Soomaaliya iyo Dagaalladii Sokeeye.

Wednesday, April 11th, 2012 – Salaan ka dib, Akhristayaasha sharafta lahow waxaa iga xasuusin ah in maqaalkaani uusan marnab farta ku fiiqeyn qof gaar ah ayadoo laga yaabo markaan ka hadlo xaalado taariikhda soo maray qaarkoodna weli taaganyihiin, in shakhsiyaadka qaarkood ay u qaataan inaan ayaga u dan leeyahay. Balse taariikhdu waa dhacdo aan marnaba laga been sheegi Karin oon haba yaraate eexasho ku saleyseneyn. Siadey u dhacday Ayey Tahay.

 Wixii la doono ha lagu magacaabee, laga soo billaabo billowgii dagaallada sokeeye xaaladdu sidaan anigu u arko weli waa isku mid: Qabqable Dagaal, Wadaaddo hubeysan, Maamul Goboleedyo Qabiil ku saleysan, Baarlamaan Qabiil lagu soo xulay oon weliba lagala tashan dadka u dhashay qabiilkaas, Ajnabi “Islaamnimo” uga Jihaadaaya dalka dhexdiisa, Is Gaaleeysiin joogto ah dhinac walba, Warbaahinta oo la iskala hadlo ayadoo la heli karo in toos la isula xiriiro, Qancinta quwado shisheeye, Iftooyin dhinacba dhinaca kale ka soo saaray, Ethiopia oo loona kala tratamaayo la iskuna eedeynaayo, iwm, iwm ,iwm….

Maxaa Keenay Waxaas ?.

Waxaan xasuustaa xikmad laheyd “Haddii Taladu Marti U Noqoto Cid Aan Ehelkeeda Aheyn, Waxaa Waagu Baryaa Ayaydoo Hoosina Korreyso, Korina Hooseyso !. Waa Cajiib. Allah SWT ma simin ummaddiisa sida owsan u simin faraha gacmeheenna ku yaalla. Intaas ka dibna, dalkeenna waxaa ka dhacday in loo kala dheereeyay wax la qabsiga Gumestayaashii reer galbeedka ee qarnigii 19aad. Qabaa’ilada qaarkood ayaa waxey gacan-saar la yeesheen  lana shaqeeyeen amaba soo dhoweeyeen Gumeystihii ka jirey degaamadooda, taasina waxey keentay in  qaar ka mid ah ay fursad u helaan waxbarasho, tababarrro dhinaca maareynta ah iyo darajooyin ciidammada iyo maamulka guud ah. Intaas ka dib si aan sharciga Dalku u daba gelin, waxey Gumeystayaashu ku dadaaleen iney maamulka Dalka (xornimada ka dib) si weyn uga dhex muuqdaan. Arrintaasi Soomaaliya kaliya gaar kuma aheyne waxey ka dhacday meel kasta uu Gumeystuhu ka huleelayay gaar ahaan Qaaradda Afrika.

Xornimadii Ka Dib.

Waxaa Dowladnimadu gacanta u gashay xubno (qabiil kasta ha lahaadeene) uu Gumeystihii isku hubo inaan waxba loo raacan doonin xornimada ka dib. Waxaa la yiri “Gaal dil Gartiisana Siiye”, Xubnahaasi waxey sii amba qaadeen qaab-maamulkii iyo maareyntii reer galbeedka oo dalalkii xornimada qaatay waxaa weli ka sii muuqday dowladnimo tayo leh oo laga copy gareeyay qaabka is maamulka wanaagsan ee Dowldanimo. Xag hoggaamin,  Xisbiyo Mucaarad ah (kuwii gumeysigu u fududeeyay waxbarshada) iyo dhinac  Militari iyo Boliis (darajooyin hoose) iney sugaan ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bushaduba  waxey cayaareen doorkooda muhiimka u ah dalka cusub ee xorta ah. Qaabkaas waxaa laga dhaxlay in dadka qaarkiis ay isu qaataan iney yihiin muqaddasaat ama lama huraan dhinaca talada guud ahaaneed ee Dalka  ama tan gaar ahaaneed ee qabiiladooda hoos ahaaneed.

Afrika iyo Muddo Kooban Ka dib Gumestayaashii.

Waxaa soo baxday cilladdii Qeybi oo xukun, taasoo dhashay in Ciidammada dalal badan oo xornimada qaatay, aan haddana ku dhisneyn Qabiil isla markaasna wax kala socda arrimaha siyaasadda iyo maareynta dalalkoodu, ey billaabaan afgambiyo isku xig-xiga oo ka dhacay dalal badan oo Afrika ah lixdameeyadii iyo toddobaatameeyadii. Soomaaliya ka midbey aheyd oo waxaa xukunkii  afgembi militari kula wareegay Kacaankii (Towraddii) uu “hoggaaminayey” Alaha U Naxariistee  Sarreeye Gaas, Madaxweyne Jaalle Maxamed SIyaad Berre.

Kacaankaasi waxa uu ku dadaalay inuu wax ka beddelo qaabkii Gumeystuhu ugu talo galay hogaanka Dalka, walow uu Kacaanku ku qasbanaa inuu welii sii maaweeliyo wax badan oo laga dhaxlay Gumeystayaashii, sida: inow u magacaabo xilal sarsare kuwii fursadda u helay waxbarasho, maamul iyo maareeynba  muddadii  gumeysiga, sababtoo ah wuxu waa dal, dalna waxow u baahanyahay aqoonyahayn dhinaca maamulka iyo maareynta ah. Hadde waqtigaasna wey yareyd cid kale oo wax soo baratay kuwaas aan soo sheegay ma ahane.

