Xildhibaan Mowliid Macaani iyo mid ka mid ah la taliyeyaasha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi

Axad, Abriil 08, 2012 (MMG) — Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxii Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ugu geeriyooday saakay oo Axad ah isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale, waxaa xalay ku geeriyooday isla isbitaalka Aga Khan Faysal Xaaji Cilmi oo ka mid ahaa la taliyeyaha dhinaca isku xirka bulshada ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada halista ah kasoo gaareen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Tiyaartarka.

“Dhaqtarkii la tacaalayay daweynta dhaawaca xildhibaan Mowliid Macaani ayaa ii sheegay inuu saakay 5:30 aroornimo geeriyooday,” ayay tiri wasiirrada haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah, Maryan Aweys oo saxaafadda u xaqiijisay geerida mudanaha.

Xildhibaan Mowliid ayaa la sheegay inuu dhaawac culus ka gaaray maxkamadda iyadoo lagu waday in maanta qalliin looga sameeyo maskaxda sida uu dhaqtarkii daweynayay u sheegay wasiirka haweenka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Faysal Xaaji isagoo sheegay inuu ahaa qof karti badan ayna isku deegaan ku dhasheen.

“Faysal Xaaji waxuu ahaa shaqsi karti badan oo si hagar la’aan ah u gudanayay waajibaadkiisa Qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo intaas ku daray in Faysal iyo qoyskiisa ay isku meel kusoo koreen uuna aqoon wanaagsan lahaa.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu Alle uga baryay inuu jannadiisa geliyo, iyadoo Faysal uu ifka uga tagay saddex caruur ah iyo hooydadood. Waxaana sidoo kale noo suurogelin inaan helno caruurta iyo xaasaska uu ka tagay xildhibaan Mowliid.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s