Xoog Hoose: Qarixii Tiyaatarka Khaarajin loo Maleegay Gaas

10-April-2012 – Waxaa soo baxaya in Qarixii todobaadkii hore lagu weeraray xarunta murtida iyo madadaalada ee tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed kaasi oo sida dad badani ay rumeysan yihiin lagu doonayay in lagu khaarajiyo RW Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu sii murjiyay khilaafka qarsoon ee madaxda DFKMG Soomaaliya gaar ahaana Madxweyne Shariif iyo RW Gaas oo tan iyo wixii ka dambeeyay jeexitaanka qorshaha Roadmap-ka uusan xiriirkoodu wanaagsanayn.

Warar hoose oo ay horumar online ka heshay Xafiiska Ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa sheegaya in qaar badan oo kamida la taliyayaasha RW Gaas ay aamin san yihiin in qorshaha weerarkaasi ay wax badan kala socdeen Madaxweyne Shariif iyo xulafadiisa oo ay ugu horeeyaan wasiirka amniga gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud, kuwaasi oo aanan iyagu goobta teginin.

Sida uu ahaa Xiriirka Shariif iyo Gaas

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya iyo RW-hiisa Cabdiweli Maxamed Cali ayaa la sheegayaa inuusan wixii ka dambeeyay jeexitaankii Roadmap-ka iyo heshiisyadii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 uusan wanaagsanayn xiriirkooda islamarkaana ay si cad oo muuqata isugu qabteen qaabka loo wajahayo habka kala guurka ee looga baxayo kumeel gaarnimada, waxaana dad ka qeyb galay kulamadii Garoowe ay Horumar Online u sheegeen in si cad ay Madaxweyne Faroolle iyo RW Gaas iskula safteen qaabka xubnaha Baarlamaanka loo soo xulayo, nidaamka maamul gobooleedayada lagu sameynayo iyo sidoo kale dhameystirka qabyo qoraalka Dastuurka Soomaaliya, taasina ay keentay in Madaxweyne Shariif, Galmudug iyo ASWJ ay isku dhinac noqdaan.

Laakiin xafiiska Siyaasadda ee UNPOS iyo kaaliyaha Ban-ki-moon ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Augistine Mahiga ayaa arintaasi fududeeyay kadib markii guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan uu aragti ahaan ayiday tan ay wateen Madaxweyne Faroole iyo RW Gaas, kadibna sidaasi lagu soo aaday Shirkii London ee 23 Feberaayo uu marti geliyay RW ingiriiska David Cameron.

Qaar kamiad Saraakiisha madaxtooyada ee safarakaas ku wehelisay madaxweyne Shariif ayaa xaqiijiyay in markii shirkaasi soo idlaaday ee Muqdisho la yimid mar qura afkiisa laga maqlay madaxweyne Shariif hadal sheegayay in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroolle iyo RW Cabdiweli Gaas ay isku garabsanayaan meel marinta hindiso siyaasadeed goboladaasi u gaar ah.

Si dhab ah ayay u muuqatay in qorshaha DFKMG Soomaaliya uu kusoo uruuray safaro dibedda ah iyo hawlaha Roadmap-ka ee ay xukuumadda Gaas garwadeenka ka tahay, waxaana meesha ka baxay in Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo ah hay’adda ugu sareysa ee dowladda uu noqdo mid fadhiid ah kadib markii labo dhinac ay u kala jabeen, taasina waxay fursad siisay in xukuumaddu ay iska shaqeyso madaxweynuhuna la xisaabtan farabadan uusan la kulmin.

Maareynta Gollaha Wasiirada oo Laisku qabtay ayaa kamida waxyaabihii sii murjiyay khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale qaabkii uu madaxweyne Shariif markii uu London tagay ku sheegay in la aqoonsan yahay maamulka Khaatumo.

