Kala Shakiga Dowladda Oo Sii Kordhay: Tarsan Vs Gaas.

06 April, 2012 – Waxaa sii kordhaya qilaafaadka iyo kala shakiga soo dhexgalay madaxda dowladda Somaliya, kadib qaraxii lala beegsaday Ra’isal Wasaare Gaas maalintii Arbacada. Ra’isal Wasaaraha ayaa magacaabay gudi u badan wasiiradii ka badbaaday qaraxaas oo soo baaraya cidda ka dambeysay qaraxaas. Marka la leeyahay “cidda ka dambeysay” waxa iska cad in loola jeedo dowladda dhexdeeda, waayo ma aha qaraxii ugu horeeyay ee Al-Shabaab ay sameeyaan, mana jirto gudi loo saaray hada ka hor inay soo baaraan qaraxyada Al-Shabaab.

Warar ku dhow xafiiska Ra’isal Wasaaraha ayaa laga soo xigtay in Ra’isal Wasaare Gaas uu qabo dareen aad u weyn, wuxuna tusaale usoo qaatay mudane Gaas, in ninkii ku casumay kulankaas uusan imaan isagu. Ra’isal Wasaaraha oo u waramay dad ku dhow ayaa sheegay in isagoo u socda xarunta Xalane uu u yimid gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’d Nuur Tarsan, uuna u sheegay in xaflad weyn ay ka dhacayso xarunta Tiyaatarka, ayna raadinayaan isaga wasiiro uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn. Intaas kadib waxa telefon ku wada hadlay mudaneyaasha kala ah C/wali Gaas iyo C/qadir Jaahweyn, oo u sheegay Ra’isal Wasaaraha in isaga kaliya loo xayiran yahay oo aan laga maarmeyn inuu yimaado. Ra’isal Wasaaraha ayaa markaas go’aansaday inuu baajiyo booqashadii Xalane wuxuna soo aaday xarunta Tiyaatarka oo ay mar hore sii fariisteen martadii lagu casumay. Ciidankii Ra’isal Wasaaraha ayaa banaanka ilaalo ka galay iyagoo aan hubin dadka goobta horay usii fariistay iyo sida loo baaray.

Qaar ka mid ah gudoomiyayasha degmooyinka gobolka Banaadir oo qibrad sare u leh qaraxyada, maadaama looga dilay tiro badan, ayaa talo kusoo jeediyay in marka hore banaanka loosoo saaro dadka goobta fadhiya oo dhan, kadibna la baaro goobta iyo dadkaba, laakiin waa lagu talo diiday. Lama oga natiijada kasoo bixi doonta baaritaankan, oo wasiirada wada qaarkood ay la wareersan yihiin dhawaqii qaraxa, qaarkoodna lagu sheegay inay jahawareersan yihiin.

Madaxda ka baaqsatay kulankan oo hada fartu ay ku godan tahay ayaa waxa ka mid ah madaxweyne Sh. Shariif, gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Nuur Tarsan. Waxyaabaha kale ee shakiga soo kordhiyay ayaa waxa ka mid ah in dhamaan madaxdii booliska gobolka Banaadir ay sheegeen inaan lagu soo wargalin xafladaas, qaarkoodna ay isku mar maqleen qaraxa iyo xafladda.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s