Maxaa Ka Jira In Was. Warfaafinta & maamulka Theater-ka Xilkoodu Gebi Ka Laalaado?

09 April,2012(MMG)-Waxaa marba marka ka sii dambeysay cirka isku sii shareereya xiisadda ka dhex oogan Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo gashaanbuur la ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Taliyayaasha Ciidamada Boliiska & Nabadsugida iyo garabka kale ee uu hogaamiyo Ra’isal Wasaare Gaas. Garabka Mad. Sh. Shariif ayaa ku eedeeyay wasiirka warfaafinta iyo maamulka Tiyaatarka qaraxii ka dhacay halkaas, kuwaasoo iska fogeeyay iney qaataan masuuliyada qaraxii ka dhacay National Theater-ka, waxaana kulan ka yeeshay arinkaas madaxweynaha & wasiirka 1aad ee Dowlada KMG ah.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney la xiriirto qaraxii ka dhacay qeybta maqaayada ee Theatar-ka ayaa waxay wali ka dhex taagan tahay Hey’adaha dowladda iyo kuwa amaanka, kadib markii shalay Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Maxamed Xuseen Jahweyn uu sheegay in Xaflada Tiyaatarka aanu wax Mas’uul ah ku laheyn, isla markaana ku wargeliyay Hey’adaha Ammaanka.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo ay ka mid ahaayeen Taliye kuxigeenka Booliska iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida ayaa warqad u qoray maamulka Radio Muqdisho waxeyna kaga codsadeen ama ku wargelinayeen Warbaahinta Dowladda sida Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka in aanay sii deyn karin hadalkii Wasiirka shalay jeediyay, taasoo durbaba keentay in Wasiirku uu ka caroodo talaabadaas.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wasiirka Warfaafintu uu ugu hanjabay Tifaftiraha Radio Muqdisho iyo Agaasimada inuu shaqada ka ruqseyn doono, hase ahaatee waxaa la sheegay in kulan ay wada qaateen Saraakiisha dowladda ee tagay Xarunta Wasaarada Warfaafinta iyo Wasiirka, kaasoo ahaa mid albaabada ay ugu xirneyd.

Hey’adaha Amniga ayaa ku andacoonaya in aanay jirin wargelin uga timid Wasiirka, iyagoo iska fogeynaya in arinta Tiyaatarka ka dhacday ku lug lahaanshaheeda xaga hey’adaha amniga, isla markaana wax wargelin ah lagu soo siin.

Wararka ayaa sheegaya in xalay Madaxtooyada uu ka dhacay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ku saabsanaa mustaqbalka Wasiirka Warfaafinta iyo sida Madaxda go’aan uga qaadan karaan, iyadoo loo badinaayo in Wasiirkaasi uu xilkiisa ku weyn doono qaraxaasi, sidoo kale Maamulka Theater-ka ayaa la sheegay iney fartu ku godan tahay oo wararka qaar ayaa sheegaya in lagu eedeeyay inuu Hey’ado NGO ah u gooni yeelay maamulka goobtaasi dhaqaalena ka qaatay, inkastoo laga war dhowrayo natiijada baaritaanada ka soo baxda gudiga loo saaray qaraxii Tiyaatarka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa shalay ku dooday in aysan jirin cid ka qarsooneyd Xaflada, isla markaana si dadban iyo si toos ah ugu wargeliyay Hey’adaha dowladda in xaflada ka dhici doonta Tiyaatarka, isla markaana ay isticmaaleen Idaacada, Telefishinka, Website-ka iyo jaraa’idka oo ku saabsanaa diyaar garowga Xaflada oo muddo bil socotay, inkastoo hadalka Jaahweyn loo fahmay inuu u xayaysiiyay xafladaas ururka Al-Shabaab oo markii ay ka dhageysteen warbaahinta u diyaar garoobay sidii ay u qarxin lahaayeen halkaas.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s