“Dawladda waxaa soo gala Qarash ku magacaaban Sugidda Amniga”

Sunday 8 April 2012 – Murti ayaa dhahaysa: “Aqool xumo abaar ka daran” mid kale waxay leedahay dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay leedahay ninna waxaa laga sheegay inuu yiri: “Maantoon Talo haayo Tabar ma hayo, maalintaan Tabar haayana talo ma hayn!” Cabdi Malow na waxaa laga sheegay inuu yiri:

“Ninkii gam’ayaa

Sariir gogladee

Go’aygaan dhigtaa gidaarrada!”

Amni iyo ammaan waa laba eray oo aysan Soomaali ka haqab beelin, amni ay ku joogaan iyo amaan ay u joogaan, micnaha arlo amni ah iyo oogo ammaan ah, aan jilciyee, dal amni ah iyo dad ammaan haysta, dhul amni ah iyo dhaayo ammaan qaba, sida labadaa loo waayey, ayaa wax badan oo ku lammaansanaa loo waayey, dhanka kale, waxaa caadi iska noqday waxyaabihii lidka ku ahaa, sida amni xumada, ammaan darrada iyo fawdo joogta ah.

Cidna caad kama saarna in caynaaninta amni ama ammaan ay culus tahay, una cayiman yihiin siyaasiyiin, khubaro, sirdoon iyo ciidan, u baahan qorshe iyo qaabayn, maadaama uu jaadad kala duwan leeyahay.

Si amni loo sugo ammaanna loo helo, waxaa loo baahan yahay qorshe degsan, qodob qeexan iyo qaanuun qoran, intan oo ka soo miirantay maskas siyaasi suubban iyo sir iyo caad oge “Khabiir” ku xeeldheer arrimaha nabadsugidda. Iskaashiga labadaa garab, oo lagu daro xubnaha xeerdajinta u qaabilsan amniga, ayaa waxay si joogta ah uga warqabi karaan heerka amnigu marayo, meesha daloolku ka jiro iyo qatartu halka ay ka imaan karto.

Dulmarkaa gaaban ka dib, aan u daadago dulucda Faallada, ma filayo inay jirto maalin aan si qaldan wadanka qof aan waxba galabsan loogu dilin! Kuma sii jirto meelaha ay ka taliyaan dawladda KGM, maamullada Puntland iyo Galmudug , oo deegaannadaa si joogta ah ayaa waxaa loogu dilaa, masuuliyiin, madax ciidan, xildhibaanno, wasiirro iyo shacab caadi ah, haddana, cid xil iska saarta dabagalkeeda ama dayridda daloolka muuqda ma jiro.

dilalka joogta ah ee siyaabo kala duwan uga dhaca wadanka, waxaa sii dheer qaraxyo mar qura lagu hoobto, ay ku baxaan dad xilal sare u hayey bulshada, lehna ammaan ama dhaleecayn, marka laga hadlayo xil gudashadoda, illeen dadku ma ahan Malaa’ige, kumaba sii jirto xilligan ay xaaraan ku naaxyadu xilka u madda u hayaan, xukunkana ay u xulaan xabagle oo dhan.

Qaraxyada dhacay ee lagu hoobtay ee reebay uur ku taallo iyo urug aan go’ayn waxaa ka mida: qaraxii lagu qaarijiyey Cumar Xaashi Aadan oo ahaa wasiirka Aminiga qaranka, Danjire C/kariin Faarax “Laqanyo” iyo xubno kale, qaraxaa wuxuu dhacay bartamihii sanadkii 2009-kii, wuxuuna ka dhacay Hotel Madina, oo ku yaal magaalada Baladweyn, aqriste cid dib uga sheekaynaysa ma aragtay? iska daa in dadkii gaystay cadaaladda la soo taagee, marka laga reebo heeso baroor diiq ah.

