Labada Been Masheegayaal ee Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha maxay ka kala aaminsan yihiin qaraxii Tiyaatarka…..

08.04.2012 – Dawlad kasta oo loo dhiso dalka Soomaaliya ayaa markasta u kala qaybsanta kooxo kala dano ah, kumana sii jirto marka ay soo dhowaato isbedel xaga dawladda ah, maadaama sida iska caadiga ah ay madaxweynaha , raisulwasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka uu mid kastaahi jecel yahay dawlada cusub oo la soo dhisayo inuu isagu madaxweyne ka noqdo.

Dawladaan Soomaaliya oo hadda ka kooban 3 kooxood oo ay labo si aad ah isu hayso ayna kala hogaaminayaan Madaxweyne Shariif iyo Raisulwasaare Cabdiweli, halka kooxda 3-aad oo ah kooxda ugu caqliga badan ay u sheegayso labada kooxoodba in ay iyaga la jiraan, waa kooxda Shariif Xasan.

Inkastoo kooxda shariif Xasan awoodeeda wiiqantay kadib Shirkii kampala iyo Baarlamaankii oo inta badan ka hor yimid samaystayna hogaan cusub oo sharcinimadiisa la isku qilaafsan yahay.

Been masheegayaasha Madaxweynaha maxay aaminsan yihiin:-
Kooxda madaxweynaha oo ka kooban wasiirka arimaha gudaha Abdisamad, Madaxa nabadsugida qaranka Mr Fiqi, Taliska Booliska, Gudoomiyaha Gobolka Mr tarsan, Afhayeenka Xukuumadda Mr Yariisoow, Maareeyaha dekeda Sayid Cali, Maareeyaha Ayraboorka, Gudoomiyaha Bank-ga waxay aaminsan tahay in qaraxaan ay masuuliyadeeda leedahay Xafiiska Raisul wasaaraha iyo Wasiirka warfaafinta, waxayna ku sababaynayaan,

  • 1- Dhamaan laamaha amniga laguma wargelin isu imaatinkaan.
  • 2- Ilaalada Raisulwasaaraha waxay la wareegeen amniga Tiyaatarka waxayna ka bixiyeeb Booliiskii ku sugnaa Tiyaatarka ka hor inta aanba dad gelin gudaha Tiyaatarka.
  • 3- Ciidanka Boolisku waxay gabadha is qarxisay ka celiyeen iridda Tiyaatarka 2 jeer balse waxay dib u soo gashay markii ay amniga la wareegeen Ilaalada Raisul wasaaraha.
  • 4- Gabadha is qarxisay waxay ka timid dibaddaha, waxey si fiican ugu hadlaysay afka Englisha, waxay la hadlaysay intii aysan gelin ka hor xubno ka tirsan Xafiiska Raisulwasaaraha oo ka yimid dibadaha.
  • 5- Waxaa gabadha geliyey gudaha gacan yareyaal ka tirsan xafiiska Raisul wasaaraha oo ay habeenadii qaraxa ka horeeyay ay la qayilaysay.

Been masheegayaasha Raisul wasaaraha maxay aaminsan yihiin:-
Kooxda Raisul wasaaraha oo ka kooban wasiirka Dastuurka Cabdirahmaan Xoosh, wasiirka qorsheynta Goodax, Wasiirka gaashaan dhiga carab Ciise, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Maaliyadda waxey aaminsan yihiin in masuuliyadda qaraxaan laga soo abaabulay Madaxtooyada Qaranka, gaar ahaan saraakiisha Aala Sheekh ee maamusha madaxtooyada, waxayna ku sababaynayaan.

