“ Dowlada KMG hadii aysan sugi Karin amaanka shacabka Soomaaliyeed sida dilalka iyo Qaraxyada lama oran karo Dowlad…

09.04.2012 – Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wali dhagahooda ka Guuxaya Qarxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo ay ku dhinteen hormuudkii Sportiga Soomaaliyeed.

Qaraxaas ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo ay isku jeedinayaan Dowlada KMG laga soo bilaabo Xafiiska Madaxweynaha ilaa Wasaaradaha amniga Dowlada KMG.

Cabdi faarax Cabdi Jabuuti oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowlada KMG aysan waxba dhaamin shacabka Soomaaliyeed ee dulman, oo uu ku macneeyay in aysan damaanad qaadi Karin amaanka shacabka Soomaaliyeed.

“ Dowlada KMG hay’adaheeda amaanka hadaysan amaanka shacabka Soomaaliyeed ka celin Karin ama aysan xaqiijin Karin in meesha laga saaro Qaraxyada iyo dilalka, marka lama dhihi karo dowlada KMG, waxaa la Oraan karaa Dowlad shacab ah oo dadka la mid ah”ayuu yiri Cabdi faarax cabdi jabuuti.

Sidoo kale cabdi Jabuuti ayaa ku tilamaamay qorshaha ay Ciidamada amisom iskugu balaarinayaan Gobolada Soomaaliya, mid ay dhibaato kala kulmi karaan.

Siyaasigani ayaa waxa uu ugu baaqay Dowlada KMG in ay sugaan amaanka shacabka iyo goobaha la iskugi yimaado, asaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in hay’adaha ugu sareeyo amaanka meel ay joogaan in qof isi soo miidaamiyay isku Qarxiyo, waxa uuna sheegay in arintaas ay muujinayso mas’uuliyad daro ka timid hay’adaha amaanka.

Cabdi faarax ayaa sheegay in arintaan ay keentay ayada oo Ciidamada Dowlada KMG aysan qaadan mushaar, taasi oo u sahashay Haweeneyda is Qarxisay in ay lacag laaluush ah siiso Ciidamadii halkaas joogay, oo aan la baarin.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s