  • Qaraxii xigay wuxuu dhacay isla dhammaadkii sanaddii 2009-kii gaar ahaan 03-dii bishii December, waxaa isna ku baxay arday ka qalinjabisay Jaamacadda Banaadir, qaybta Caafimaadka, Waxbarashada iyo Sayniska, arday kaliya kuma dhiman, ee waxaa ku dhintay wasiirro sida: Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadam Cali, Wasiirka Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirka Waxbarashada, Saleebaan Colaad Rooble Wasiirkii Dhallinyrada iyo Isboortiga, wariyayaal iyo waalidiin.
  • Qaraxu wuxuu ka dhacay Hotel Shaamoow, haddaba aqriste, ma maqashay wax dabagal ah? in cadaaladda la soo taago iska daaye, marka laga reebo silsilad deelleey ah oo billaabatay dhacdadaa ka dib, oo magaceeda la yiraa: “Deelleeyda qarniga iyo diiwaanka nabadda”, oo iyadoo buug ah soo bixi doonta  sanadkan gudihiisa, ama heesta caankaa ah ee “Qaylodhaan” markii dambana kooxda magacba u noqotay.
  • Qaraxii xigay isna wuxuu ka dhacay Hotel Muna, sanadkii 2010-kii, isna waxaa lagu beegtay xayn xildhibaanno ah, meesha qaruxu ka dhacay aad ayey ugu dhaweed madaxtooyada, haddana, aqriste, adigu ma maqashay wax dib isu weydiiyey?.
  • Qaraxii xigay wuxuu ka dhacay xarunta Hargaha iyo Saamaha, oo ay soo buuxdhaafiyeen arday deeq waxbarasho ka heshay wadanka Turkiga, haddana, deeqdii waxaa loogu badalay baroor diiq, maadaama dhimashadu kor u dhaaftay todobaatameeyo qofood, iyana aqriste ma maqashay cid dib isu weydiisay? Aan ka ahayn heeso baruur diiq ah oo loo qaaday sida heesta “Qarracan” ee Abwaan Cabdirixiin Hilowle Galayr miraheeda sameeyey, Abdi Diini na ku luqeeyo, iyo heesta “Xaraku shaydaan” ee ay qaadaan kooxda “Qaylodhaan”.

Maahmaah ayaa dhahaysa “Mayd waxaa ugu dambeeyey kii la sii sidaye”  ahna ujeedka igu kallifay inaan faalladan qoree, oo ahaa qarixii ka dhacay National Theatre “Golaha Murtida iyo Madadaalada” ee ay ku bexeen madaxdii Sports-ga Guddoomiyaha Olembigga Soomaaliya, Adan xaaji Yabarow “Wiish” iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Siciid Mugaambe, ayna ku dhaawacmeen xildhibaanno uu ka mid yahay Prof Dalxa, Mawliic Macaane Maxamuud, wariyeyaal iyo fannaaniin.

Qaraxani wuu sii laba qarxay, oo kuma ekaan goobtii uu ka dhacay kaliya, buuqiisa ilaa hadda ayuu taagan tahay, yaa ka dambeeyey? Yaa fuliyey? Yaa fududeeyey? Sidee loo fududeeyey? Maxaa natiijo ah oo laga gaaray baaritaankii la sameeyey? Weydiimuhu badane aan ka soo haro, oon u laabto cinwaanka Faallada.

Maahmaah ayaa dhahaysa “Biyo xumbo waa dagaane” caadi ahaan markuu dhammaado dhakafaarka iyo dhagataagga waa la iska illaawaa wixii dhacay, oo cid sii daba galshaa maba jirto, balse, su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah: siday ku suuragashay in xarun caynkan oo kale ah dawladdana ay maamusho oo aan Hotel gaar ah ahayn uu qarax uga dhaco?.

Midi waa marag ma doonto, in mooryaan dhar loo galiyey, ee waliba aan mushaarla siin bilo iyo bilooyin, uu wax walba ugu horray siinayo siduu Mijin Qaada ku heli lahaa, balse, Aniga ilama ahan dhaliisho inay halkaa jirto, oo waxaan arkaa iyadoo eedda dusha laga saarayo wiilashan qorayaha loo dhiibay, oo waliba marar badan ka dhexdhaco dagaal qasaaro gaysta, iyadoo lagu andacoonayo waa wax aan anshax iyo akhlaakh ciidan lahayn.

Sax, balse, waa biya kama dhibcaan in wiil labatan jir ah, oo aan waligiis maamul, maarayn iyo kala dambayn midna arag, inaan sidaa loogu baxsan, loogu baacsan looguna xagxagan wax uusan aqoon, arag aanna la barin! Sababtu waa sahlan tahay, waa inaan waligiis ishuusu qaban wax qadlan ma ahane wa kale, haddaa, ma waxaad leedihin Adna wax ha qaldin? Mise isaga ayaa dhaliishu qabataa? Malaha waa meeshii laga yiri: “Ilko meesha u jilicsan ayey goostaan”.

Anigu aan eedda saaro meesha shabaqu ka jiro, ayna taal shabaagta shirqoolku, dalka dawlad ayuu leeyahyay, madax, masuuliyiin iyo maamul ay hoggaanshaan, ka sokow, waxaa jira xarumo, laamo iyo goobo u xilsaaran ammaanka, waxaaba ka sii daran inay jiraan kuwa ku magacaaban dabagal, ugu yaraan laba wasaaradood ayaa sidoo kale hawshaa ku magacaan iyo guddiga la yiraa: Guddiga amniga qaranka, oo ay hoos yimaadaan dhammaan laamaha amaanka qaabilsan.

Maahmaah ayaa dhahaysa: “Tiisaba daryeelaa tu kale ku daro” ee nin isagiiba amnigiisa gaarka ah sugi waayey, ma idinla tahay inuu sugi karo amniga dadweynaha? Jawaabtu waa caddahay ayaan filayaa, ee miyeysan habboonayn in xisaabtanka la badiyo?.

