Madaxda DFKMG Soomaaliya waa lagama maarmaan iney Iscasilaan

Muqdisho10 April-2012 (MMG) – Guddiga Baarlamaaniga ah ee Caddaaladaa ayaa maanta madaxda DFKMG Soomaaliya ugu baaqay in todobaad gudihiis kusoo saaraan cidii ka dambeysay qaraxii todobaadkii hore lagu qaaday xarunta murtida iyo madadaalada oo ay ka socotay munaasabad u joogay RW Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kamida golihiisa wasiirada.

Xidlhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan guddiga caadaaladda ee Barlamaanka oo ka hadlayay gollaha Baraalmanaaka DFKMG Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda DFKMG Soomaaliya looga baahan yahay iney caddaalada horkeento ciddii ka dambeysay qarixii lagu qaaday Tiyaatarka kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badnaa ilaa iyo 7 ruux oo ay kamida ahaayeen Xildhibaano iyo saraakiil Isboortis.

Salaad Cali Jeelle waxa uu tilmaamay  in hadii madaxda DKMG Soomaaliya ay horkeenaan sharciga dadkii ku lugta lahaa qarxaasi oo ay ku baxeen Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud,  iyo labadii xubnood ee ugu sareysay isboortiga Soomaaliya oo kala ahaa Wiish iyo Saciid Mugaambe balse xildhibaanku waxa uu ka digay haddii taasi dhici waysana iney lagama maarmaan tahay iney is casilaan.

“Muqdisho haatan kama jirto wax nabad ah” sidaas waxaa yiri Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu sheegay in todobaadkaani gudahiisa looga baahan yahay Madaxda DKMG inay kala cadeeyaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxaasi oo haatan Isbitaallada Muqdisho ay la jiifaan Saxafiyin dhowr ah oo wax ku noqday qaraxaasi.

Todobaadkii hore daba yaaqadiisa ayay ahayd markii qaraxa abuuray shaki badan lagu qaaday xarunta tiyaatarka Muqdisho, inakstoo masuuliyadda qaraxaasi ay sheegteen kooxda Al-shabaab ee la dagaalanta DFKMG Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s