Tarsan oo iska fogeeyay ogaanshaha Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka

07.04.2012 (MMG) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa iska fogeeyay ogaanshaha Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka oo ay ku dhamaaden Sodameeyo muwaadiniin ah oo xiligaasi ku mashquulsanaa Xafladii halkaasi ka dhaceysay, Xog hoose oo aan ka helnay mid kamidb ah shaqaalaha dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa shabakada markonews u sheegay in Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu iska fogeeyay wararka sheegaya in Qaraxaasi uu kadanbeeyay isaga iyo mudanayaal ka tirsan dowladda. Iska fogeynta Tarsan eedeemaha kaga imaaneysa dhanka xisbiyada iyo xildhibaanada ayaa kusoo beegmeysa xili mudanayaasha dowladda uu u dhexeeyo Tuhun ku aadan in qaraxaasi ay kadanbeeyen wasiiro iyo masuuliyiin katirsan maamulka Banaadir.

Maxamed C/llahi oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda oo aan kula xiriirnay Qadka Telka si aan wax uga ogaano Arrintaasi ayuu shabakada u sheegay in Guddi loo xilsaaray Arrinta la xiriirta Qarixii Tiyaatarka, Maxamed waxa uu intaa ku daray in Guddigaasi ay si gooni ah isha ugu hayan maamulka Gobolka banaadir iyo Hay’adda nabadsugida Qaranka maadaama ay gacanta ku haayan amaanka Gobolka Banaadir islamar ahaantana inta badan Tuhunka iyaga dusha loo saaray

Xogta aan ka helnay dhanka Dowladda ayaa intaa kusii dareysa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan uu warqad qoraal ah geeyay Safiiska madaxweynaha iyo kan Ra’isul wasaaraha taasoo ay ku xusneyd in maamulka Gobolka Banaadir uunan waxba kala socon Qarixii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, warqada ayaa sidoo kale la sheegaya in ay ku xusneyd qormo tarsan uu ku beeninaayo wararka sheegaya in wasiiro iyo Tarsan ay ka danbeeyen Qaraxaasi waxba ka jirin

Ugu danbeyntii Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la sheegaya in uu kulamo la qaadanaayo maalmahaani madaxweynaha iyo wasiiro taasoo lagu macneynaayo in Tarsan uu ka fogaanaayo tuhunka kaga imaanaaya dhanka dowladda

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s