Wasiirka Warfaafinta Dowladda Somalia Mr Jaahweyn oo xalay laga hor istaagay in shirkiisii Jaraa’id uu ka baxo telefishinka iyo Idaacadda Qaranka Somalia


11 April 2012 – Wasiirka Warfaafinta Dowladda Somalia Mr Jaahweyn oo xalay laga hor istaagay in shirkiisii Jaraa’id uu ka baxo telefishinka iyo Idaacadda Qaranka Somalia ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho Cabdi Raxiim Ciise Cadow iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mr Cabdi Raxmaan Xasan Jimcaale.

Labada Agaasime oo ka soo wada jeeda beesha Madaxweyne Shariif ayaa qaadacay xilka qaadista Wasiir Jaahweyn ,wuxuuna Cabdi Raxiim Ciise Cadow sheegay in Jaahweyn yahay Wasiir sugaya toogasha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Samad Macalin Mohamud oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Saxaafadda u sheegay in Wasiirka Warfaafinta ka been sheegay Hay’adaha amaanka,isagoo meesha ka saaray inuu ku wargeliyay xafladii tiyaatarka.

xalay Idaacadda Radio Muqdisho galay isagoo wato Ciidan ayaa dibada loo tuuray markii ay Idaacadda soo buux dhaafiyeen Ciidan beeleed u dhashay beesha Rati Abgaal kuwaas oo xoog ku maquuniyay.

Wasiir Jaahweyn oo xaaladiisa amaanka u yaabay ayaa naf biday guriga Mohamed Qanyare Afrax sida la xaqiijiyay.

Madaxweyne Shariif ayaa Wasiir Jaahweyn ugu baaqay inuu 24 saac gudahood isku casilo si loo marsiiyo xukun sharciya hasse yeeshee Jaahweyn wuu ka biyo diiday amarka Shariif Ahmed.

Weji gabaxa iyo Fadeexada ku dhacday Wasiir Jaahweyn ayaa la rumeeysan yahay inay sabab u tahay isagoon xiriir wanaagsan la lahayn Wariyeyaasha ugu caansan telefishinka iyo Idaacadda Qaranka.

Wariye ka hoowlgala Radio Muqdisho ayaa Shabakadda u sheegay in Jaahweyn yahay nin isla weyn oo Wariyeyaasha aad u yasa ,taasina ay horseeday in Shirkiisii Jaraa’id ee shalayto laga joojiyo Idaacadda isagoo Wasiirkii Warfaafinta Dowladda Federalka ah.

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed iyo Mohamud Nuur Tarsan ayaa guluf xoogan ugu jiro sidii xukun toogasho ah loogu xukumi lahaa Wasiir Jaahweyn.

Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mohamud Tarsan ayaa sheegay in Jaahweyn yahay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la shaqeeya Cali Dheere,sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan oo maalmahii la soo dhaafay ,dhaqankiisa u muuqday sida qof waalan lana rumeeysan yahay inuu ka dambeeyay qaraxii Tiyaatarka ayaa yiri “ Beesha Jaahweyn qof walbaa og inay Al-Shabaab tahay %85 sidaas darteed maaha in bulshada la qaldo,waxaana idiin sheegayaa Jaahweyn wuxuu ku xukuman yahay toogasho,waxaana amar ku siiyay Hay’adaha amaanka in xabsi guri la gelsho oo ma dhoofi karo”

Ololaha ay wadaan Xulufadda Shariif Ahmed ee qabyaalada iyo awood ku faanka u badan waxaa laga yaabaa inay dhaxalsiiso cawaaqib xumo taariikhiya.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s