Yaa Iska Leh Mas’uuliyada Qaraxii Tiyaatarka??

April 7, 2012 – Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku sugan xaalad murugo iyo cabsi badan leh, kadib qaraxii dhowr bari ka hor ka dhacey xarunta masraxa qaranka kadib in kayar laba todobaad furitaankiisa oo dhaliyey buuq badan, waxaase ugu yaab badan markii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Hogaanada Nabadsugida iyo Boliiska Gobolka Benadir ay wada sheegeen inaan lagu soo wargelin dhicitaanka Xafladaan oo muddo todobaadyo ah xaseysiis lagu faafinaayay TV-da dowlada KMG ah ee Muqdisho & Nairobi.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay in qaraxaan ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha Dowlada KMG ah, iyadoo sidoo kale la tilmaamay in ilaalada Goobtaasi ay sugaayeen ciimadada xoogga dalka oo aan horey looga baran iney xafladahaas ilaaliyaan. Su’aashuse waxey tahay. Yaa iska leh Mas’uuliyada qaraxaasi? Ma Kooxda soo abaabushay? mise kuwa maalgeliyay? Runtii waxaa aan shaki ku jirin in xafladaasi ay soo qabanqaabiyeen Wasaarada Warfaafinta qeybta Talafishenka Hey’ada Theatere-ka iyo Hey’ad NGO ah (CRD) oo la sheegay iney si dadban u maamusho Golaha Murtida, kuwaasoo la sheegay iney dhegaha ka fureysteen in xoojin amaanka goobtaasi ay sameyn ku yeeshaan Saraakiisha Nabadsugida & kuwa Boliiska.

Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ahaa martiga ugu caansanaa ku dhowaad 300 qof ee halkaasi joogay, kuwaasi oo lagu casumey dabaaldega sanadguurada koowaad ee kasoo wareegtey markii dib loo hawlgaliyey telefishinka Qaranka Somalia.

Sida lagu sheegey warbixin ay soo daacabdey BBC-da waxay ahayd tani caqabad kale oo la soo gudboonaatey dadalada nabadeed ee Somalia. Fowdo iyo nidaam daro ayaa ka jirtey masraxa kadib qaraxa, kuraas jajaban ayaa meel kasta daadsaneyd.

BBC-du waxay raacisey in qaabka dadka dhaawaca loo daabulayey uu xitaa ahayn mid saxan, suxufufiyiinta qaar waxay sheegeen inay kuraasta iyagu hagaajisteen lagu qaadey isbitalka.

Boliska ayaa sheegey inay baaritaano horey ka sameeyeen ku ogaadeen in haweeney ay ka dambeysey qaraxa, balse kooxda shabaabka ayaa sheegtey inay ku beertey qaraxa masraxa ka hor munaasabada oo telefishinka laga shaaciyey habeenimadii Salaasada, inkastoo dhulka aan lagu arkin meel ay miinadu qoday warka ay sheegteena shaki gelinaaya.

Goob jooge ku sugnaa xafladaasi ayaa sheegay in dadka la martiqaaday si adag loo baaray dhamaan martida markii ay soo galayeen goobtaasi, iyadoo shaki laga qabo qaabka sahlan ee ay gabadhaasi ku soo gashay Xaruntaasi, sidoo kale la fadhiisiyay meel aan ka fogeyn kuraasta Wasiirka 1-aad ee Dowlada KMG ah, taasoo muujineysa inay hawshani tahay mid laga soo abaabuley gudaha.

Ugu dambeyntii, waxaa dad badani ay is weydiinayaan. Maxaa loo faafinayaa warka munaasabada hadii xukuumadu aysan awood u lahayn inay sugto amaankeeda ka sokow xitaa raysal wasaaraheeda gaarka ah, maxaase Xukuumada u diiday iney banaanbax looga soo horjeeda Wakiilka UN-ka loo diiday in la dhigo iyadoo marmarsiinyo looga dhigaayo iney dhibaato ka dhici karto banaanbaxaasi oo ay ku soo gabadaan kooxda Al-Shabab.

1 Comment

  1. Madaxweynaha Dowladda KMG ah oo Eeda khaladka ugu badan ee keenay qaraxii Tiyaatarka Qaranka dusha ka saaray wasaarada warfaafinta.

    Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay markii ugu horeysay sababta dhalisay qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweyne Shariif sheegay in isaga xitaa lagu casuumay, balse uu uga cudur daartay arrimo farsamo dartood.

    Waxa uu sheegay Madaxweynaha Dowladda KMG ah in Wasaaradda Warfaafinta ay leedahay khaladka ugu badan ee keenay qaraxii Tiyaatarka Qaranka oo uu sheegay in habka loo agaasimay uu ahaa mid gebi ahaanba khaldan oo aan la eegin dhinaca ammaanka madaxda ka soo qeyb galeysa munaasabaddii halkaasi ka dhaceysay.

    “Khalad ka yimid Wasaaradda Warfaafinta ayaa sababay qaraxii Tiyaatarka” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in inta aan xafladda la qaban uu weydiiyay Wasiirka Warfaafinta inuu keeno qorshaha munaasabadda, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday jawaabtii ka timid Wasiirka Warfaafinta.

    Madaxweyne Shariif waxaa kale oo uu sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dhammaanba hay’adaha amniga aanay waxba kala socon xafladaasi, taasi oo keentay dayac ka yimid dhinaca ammaanka ah, wuxuuna caddeeyay in sidaasi uu ku dhacay qarax is miidaamin halka ay madaxda Dowladda fadhiday.

    “Xildhibaan aan la kulmay wuxuu ii sheegay in keligii la siiyay Toban INviito, taasi oo keentay in dadka munaasabadaasi ka casuunaa ay faraha ka bataan” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay dhinaca kale in kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay isku dayayaan inay adeegsadaan wax kasta oo nabadgelyada khalkhal gelin kara.

    Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Dowladda KMG ah xukuumadiisa sida ay uga hortageyso falalka noocaan ah ayuu sheegay inay ka hortageyso wax kasta oo xasiloonida dhaawacaya, isla markaana magaalada Muqdisho gaar ahaan ay u sameyn doonaan qorsheyaal lagu adkeynayo nabadgelyada.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s