Dawladda waxaa soo gala qarash ku magacaaban sugidda amniga, inta uu la eg yahay ma hayo, waan isku dayey inaan ogaado, iimase suuragalin, qofkii wax nagu dhaama ha noo faa’iideeyo, waxaase hubaal ah, in lacagtaa aan loo adeegsan meeshii loogu talagalay, sababtu waa caddahay, haddaanba askarta “Maleeshiyaadka” aan mushaar la siin, haddaa lacagtu xaggay ku baxdaa?.

Maleeshiyaadka waxaa mushaar toos ah ugu dambaysay markii Mudane Formaajo madasha laga qadaanqadiyey, maalintaa ka dib, wax beeso ah lama siin kuwan ciidanka lagu sheego, sidaa awgeed saw kuma habboona inaan xisaabtanka ku wajahno kuwan madaxda sheegayana, ee aan maalinna ka baaqan socdaal iyo safar, aan waxa uu ku fadhiyo la garanayn.

Sheekadu hadda waaba is badashay, waxaa ciyaarta si toos ah u soo galay awlaaddii Alshabaab, qaraxyada meelaha muhimka ah ka dhaca waxaa la ogaaday inay ka dambeeyaan madax ka tirsan dawladda, awal ayaan yaabayey, kuwan maalin walba TV-ga nalaga tuso, ee la leeyahay waxay ka soo goosteen Alshabaab, ee maalinta xigtana loo magacaabayo xil uusan u qalmin qabanna karin, maalmo ka dibna, qaraxyo dhacaan, isku xirka ma idiin baxay?.

Alshabaab waxay sheegtay in qaraxii National Theatre “Golaha Murtida iyo Madadaalada” aysan fulin qof dumar ah, haddana, madaxda dawladdu wali waa ku sii adkaysanaysaa inay gabar ahayd, haddaba, yaa la rumeystaa? Ugama jeedo inay kala run badan yihiin, balse, ninkii falka ka dambeeyey ee qirtay, cidi ugama ogaal roona ayaan is leeyahay, haddana, isla xubno ka tirsan dawladda ayaa fekerkaa sii xoojiyey, oo dareen ka muujiyey dumarnida qofka qaraxa fuliyey.

Dadku isagoo la yaabban qaraxii National Theatre “Golaha Murtida iyo Madadaalada” qaabka uu dhacay, ayaa waxaa soo yeeray in Abaan duuliyaha Ciidan Qalabka sida Jen. C/kariin Yuusuf Aadan “Dhega Badan” uu ka badbaaday qaarijin lala damac sanaa, yaa soo abaabaulay? Alsabaab, yey kaashatay? Xubno ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah, oo waliba Sargaalka qaraabo hoose la ah.

Haddaba, maxaa diidaya in qaraxyada dhaca oo dhan ay ka dambeeyaan dad dawladda u shaqeeya? Haddaan la dhihi karin xubo sarsare oo dawladda ka tirsan,wallee anigu inaan taa si weyn ugu qanac sanahay, aqriste, adna aragtidaadu waa kuu gaar, xaq ayaadna u leedahay inaad si ka duwan u aragto.

Haddaba meesha shabaqa iyo daloolku ka jiraa ma ahan ciidan yari, ma ahan maleeshiyaad aan akhlaaq ciidan lahayn, ma ahan askar la’aan, ee waa masuul mooryan ah, oo aan dan ka lahayn dal iyo dad, haddana, mar walba isaga kaa dhigaya Dhibbane, midda fadeexaddaa ayaa ah, in Alshabaab ka dhex buuxaan maamaulka dawladda, oo haddaa, maxaa Baay, Bakool, Gedo Hiiraan iyo Galguduud loogu sii firxanayaa? Wali madaxtooyada ayey dhex muturaane.

Hadalkii Mahiga dad badan ayaa ka carooday, balse, wallee wax u eg ama isagii ah yaa soo muuqda, micnaha haddii Mahiga yiri: “Madaxtooyada Aala Shekh ayaa afgambiyey” Adiga maxay kuugu kala dhaamaan laba urur diimeed? hadday kan qoriga wata u qiiliyaan oo si qarsoon kula shaqeeyaan maba ku sii jirto, lacag iyo Lillaahi miday noqotaba, oo markaa waaba isku mide.

Ugu dambayn, sida xaal ku socdo aad ayey u xun tahay, xeeladi ma muuqato, xoogna haba sheegin, aan ka ahayn midka Xabashida, AMISOM iyadu albaabada ayeyba soo xiratay, malaha mushaar la’aanta laga sheegayo ayaa si weyn u saamaysay! Anagase sida wax yihiin dani nooguma jirtee, miyeysan habboonayn in xaalka wax laga badalo, oo loo tafa xayto sidii dalkan loogu adeegi ahaa si hufan oo nadiif ah.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s