Qaabka uu Qaraxa Tiyaatarku u Dhacay

Inkastoo gabadhii halkaasi isku qarxisay lagu sheegay in bilaa martiqaad la’aan ay halkaasi soo gashay kadib marii ay ciidamada ammaanka isku dayeen iney saddex jeer ka ceshaan gudaha ayaa waxaa dhacday iney gudaha u soo gasho xarunta murtida iyo madadaalada kadibna ay halkaasi isku qarxiso oo ay ku salfatay qaar badan oo kamida ahaa dadkii goobta ku sugnaa oo ay ku jireen saraakiil isboortis, Xildhibaano iyo saraakiil ka shaqeynaysay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Wasiiro ka hadlay Qaraxa iyo Shaki Abuurmay

Maalmo kadib qaraxa ayaa waxaa abuurmay shaki xooggan oo ku aaddanaa qaabka qaraxa loo soo agaasimay cidda ka dambeysay iyo sidoo kale hanaanka munaasabadda loo qabtay, shakiga ugu badana waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Shariif oo kamid ahaa marti sharafta lagu casuumay kullanka uusan imaanin ayaa waxaa dhacday inuu hadlo mid kamida wasiiradii la tuhunsanaa oo ahaa wasiirka amniga gudaha Cabdisamad Maxamuud Xassan oo sheegay in Qaraxa Tiyaatarka aanay waxba ka ogeyn madaxda DFKMG Soomaaliya taasi oo sii kordhisay shakigii jiray.

“Waxaa jira warar sheegaya in madaxda dowladda qaarkeed ay wax ka ogaayeen in ay ka qaybgalaan munaasabadda taasna ay macnaheedu tahay inay wax ka ogaayeen qaraxaas, taasna waa been aan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo shir jaraa’id qabtay.

Shakiga ugu badan waxa uu yimid markii la sameeyay guddiga la sheegay iney baarayaan cidda ka dambeysay qaraxaasi oo madax looga dhigay Xusseen Carab Ciisse wasiirka gaashaadhiga DFGMG Soomaaliya, waxaana lala yaabay iyada oo uu joogo wasiirka amniga gudaha in wasiirka difaaca loo igmado inuu hogaamiyo guddiga baaritaanka sameynaya.

RW Gaas oo Qiray in La Doonayay in La Khaarajiyo

Ra’iisul wasaare Gaas oo ah dhaqaalayahan kasoo baxay jaamacadda Harvard door fiicana ka ciyaaraya qaab siyaasadeedka Soomaaliya ayaa isagoonan si toosa u carab baabin islamarkaana ku duur xulaya Al-shabaab waxa uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorshaysan oo la doonayay in isaga lagu khaarajiyo.

“Weerarkaasi waxaa la damacsanaa in la igu dilo aniga , waana ku fashilmeen kuwii soo abaabulay ujeedkii ay lahaayeen..”  sidaasi ayuu RW Sheegay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ee fadhigeedu yahay wadanka Faransiiska ayaa sheegay in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dabayaaqadii todobaadkii hore ka dhacay xarunta golaha murtida iyo madadaalada Muqdisho uu ahaa mid qorsheysnaa oo ladoonayay in lagu qaarajiyo asaga iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo goobta kula sugnaa.

Madaxweyne Shariif oo Iftiimiyay in Qaraxa uu Filayay

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ahaa ruuxa ugu badan ee la tuhmayay in qaraxaasi uu wax uuna kala socday ayaa isagu qirtay inuu filyayay amaba uu wax uun a kala socday qaraxaasi.

Madaxweynaha oo bahda warfaafinta (Suxufiyiint &Fanaaniinta) casho sharaf ugu sameeyay Villa Soomaaliy ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho uu ku yimid khalad ka yimid wasaaradda warfaafinta, isaguna uu filayay taasina ay keentay in isagu uusan kullankaasi ka qeyb gallin.

Sheekh Shariif waxa uu ku andacooday in Jaahweyn iyo xubnaha Wasaaradda warfaafinta aanay madaxda DFKMG Soomaaliya iyo laamaha amnigu waxba kala socon qaabka munaasabadaasi loo soo gaasimayay.

“Dhacdadii ka dhacday tiyaatarka waxaan aamisanahay inuu ka yimid qorshaha xafladda oo sidii loogu talogalay aan loo sameyn,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Isagoo hadalkiisa ku daray inay ahayd in laga fikiro inay dadku badbaadaan, maadaama isaga lagu casuumeyna uusan kusoo dhiiran inuu soo aado maadaama uu filyaya inuu qarax halkaasi kadhaco amaba dadkii ka qeyb galayay lagu dhibaateeyo.

“Al-Qaacida maanta waxay isku dayaysaa inay wax walba adeegsadaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas hadalkiisa ku daray: “Infiitooyinka la bixiyay ma ahayn kuwo xadidan ama shaabad leh. Anigu waxaan arkay xildhibaan wuxuuna ii sheegay in 10-infiito la siiyay, marka haddii infiitooyin intaas le’eg la bixiyay sidee lagu sugayaa ammaanka dadka.”

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s