Suldaanka Beesha Shiikhaal Oo Gaalkacyo Soo Gaaray.

10 April, 2012(MMG)-Waxaa manta Magaalada Galkacyo soo gaaray wafdi uu hogaaminayay Suldaan Cabdi-Madoobe oo ah suldaanka beesha Shiiqaal, waxaana wafdigaan si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Galkacyo masuuliyin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qaar ka mida qaybaha bulshada Gobolka.

Waftigan ayaa ka koobnaa Cuqaal iyo Salaadiin kuwaa oo ka yimid Muqdisho una yimid Gaalkacyo soo afjaridda xurguf dhexmartay dhamadkii sanadkii 2011 labo beelood oo walaalaa wadadagana xaafada Horumar ee magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo uu isku dhac soo noqnoqday uu dhexmaray, balse hada la filaayo in uu soo afjarmidoono sida ayshegeen waftigan manta yimid.

Kadib markii ay wafigaan soo gaareen Magaalada ayaa waxaa saxaafada lahadlay Suldaan Cabdi Cilmi(Cabdi madoobe ) wuxuuna sheegay in sababta ay u yimadenn Galkacyo ay tahay dhamaynta isku dhaca dhexmara beelahan walaalaha ah isagoo ugu horayn umahad celiyay Maamulka Galmudug Sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay labada maamulba ka codsanayaan in ay kala shaqeyaan maslaxada labadan beelod oo uu xusay in hada aysan ka dhex tagnayn wax colaada balse ay doonayaan in ay gacmaha isu galiyaan si la”isku cafiyo.

Dhanka kale wasiir Kuxigenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Max’ed Xasan Baasto ayaa Waftigan uga mahadceliyay sida ay isugusoo xilqameen Heshiiska Beelahan walaaha oo uu shegay in ay horay uga qaybqateen ka maamul ahaan xabadjoojin iyo heshiiska hada ay ku wada daganyihiinwuxuuna ugu baaqay beelahan in ay wax kasta oo ay kala tabanayaan lagu dhameeyowadahadal wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Galmudug oo waftigankala shaqayn doono Dhmaynta xalinta khilafka dhexmaray belahan oo ay u saridoonaan odayaal dhaqan oo la dhameeya waxkasta oo ay ka doonayaan in laga garabsiiyo .

Imaansha waftigan ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu khilaaf dhinaca deeganka ah uu dhexmaray labo beelood oo wadadagan Xaafad kamidah xafadaha Galkacyo isla markaana ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana la filayaa in ay door wayn ka ciyaari donan imatinka cuqashan kasoo jeeda mid ka mida belahan. Waxayna odayashan dhaqanka iyo salaadintan ka yimid Muqdisho ay sheegen in muda badan ay doonayeen in ay ka mira dhaliyaan soo afjarida xurguftan yare e dhexmarta labadan beeloodayna hada Ilahay ka rajaynayan in uu ku guuleyo waxayna sidookale ka codsadeen Beelahan walaaha in ay aqbalaan waxkastaoo keenaya nabad iyo isdhexgalka bulshada Soomaliyeed ayna iska ilaawan waxwalba oo keeni kara colaad iyo qalalaaso.

Moment Media Group 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s