Balse Kacaankii waxa uu ku dadaaley inow waxbarshadii ka dhig qasab iyo lacag la’aan, min dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed. Ma rabo inaan ku fogaado marxaladdaas, waayo waxey keeni kartaa caadifad aanan ku talo gelin.

Soomaaliya iyo Dagaalladii Sokeeye.

Waxaa dhacdey iney gacanta ku dhigaan hubkii ciidanka qaranka intiisa badan kuwii loogu talo galay iney ahaadaan maxeysatada ama afka qalaad lagu yiraahdo (proletariat). Kuwaani waxey ku jiraan qabiil kasta oo Soomaaliyeed, umana aabo yeelin maamulka hagaagsan, dowladnimo, kala dambeyn, is-maqal , Soomaalinnimo.  xornimo iyo xushmad toona. Waxey bililiqeysteen hanti guud iyo tu gaar ahaaned intaba. Ma aqoonninis- maamulka hagaagsan, dowladnimo, kala dambeyn, is-maqal , xornimo iyo xushmad toona. Waxey ku kaceen wax kasta oo ku xun magaca Soomaalinnemada ama qarannimada. Waxey ka dhacdey meel walba oo dalka ka mid ah, min Woqooyi Ilaa Koofur. Akhriste, in kastoo lagu kala dheereeyay, haddana ha u qaadan inaan ka wado qolo gaar ah.

Hoggaamiye kastaa waxa ow kuu sheegayaa inow ka dhiidhiyey qaabkii Kacaanka ee kaligii-talisnimada ku dhisnaa. Haddana waxa ow rabaa inow asagu ku dhaqmo isla qaabkaas owsanna marnaba aqbali doonin cid kale oo dalka ku hoggaamisa qaabkii kacaanka. Waa su’aale: “Labadeenna, Reerka Yaa u Weynoo U Ah Waayeel ?.”. Wax aad diidday inaan kugu dhaqo, inaad rabto inaad iigu taliso, Walaaloow ma shaqeynayaaan ?.  Aniga jawaabteydu waa caddahay: WAA MAYA.

Hoos-U-Dhaadhac.

Sidii aan kor ku soo sheegay, qabaa’ilada gumeystuhu ka fadli yeelay kuwii kale iyo jilibyo ama shakhsiyaad uu ka door biday jilibyada kale, waxay dhashay in kuwii la inkiray ee hubkuna gacanta u galay dagaalladii sokeeye gudohooda ey si isku mid ah ula kala dagaallamaan wallalohood si ay mar uun uga dhex muuqdaan talada guud ee dalka ama tan hoos ahaaneed ee qabiiladooda. Akhriste, haddaad rabto caddeymo waafi ah,  waxaad hoos u fiirisaa degaankaaga. Marnaba aniga ha iga sugin inaan hoos u dhaadhaco adigoo raalli iga ah. Waxaa yimid kooxo aan ku magacaabi karo “Waa Joognaa, Waa Jirnaa”.

Waxey isticmaaleen wax kasta oo aad ugu xun jiritaankeenna guud iyo dhadhankeenna ummadnimo, waayo waxey rabaan iney ka soo baxaan hogtie lagu aasay ayagoo nool. Dhinaca kalena, waxaa jawaabtu noqotay in lagu eedeeyo burburka guud ee ka dhacay Dalka. Waxaa iska hor yimid awoodo kala duwan: tu xiriir la leh reer galbeedka iyo caalamka iyo mid awood ku leh gudaha. Waxaa sidii danab isugu qarxay awoodahaas is-damqinaya. Waxaa dhacday in lagu wareero “Yaa ah kee, Yaase mudan”.

Ina-Hebel iyo Hebel-Hebel !.

Waxaan joognaa xilli caalamku u soo wada jeestay wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya; Ingiriiskuba ha ugu horreeyee. Haddana waxaa weli muuqata in dadka qaar ey ku fekerayaan, Abbahaeey ayaa wax ahaan jirey, marka waa in anigana la Ila tashadaa. Ma shaqeyneyso. Waxaan joognaa waqti casri ah oo loo yaqaanno “Information Technology”. Wax kasta waa la wada ogyahay, aqoonta waa loo simanyahay; wixii qof ogyahay kama qarsoona cid kale. Waxaan cagta ku heynaa Qaabka Cusub Ee Nidaamka Dunida (The New World Order). Ha iga aqbalin inaan kuu yeeriyo, anna kaama aqbalayo inaad ii yeerisid.

Waxaa jira koox wiilal aha oo ke fekereya madaama Abbayaashood ama Awoowayaashood ay magac iyo maamuus lahaayeen iney noo isticmaalaan shaabbad taarikhda si uun ku gashay eyna noogu taliyaan. MA SHAQEYNEYSO.

Dheel-Dheel Ma Yeelnee Dhab-U-Fiirso-Dhab.

Waxaan joognaa casri cusub. Waxaa Aqalka cad ee Mareykanka ka taliya Madaxweyne Barack Obama oo Madow ah aabbihiisna ahaa nin u dhashay Kenya oo dalka Mareykanka waxbarasho u tagay sannadihhii kontonaadkii. Dr. Peter Bossman oo u dhashay Dalka Ghana ee Galbeedka Afrika inow ku guuleysto doorashada Duqa Magaalada Piran ee Dalka Slovenia oo ku yaalla koonfurta Yurub asagoo weliba waxbarasho u tagay dalkaas billowgii toddobaatameeyadii.

Waxaa ii muuqata ina aan ka gudbeyno marxaladdaan aan ka soo sheekeeyay, balse ma nala habboontahay xaaladda kale een u gudbeynno oon ku tilmaami karo: Yaa Hubeysan oo dalka taladiisa lagala xaajoodaa. Waawareey !. Ma aqbali karnaa ?. Jawaabta waxaan u deynayaa akhristeyaasha sharafta mudan.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s