Jaamac Cali Kulmiye “Shabaabku yey beegsadaan.? waxey beegsadaan Hawiyaha keliya, cid kale ma beegsadaan, waxeyna la dageen dadkii ugu cuslaa”

J09.04.2012 – Jaamac Cali Kulmiye oo ka mid ah siyaasiyiinta qurba-joogta ee ku dhaqan Kenya ayaa cambaareeyey qaraxyada & dilalka ay sheegtaan Xarakada Alshabaab, wuxuuna xusay in qaarajintaasi ay ku dhacaan mar walba waxgaradka & dadka rayidka ah ee ka soo jeeda beesha Hawiye, wuxuuna is weydiiyey sababta ay Alshabaab gumaadka uga geysanayaan deegaanada beelaha Hawiye keliya, oo aaney ugu dhicin in ay xasarado ka fuliyaan gobolada kale ee Soomaaliya sida Puntland & Somaliland wuxuuna intaa ku daray in Alshabaab ujeedadoodu tahay mid lagu dabar goynayo maskaxada & rayidka beelaha Hawiye, sida keliya ee arrintaasi xalkeeda lagu gaari karo-na ay tahay in si mideysan looga wada hortago masiibadaasi.

‘Qaraxyadii & munaasabadihii la isku qarxiyey laga soo billaabo qaraxii B/weyne ee ay ku dhinteen siyaasiyiintii & dhaqankii reer B/weyne ilaa qaraxii tiyaatarka oo u dhexeysay ilaa 10 qarax dadka ku dhimanayey waxey ahaayeen dadkii xulka ahaa ee bulshadda Hawiye wax ku soo kordhin lahaa, maxey waxgaradka Hawiye uga hor tagi la’yihiin masiibadan iyaga oo isku duuban” ayuu yiri Jaamac Cali, wuxuuna intaa ku daray in dadka madaxda u ah Alshabaab in ay yihiin Godane & Shongole oo qandaraas ku soo qaatay dhibaateynta bulshaddan ku dhaqan K/Soomaaliya.

“Dadka hogaanka dalka sheeganaya waxaa nasiib darro ah in shirqoolo dhexdooda ah ay mar walba ay ummadda ku qaarajiyaan oo ummaddii ay mas’uuliyadooda sheeganayeena maalin walba dhiigooda manco darro loo daadinayo, haddii aad mas’uuliyad Soomaaliyeed sheegato waa in aad u dareentaa qof kasta oo Soomaali ah geeridiisa sidii aad u dareemi laheyd geeri ku timaada caruurtooda” ayuu yiri Jaamac, wuxuuna intaa ku daray in R/wasaaraha xukuumadda markii uu dhacay qaraxii tiyaatarka hadalkii ugu horreeyey ee ka soo baxay uu noqday ANIGA WAAN BADBAADAY.

“Adiga haddii aad badbaaday oo qof kale oo Soomaaliyeed uu meesha ku dhintay, maxey tahay fadliga & derajada aad qofkaas dheertahay, C/weli markii uu qaraxu dhacay wuxuu yiri aniga waan badbaaday, hadalkaasi wuxuu ku tusinayaa in Soomaalinimadu naxuus nagu tahay.?

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s