Madaxweyne Shariif oo masuuliyada qaraxii tiyaatarka dusha ka saaray wasaarada warfaafinta ee xukuumada KMG Somalia

08.04.2012 – Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in dayacaad badan oo dhinaca amaanka ah ay ka jirtay tiyaatarka magaalada Muqdisho taasoo keentay ayuu yiri inuu gudaha xaruntaas ka dhaco qaraxii ismiidaaminta ahaa halkaas ka dhacay oo qasaare badan dhaliyey.

Madaxweynaha ayaa ku daray in wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia oo soo abaabushay xaflada tiyaarka ka dhaceysay ay leedahaay masuuliyaad qaraxa halkaas ka dhacay, isagoo xusay ineysan ku soo wargelinin xafladooda heyadaha amaanka Qaranka sida nabad sugida taasoo keentay ayuu yiri in qofkii qaraxaasi fuliyey uu si fudud ku galo munaasabada ka socotay tiyaatarka iskuna qarxiyo raisul wasaaraha hortiisa.

“Qaladka kale ee halkaas ka dhacay waxaa uu ahaa waraaqaha casuumada dadka ka qeyb galay munaasabadaas oo si qaldan loo bixiyey lana siiyey qaarkood dad aan la aqoon taasoo keentay in qofkii isqarxinayey uu halkaas ku soo galo mid ka mid ah waraqaahaas oo uu si fudud ku helay” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Shariif sheikh Axmed Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Somalia ayaa hadalkan ka sheegay xaflad casho sharaf ah oo uu xalay xarunta madaxtooyada Somalia ugu qabtay qaar ka mid ah warbahinta Muqdisho, waxaana uu dhamaan qeybaha kala duwan ee dowlada ugu baaqay in haddii ay doonayaa in ay qabtaan xaflado ama munaasabado ay isugu imaanayaaan madax dowladeed iyo shacab ay ku soo war geliyaan ciidamada AMISOM iyo hay’adaha amniga DKMG Somalia si amaankooda loo xaqiijiyo.

Qaraxii doraad ka dhacay gudaha tiyaatarka Muqdisho xili ay halkaas ka socotay xaflad lagu maamuusayey sanadguuradii 1aad ee aasaaska Tv-ga Qaranka oo raisul wasaare Gaas iyo masuuliyiin kale ay ka qeyb galayeen ayaa waxaa ku dhintay lix ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen masuuliyiintii ugu sareysay isboortiga dalka, ayna ku jireen xildhibaan iyo sarkaal ka tirsan xafiiska RW Somalia oo xalay Nairobi ku geeriyooday, halka ay ku dhaawacmeen 40 ruux oo isugu jira xildhibaano, fanaaniin, weriyeyaal, wasiir ka tirsan DKMG ah iyo dad shacab ah, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s