C/qadir Jaahweyn Oo U Jawaabay Madaxweyne Sh. Shariif.

Qilaafaadka iyo shakiga hareeyay dowladda KMG, ayaa gaaray heer ay madaxda dowladdu iskugu jawaabaan warbaahinta, iyadoo ay muuqato inay ku heshiin waayeen wadahadaladii hoose ee u socday tan iyo markii uu dhacay qaraxii Tiyaatarka. Shalay ayay aheyd markii madaxweyne Sh. Shariif uu warbaahinta usoo mariyay wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn inuu isagu ka mas’uul yahay qaraxii Tiyaatarka, maadaama uusan soo ogaysiin xafladaas ciidamada booliiska, nabad sugidda iyo milatariga. “nin reer Mudug ahaa yiri hada ka hor hadaan hadalnana waa af-salax ku dhag, haddii aan aamusnana ariga leynta laga deyn maayo” ayuu raaciyay madaxweynuhu, isagoo ku halqabsaday maahmaahdii shirkaga aheyd.

Dhankiisa wasiirka warfaahinta C/qaadir Jaahweyn oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay inaysan si toosa iyo si dadbanba mas’uul ka aheyn wasaaradiisu qaraxii dhacay. Wasiirka oo ka jawaabaya hadalkii madaxweyne Shariif ayaa yiri “wargalinta xafladaan mudo laba  todobaad ah ayaan ka wadnay warbaahinta oo dhan sida raadiyaha, TV-ga, iyo bogga wasaarada, dowladda oo dhana way la socotay waqtiga xafladaas, madaxweynuhuna waa la socday, mana jirto cid nalooga baahnaa inaan si gaara ugu wargalino”

Si kasta ha ahaatee, warsidaha wadanka.com wuxu ogaaday in shaqadii laga joojiyay agaasimaha wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yusuf Bahlaawi, oo ahaa ninkii qeybiyay warqadaha casuumada ee lagu soo galay xafladaas, mana aysan jirin wax tixraac ah oo laga qoray dadka loo qeybiyay warqadahaas. Madaxweyne Shariif ayaa warkiisii shalay ku sheegay in hal xildhibaan loo geeyay 10 casumaad oo la yiri qofkaad rabo gaarsii.

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa lagu eedeeyay inuu ka hor dhacay baaritaankii lagu hayay cidda ka dambeysay qaraxaas, maadaama uu si toos ah warbaahinta ugu soo bandhigay go’aankiisa ah cidda ka dambeysay qaraxaas oo uu dusha ka saaray wasaarada warfaafinta.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s