Qaraxii Raysalwasaare Gaas Qiso baa kadanbaaysa (Faallo)

2012/04/07 – Marka ugu horaysa waxaan tacsi u dirayaa bahada sportka Soomaliya geeridii ku timid allaha u naxariiste marxuun Wiish iyo Saciid Mugaabi waxana leeyahay allaha janadii fardawsa alababadeda u furo gacan ka xaqdaran baa dishaye bahada sportka iyo shacabka Soomalina alaha samir iyo imaan kasiiyo.


Intaa kadib sida lawada ogyahayba Arbacadii 04/4/2012 waxaa dil qorshaysan kabadbaday Raysalwasare C/wali Maxmed Cali Gaas xili uu qudbad ka jeedinayay xaruntii murtida iyo madadalada (National Theatre) wax lagu sheegay saand guuradii Tv qaranka Soomalia .

Nasiib wanaag qaraxaasi wuu kabad baday Raysalwasare C/wali waxaana qaraxasi saxafada qaar iyo masuuliyeen katirsan dawladuba sheegeen inaay qarxas kadanbaysay Gabar isku soo xirtay waxyaalaha qarxa balse dadka qarkiis waxayba leeyahiin markii loo fiiriyo baaristii mesha kasocotay qarxa horaba loogu diyaariyay madasha shirku kascoday oo macquul maaha inaay soo dhaftay qof xanbarsan qarax.

Hadaba arintaan ayaa waxaay keentay shaki iyo tuhun soo kala dhexgalay dhamaan hay,adahii dawlada sidoo kale waxaa tuhun midkaas lamidi uu ka guuxayay dhamaan shacabka Soomaliyeed intooda wax garata oo caqliga u saaxiibka ah.
Maxaay tahay sabata loo rabo in Gaas la,dilo iyo saaxiibadiisa la fikirka ah?

Sida lawada ogyahayba Raysalwasare Gaas waxaa dhamaystir ujooga hawlo aad ubadan oo mudo sootaxnayd dhabtiina wuu ku guulaystay intoodii badnayad. Hawlahaas uu Raysalwasaaruhu wado waxaa jira beelo iyo shaqsiyaad aan jeclaysan arimaha noocas ah iyagoo amiinsan hadii uu Rawysalwasare Gaas arimahas dhamaystiro ay u arkaan wax iyaga shaqsiyan dhib ku ah waxaana kamid ah arimaha ugu waawayan ee uu Raysalwasare Gaas dhamaystiray 3 arimood.

(1) Hananka Geedi socodka Raodmapka:
(2) Ka guurka dawlad ku meelgaar ah:
(3) Fadaralismka iyo dhamaystirka Tastuurka qabyada ah:

Hada sadexdaas arimood baa ugu wayan sababaha loola beegsanayo Raysalwasare Gaas in laqaarijiyo sida lawada ogyahayna horay ayaa waxaa loo dilay ama loo qarxiyay rag damacsana inay arimahas hirgaliyaan waxaana kamid aha oo maalin Jimco ah isagoo salaad kasoo baxay lagu toogtay magalada Baydhabo allaha u naxariiste Cabdalla Deeroow Isaaq oo aha wasiirka Tastuurka iyo arimaha Federalka waxuuna xiligaas ku hawlana arimahan uu hada Raysalwasare Gaas dhamaystiray balse waxay nooqtay inay isaga tiisi noqoto oo uu akhiro aado.

Sidoo kale waxaa arimahan guda galay oo damacay inuu 3 deexdaas qodob dhamaystiro Madaxwaynahii hore ee Soomaliya allaha u naxariiste C/laahi Yuusuf Axmed waxuuna lakulmay caqabada badan oo kaga imanayay kuwa diidan 3daas qodob ilaa ay markii danbe qarax gaari kabuuxa u dhigeen jidkii loomari jiray madaxtooyadii Baydhabo balse nasiib wanaag alle kuma dilin ee wuu ka badbaday xiligaas.

Sidookale waxaa isna ugu yaraan 3 jeer kabadbaday qaraxyo noocas ah Raysalwasaarahii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Geedi oo isaga laf ahantiisuna ka gonayad in laga gudbo caqabadaha noocaan oo kale ah balse nasiib wanaag alla waa kabadbadiyay isku daygas.
Hadaba maxaay ku diidan yahiin dadkasi sadexdas qaybood ee aan kor kusoo xusay in lagaaro?

