Xildhibaano iyo Xubno kale.

 
Generaal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed una waramayey Idaacada Kulmiye ayaa heshiiska ay Dowladda KMG La gashey Shirkadda Hallidayfinch ku Tilmaamey Khiyaano Qaran islamarkaana Shirkadaas loo Madaxbaaneeyey in ay la baxdo Khayraadka Badda maadaama aysan jirin Cid la Xisaabtameysa Shirkadaas isagoo sheegey in Heshiiskaan ku soo beegmey Xilli Badda Soomaaliya ay ku sugan yihiin Marakliib fara badan oo laga leeyahay Midowga Yurub iyo Dunida inteeda kale.

Gen Maxamed Nuur Galaal waxaa uu intaa raaciyey “Waxaa la yaab leh iyadoo Maraakiib Ciidaa ka badan ay ku ugan yihiin Xeebaha Soomaaliya ay wax ka qaban waayeen Burcad Badeedka , Maraakiibta Sunta ku shubaya, iyo kuwa sida sharcidarada uga Kaluumeysanaya ayaa waxa Dowladda Federaalka ay heshiis la gashey Shirkadaas oo aan ogahay inaysan waxba Soo kordhineyn “.

Wuxuuna intaa ku darey “ Waxaa ka sii yaab badan in Howlgalka Ciidamada Midowga Yururb ee Xeebaha Soomaaliya uu Hogaaminayo Jenenaal u dhashey wadanka Ingiriiska marka Jeneraalkaas wuxuu qaban waayey miyaa wax ka qaban karta Shirkadaas ka soo jeeda wadanka Ingiriiska, waan soo dhaweynayaa haddi shirkadaas ay wax ka qabaneyso Burcad Badeedka , Maraakiibta sida Sharcidarada uga Kaluumeysanaya , iyo kuwa Sunta ku shubay laakiin waxaan ogahay in shirkadaas ay dano gaar ah ka leedahay Xeebaha Soomaaliya weliba ay haboon tahay in la isweydiiyo Heshiiskaas”.

Dowladda Federaalka KMG gaar ahaan Masuuliyiintooda ayaa weli ka hadlin heshiiskaan dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Shirkadaas iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli Xasuusan yihiin Heshiiskii lagu tilmaamey isafgarad ee dhexmey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya Sanadkii 2009 kaasoo markii dambe ay laaleen Baarlamaanka Soomaaliya islamerkaana Shacabaka Soomaaliyeed ay si weyn ugu soo horjeesteen.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s