Madaxweyane Shariif oo Suxufiyeenta Muqdisho qaarkood Casho ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada. (Daawo sawirada)

8-April-2012-(MMG) Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa casho sharaf u sameeyay Suxufiyiinta Muqdisho qeyb ka mid ah, iyadoo xafladaasi uu joogay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Wasiirudowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Mudane Maxamed Cabdi Kaamil,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/risaaq Cali Yuusuf(Bahlaawi), Wariyeyaal ka kala socday Warbaahinta Qaranka iyo kuwa Madaxa banaan.

Cashadaasi kadib waxaa halkaasi ka bilowday khudbado ayadoo khudbadii ugu horeysayna uu jeediyey Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane C/raxmaan Xasan Jimcaale oo isagu ugu horeyn Madaxweynaha uga mahad celiyey marti qaadka uu wariyeyaasha u fidiyey waxaana uu markaa kadib ka faalooday marxaladaha ay xiligan ku shaqeeyaan saxafiyiinta ka howlgasha Muqdisho iyo sidoo kale marxaladihii uusoo maray Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Wariye Cali Muuse Cabdi oo isagu ah saxafi rug cadaa ah in muddo ahna ku soo dhexjiray saxaafadda islamarkaana ka howlgalla wakaalada wararka AFP iyo Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo isaguna ah agaasimaha Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho oo labaduba u hadlayey wariyeyaasha ayaa mahad celin kadib waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka codsadeen in Dowladdu muhiimad gaar ah siiso xiligan ammaanka saxafiyiinta ayadoo Abwaan Guurena uu madasha kasoo jeediyey gabay uu Madaxda Dowladda ku weydiinayey mas’uuliyadda dhacdadii dhowaan ka dhacday tiyaatarka Qaranka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isna kulanka Khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay saxafiyiinta iyo fanaaniinta xiligan ku sugan Caasimadda sida ay ugu dhabar adeegeen iney bulshadooda u shaqeeyaan waxaana uu dhanka kale xusay inay jiraan dhaliillo ay saxafiyiinta qaarkood leeyihiin.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Mudane Maxamed Cabdi Kaamil oo isna khudbad ka jeediyey madasha ayaa ku dheeraaday xiligan daruufaha kala duwan ee ay saxafiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan waxaana uu Madaxweynuhu ka codsaday in gargaar caafimaad oo dalka dibadiisa loo fidiyo saxafiyiin iyo fanaaniin ku dhaawacmay qaraxii dhowaan ka dhacay tiyaatarka Qaranka.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya ayaa sheegay in Suxufiyiinta ka howlagala Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa ku shaqeeya xaalad adag, islamarkaana u dhabar adaygay sidii dalka uu u gaari lahaa horumar iyo Barwaaqo.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa sheegay in aan la dafiri karin kaalinta Suxufiyiinta ay ka qaateen sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabadda.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale sheegay in Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay u yaalaan kiisas badan oo ah dilal loo geystay Suxufiyiinta ka holwgala magaalada Muqdisho, islamarkaana ay socdaan baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii ka dambeeyay.

Madaxweynaha ayaa u sheegay saxafiyiinta inay ka shaqeeyaan sidii dalka Soomaaliya Nabad buuxa loogu soo dabaali lahaa, isagoo ku booriyay suxufiyiinta inay ka shaqeeyaan wax khayr ah oo aysan ka shaqeyn wx dhibaato u keenaya ummadda Soomaaliyeed.


















Dhageyso Madaxweyne Shariif oo qaraxii Tiyaatarka dusha

ka saaray Wasiir Jaahweyn si loo maxkamadeeyo?

hadana wuxuu qirtay inuu ogaa qaraxa 09.04.12 Riix

Moment Media Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s