Dadka diidan arimahas waadakii ku tanaaday burburkii Soomaliya ee 23 sano soojiray kuna baraaray waxayna kabaqayan hadii sadexdas arimood ee aan kor kuxusay laga hirgaliyo Soomaliya inaay wayayaan waxa hada ay haystaan dhabtiina waxay aminsan yahiin inaay sidaan ay manatay Soomali tahay iyaga ugu caana badan tahay waxayna dantoodu ku jirta qaxa iyo dhibka,barakaca sokeeye, bililaqada, kufsiga ,sixirbaraka, samaynta lacagaha falsadaha, keenista dawoyinka dhaca iyo qarkaloo badan.

Dadka noocasi marabaan inay soo noqoto haykalkii dawlad nimo ee Soomaliya sidas darteed cidkasta oo aay u dareman inay wado soo celintii qaranka Soomaliya waxaay isku dayaan inaay dilaan waxayna garab baaxad leh ka helaan dawlada xiligas jirta dad kamid ah dawlada oo iyaga la fikir ah baana u fududeeya inay fuliyaan qaraxyadas.

Qaraxii Arbacadii 04 bishaan waxaan aminsanahay inaay ka danbeeyeen dadka noocas ah waxaana u fududeeyay laamaha amaanka ee sugayay amniga golaha murtida iyo madadaalada qaar kamid ah iyo maamulka gobolka Banadir mana aminsani in allshabab kadanbayso ee waxaa kadanbeeya kuwii dilay Cabdalla Deeroow allaha unaxariiste, kuwii ku qarxiyay C/laahi Yuusuf Baydhabo allaha unaxariiste kuwii ku qarxiyay Cali Maxamed Geedi Muqdisho.

Al-shabaab baa kadanbeeysay qaraxii National Theatre ma runba mise waa Ruwayadii anu naqanay
Al-shabab waxaa kamid ah siyasadooda hadii qarax aysan shaqo iyo shuqul aysan ku lahayan uu meel kadhaco inaay kufanan si ay u cabsi galiyaan shacbka Soomalida isla marahantana ay caalamkana uga dhaadhiciyan inay awood buuxda wali leeyahiin waxaana xasuusta 1994 mar qaraxyo ay ka dhici jireen casumada Ithopia ee Adis-ababa waxaa sheegan jiray qaraxyadaas urur diimeedkii Allitxad oo Xassan Daahir xukumay ayaa dhabarka saran jiray inaay iyagu fuliyeen balse shaqana kuma aysan lahayan oo qaraxydas waxaa fulin jiray qomiyada Oromiya oo xiligas aad ula dagalamaysay dawlada Ithopia marka tan Cali Dheere kufanayo watii Xassan Daahir shegan jiray 1994 hadalka Cali Dheerana waa mid uu isleeyahay Afganistaan darja kaga helel Soomalina cabsi galiya.

Waxyaalaha adka u cajiibka ah waxaa kamid ah sanad guuro Tv qaran oo hadana goobta xafladu kasocoto uu kamaqan yahay gudoomiyahii gobolka Banadir waaayo gudoomiayhu waa ninka sharciyan furi laha xaflada kadibna sharciyan waxuu kusoo dhawayn laha wasiirka warfaafinta marka kadib in loo gudbo RW ama Madaxwaynaha cidii marka meesha joogta balse nasiib daro Gudoomiye Tarsan madasha majoogin Tarsana waa nin aad u jecel inuu isku dhigo sawirada iyo duubista filimada mase garan sababta uu subaxan kaga maqna madasha xafladu kasocotay ninkii dhubanayoo oo dhabarku muuqdoow dharaarbadse soo bixin.

Gabagabadii iyo gunaandkii waxaan maqalaya baarisba socota balse waxaan u arka baristaas kuwii horay loo oran jiray baarisba socota tii Shamoow baanu sugayna Tii ardaydaanu sugayna Tii dhalintii kubada ciyaraysay bau sugayna bal tana noogu dara baarista miyaa xalku warhooy shacabka halaga daayo wareeka iyo maalinba ruwad dhigista walayaqan cida fududaysa hawlahane farta halagu fiiqo.

Source: horseedmedia.net 

 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s