  • 1- Madaxweyne Shariif ma imaan xaflada TV-ga Qaranka oo lagu casuumay, uuna agaasime ka yahay wiil madaxweynha Jufadiisa Agoonyar ah.
  • 2- Wasiirka Arimaha Gudaha Abdisamad ma imaan, mana aysan ahayn inuu ka maqnaado xafladaan, ogeysiisna cidna ugama baahna, maadaama uu masuul qaran yahay waa og yahay Aaasaaska TV-ga qaranka xaflada loo samaynayey, oo dhamaan ay raadiyayaasha baahinayeen.
  • 3- Agaasimaha Nabadsugida Mr Fiqi ma imaan xafladda sidoo kale, ma ahayn inuu sugo ogeysiin waxa ay ahayd inuu shaqadiisa qabsado. La ima ogeysiin ma noqoneyso marmarsiiyo.
  • 4- Gudoomiyaha Gobolka Mr tarsan ma imaanin xafladda, Mr tarsan oo la og yahay inuu ahaa qof jooga meel kasta oo dad isugu yimaado, ma ahayn inuu k maqnaado xaflad xamar ka dhaxaysay oo uu gudoomiye ka yahay, waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa u sheegay inuusan tegin xafladaa.
  • 5- Afhayeenka xukuumadda Eng yariisoow oo ah nin inta badan la socda raisul wasaaraha laakiin ka socda xafiiska madaxweynaha ma tegin xafladdaa, mana ka hari jirin Raisul wasaaraha, maadaama uu yahay ninka kaliya ee waxa ka socda xafiiska raisul wasaaraha geeya Madaxtooyada.

Isku soo wada duube kooxda raisul wasaaraha waxay aaminsan yihiin in qaraxaan ujeedkiisu ahaa in lagu qaarajiyo Rasul wasaare Cabdiweli maadaama ay dhamaan ka baaqsadeen xafladaan kooxdii madaxweynaha hogaamiyay.


3 Comments

  1. Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Qaraxii Tiyaatarka uu ku yimid khalad ka dhashay Qabanqaabadii Xaflada

    Axad, Abriil 08, 2012 (MMG) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo xalay koox suxufiyiin iyo fannaaniin ah kula hadlayay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho uu ku yimid khalad ka yimid wasaaradda warfaafinta.

    Sheekh Shariif ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka iyo madaxda dowladda aan la ogeyn abaabulka xafladda, taasna ay keentay in si fudud looga faa’iideysto oo laga geysto qarax khasaare badan dhaliyay.

    “Dhacdadii ka dhacday tiyaatarka waxaan aamisanahay inuu ka yimid qorshaha xafladda oo sidii loogu talogalay aan loo sameyn,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Isagoo hadalkiisa ku daray inay ahayd in laga fikiro inay dadku badbaadaan.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in isaga lagu casuumay munaasabadda balse uu u baaqday duruufo kale, isagoo xusay in wasiirka ay weydiisteen intii aan xafladda la qaban inuu keeno qorshaha si wax looga ogaado, balse aan loo keein.

    “Al-Qaacida maanta waxay isku dayaysaa inay wax walba adeegsadaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas hadalkiisa ku daray: “Infiitooyinka la bixiyay ma ahayn kuwo xadidan ama shaabad leh. Anigu waxaan arkay xildhibaan wuxuuna ii sheegay in 10-infiito la siiyay, marka haddii infiitooyin intaas le’eg la bixiyay sidee lagu sugayaa ammaanka dadka.”

    Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu jiro sharci dhigaya in markii xaflado la qabanayo lala socodsiiyo haya’daha dowladda, isagoo ku baaqay in xafladaha la qabanayo lala socodsiiyo hay’adaha ammaanka si looga hortago qaraxii dhacay oo kale.

    “Waxaan rajeynayaa Alle idankiis inaysan dhici doonin wixii hadda dhacay oo kale, waxaana hay’adaha dowladda laga doonayaa in xaflada ay qabanayaan ay ku wargeliyaan ha’yadaha amaanka, haddii ay ku wargelin waydo haya’da ayaa si toos ah u qaadanaysa mas’uuliyada,” ayuu si ay caro ku jirto uga sheegay kulanka.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhacdadii Tiyaatarka ay xusuusisay dhacadadii lagu dilay afarta wasiir ee ka dhacday 2009-kii hotel Shaamow, isagoo sheegay in taasina ay ku dhacday mas’uuliyad darro dhinaca ammaanka ah.

    Qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii xubnood ee ugu sarreeyay hay’adda ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen xildhibaano kuwaasoo uu ka mid ahaa xildhibaan Mowliid Macaani oo saakay ku dhintay magaalada Nairobi.

  2. Topnews:- Xulufadda Madaxweyne Shariif oo lagu cadeeyay inay la socdeen qaraxii Tiyaatarka !

    08 April 2012 -Wasiirka Caafimaadka Dowladda Somalia Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf Direed ayaa markii ugu horeeysay qaraabadiisa u sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Samad Macalin Mohamud ka celiyay Jidka xilli uu ku socday inuu ka qeybgalo Xafladii Tiyaatarka Qaranka ee loogu dabaaldegayay sanadguuradii Telefishinka Qaranka Somalia.

    “Anigoo gaariga saaran oo ku socda Tiyaatarka ayuu Wasiirka Daakhiliga I soo wacay,wuxuu igu yiri,Abti xagee joogtaa,waxaan ku iri xafladda Tiyaatarka ayaan u socdaa,wuxuu igu yiri,abtiyoow meelahaas oo kale waa halis ee fadlan ka joog,anigana sidii ayaan uga laabtay”ayuu yiri Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf.

    Wasiir Cabdi Samad Macalin Mohamud waxaa dhalay Gabadh la dhalatay Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf Direed sidaas ayuu ugu yahay abti runa.

    Afhayeenka Xukumadda Somalia Cabdi Raxmaan Yariisow oo dal iyo dibad meelkasta la taga Ra’isulwasare Gaas ayaa mar uu ku socday Xafladda waxaa la sheegay inuu Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mohamud Tarsan ku yiri “ Ii imoow iska dhaaf xafladaase”

    Duqa Muqdisho Mohamud Tarsan ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa ninka maleegay qaraxyada waloow ay xusid mudan tahay in Haweeneeyda qaraxa fulisay oo lagu magacaabo Xaliimo Muuse u dhalatay beesha RATI ABGAAL gaar ahaan Ciise Rati.

    Madaxweyne Shariif wuxuu maalin walba ka qeybgalaa Muqdisho xaflado ka amaan xun xafladii tiyaatarka sida banaanbaxyada uu kala qeybgalo shacabka Degmooyinka iyo dhaqdhaqaaqyadiisa ay isaga iyo TARSAN ugu magacdareen isdhexgalka bulshada sidaas darteed waxay isweydiintu tahay maxaa loo waayay maalin la qarxiyo isaga?

    Taliyaha Nabadsugida Somalia Ahmed Macalin Faqi oo la waydiiyay qaraxa Tiyaatarka wuxuu ku jawaabay”anaga nalama soo wargelin,kamana warqabin inay xaflad ka dhaceyso Tiyaatarka”

    Hadalka Ahmed Macalin Faqi wuxuu ka turjumayaa micno weyn maxaa yeelay Hay’ada Nabadsugida shaqadeeda ayey tahay inay ka warqabto guud ahaan wixii ka dhacaya Dalka Somalia ,iyadoo dhinaca kalena sharciga uu yahay inay Saraakiil ku leedahay Xafiiska Ra’isulwasaare Gaas.

    Hadii Nabadsugida Saraakiil ku laheyn Xafiiska Ra’isulwasaraha ,yaa amaankiisa xil ka saaran yahay?,yaa siiya Information-ka dalka? muxuu ka yahay Ra’isulwasaare hadii aysan amaankiisa ka warqabin Nabadsugida?

    Ma tahay Hadal la qaadan karo in Agaasimaha Nabadsugida yiraa,kama warqabno dhaqdhaqaaqa Ra’isulwasaaraha? Mise Agaasimaha Nabadsugida ayaan aqoon u laheyn shaqada loo igmaday?

    Runtu waxay tahay in Madaxweyne Shariif ka carooday safaradii uu Cabdi Wali Gaas ku tegay dalalka Yurub iyo sidii looga soo dhaweeyay,waxaa kale oo taas hareer yaalo inuu Ra’isulwasaaraha yahay Musharax u taagan Madaxweynenimada Somalia taas oo ka dhigan carada Shariif Sheekh Ahmed .

    Hadalka Cabdi Casiis Sheekh Yusuf ku cadeeyay inuu Wasiirka arrimaha gudaha uga digay tegista xafladaas,maqnaanshaha dhamaan xulufadda Madaxweyne Shariif ee Aala Sheekh, marka lagu daro baaqashada Mohamud Tarsan iyo maaweelintiisa Cabdi Raxmaan Yariisow waxay marqaati kaceeysaa in Madaxtooyada laga ogaa qaraxa lagu hoobtay ee Ra’isulwasaare Gaas ka badbaaday laakiin falka nuucaasa waa hubaal inaan mansab iyo guul siyaasadeed lagu heli Karin.

  3. 05 April 2012 Waagacusub.com-Ra’isulwasaare Somalia ayaa ka badbaaday qarax la xaqiijiyay in laga abaabulay xafiiska Madaxweyne Shariif kaas oo la doonayay in lagu khaarijiyo Cabdi Wali Gaas.

    Saraakiisha Nabadsugida Dowladda Somalia ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Tiyaatarka Qaranka uu ahaa mid laga abaabulay Xafiiska Madaxweyne Shariif ,lana doonayay in lagu khaarijiyo Cabdi Wali Gaas.

    “Madaxweyne Shariif oo balantu ahayd inuu xaflada ka qeybgalo ma imaan Xafladda sidoo kalena ninka hoowsha loo xilsaaray ee Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mohamud Tarsan ma imaanin ,iyadoo la og yahay Tarsan inuusan waligii Xaflad ka maqnaan,dhamaan Saraakiishii Xafiiska Madaxweynaha qofna kama imaan,gabadha isqarxisay iyaduna waxay ka shaqeeyneysay Xafiiska Shariif Ahmed sidaas darteed waxay baaristeena muujineysaa in ismiidaamintu ahayd mid Shariifka doonayay inuu ku khaarijiyo Cabdi Wali Gaas oo loolan adag uu kala dhaxeeyo” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Nabadsugida Somalia oo lagu magacaabo Cali Abdi,
    Inkastoo Qaraxa ka dhacay tiyaatarka Muqdisho ay ku dhinteen Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Sports-ka Somalia sida Adan Yabarow Wiish iyo Saciid Mugaambe hadana wuxuu ahaa mid lagu beegay xilli uu Khudbad u istaagay Ra’isulwasare Gaas .
    Qaraxa lagu hoobtay waxaa ku dhaawacmay toban Wariye oo ay ka mid yihiin Mohamed Nuur Shariifka Bar Kulan,Mulki Xasan Xeeyle Royal Tv ,Xamdi Xiis Somali Channel,Kaahiye Radio Kulmiye,Layla Somali National Tv,Ayaan Cabdulle Guure S24TV iyo Shuriyaako oo ka tirsan Shabelle,wararna sheegayaan inuu dhaawaca u geeriyooday goor dhaweeyd.
    Muqdisho waxaa todobaadyadii tegay ka socday xifaaltan u dhaxeeya Shariif Ahmed iyo Cabdi Wali Gaas ,iyadoo xaaladooda cirka isku shareertay markii Madaxweyne Shariif la taliye ka dhigtay Jabril Cabdulle Ibrahim oo ah Agaasimaha Hay’ada CRD.
    Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasare Gaas ayaa Waagacusub u sheegay in qaraxa laga soo abaabulay Xafiiska Madaxweyne Shariif ka wada shaqeeyeen Mohamud Tarsan,Jabriil Cabdulle CRD iyo Madaxweyne Shariif.
    Qaraxii Madaxtooyadda ee Ra’isulwasare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ka badbaaday,kii lagu khaarijiyay Ibrahim Cadow iyo Cabdullahi Waayeel,marka lagu daro kan cusub ee maanta waxaa hubaala in Saraakiisha Al-Shabaab ugu sareeysa ay ka hoowlgalaan Xafiiska Madaxweyne Shariif.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s