“Waxaan Heshiis Iskaashi kala Sixiixaney Wasiirka Warfaafinta Dalka Jabuuti…”

Thursday, April 12, 2012  – Wasiirka Warfaafinta, Boostada Iyo Is-gaarsiinta DFKMG Cabdiqaadir Xaaji Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo booqasho laba maalmood ku joogey caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiney ujeedada safarkiisa, xiriirka ka dhexeeya wasaaradda iyo qaybaha warbaahinta, AMISOM magaalaada muqdisho waxay joogtaa shan sanno, maadaama ay iskaashanayaan dowlada iyo iyaga, dhibkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Tiyaatarka, miyaan la dhihikarin waa nooc xayeysiis u ah ciidamada AMISOM joogitaankooda oo dowladda awoodeedii wax jira maba ahan iyo arrimo kale ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri.

“Ujeedadda Safarkeyga waxay ahayd booqasho gaaban oo mudo laba cisho ah oo aan casuumaad ka helay Wasiirka Warfaafinta, Boostaha, Is-gaarsiinta iyo Dhaqanka Dalka Jabuuti Cabdi Xuseen, Intii aan joogey dalka Jabuuti waxaan la kulmey Madax-weynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha, Is-gaarsiinta iyo Dhaqanka Dalka Jabuuti Cabdi Xuseen, waxaan ka mahad-naqaynaa sida wanaagsan ee ay inoo soodhaweeyeen madaxda dalka Jabuuti iyo shacabkooda”.

Mar aan weydiiyey wasiirka, ma markii kuugu horeysay oo aad timaadaa? Ayaa wuxuu ku jawaabey “intii aan xilka qabtey waa markii iigu horeysay oo aan imaado Jabuuti oo aan casuumaad ka helo, balse xiliyo hore safari shaqo aan imid Jabuuti hadda ka hor oo dhinaca Is-gaarsiinta ah ayaa jiray”.

Sidoo kale mar aan weydiiyey qaabka wasaaradda warfaafinta soomaaliya ay u shaqeyso iyo wasaaradda warfaafinta dalka Jabuuti maxaa ka dhiman ayaad is-leedahay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, inkastoo wadan mudo 22-sanno bur bursan ay tahay, Jabuutina ay tahay dowlad dhisan?, ayaa wuxuu ku jawaabey wasiirku

“Is-bar bardhigaasi wuu addag yahay, sidaad la socoto dalka dhibaataa ka dhacdey, hadase All-xammdulillaahi is-bedel ayaa dib u bilowdey oo hay’adihii dalka dib ayey u hawl galaan, wasaaraddana waxay ka mid tahay hay’adaha dib u hawl-galey mudo gaabana la hir-galiyey mashaariic aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin in dib loo hawl-geliyo tiyaatarkii iyo TV-gii qaranka, Sidoo kale waxaa dib loo soo nooleeyey waax-yihii kale ee wasaaradda sida wakaaladda wararka soomaaliyeed ee SONNA, War-geyska dalka oo ku hadlayey codka dowladda.

Waxaa kale oo la abuurey tiknaloojiyad casri ah oo xiliyadii hore aan jiri jirin ee adeega Internet-ka oo Radio Muqdishona wuxuu leeyahay Website ay booqdaan kumanaan kun, inkastoo 2009-kii Radio Muqdisho la hawl-geliyey, intaas iyo in la mid ah Wasaaradda warfaafinta jabuuti wey leeyihiin. Balse farqiga u dhexeeya waad garan kartaa, wadan intaas soo dhisnaa iyo wadan ay cusub tahay dhisidiisa, waxaana rajeyneynaa inaan dhowaan isu soodhaweyno oo meeshaasi ay ka muuqato, inaan soo goyney masaafo dheer”.

Ma jiraa wax iskaashi aad ka sameyneysaan labada wasaaradood?.

“Aad iyo aad ujeedada safarku waxay ahaydba sidii iskaashi loo yeelan lahaa iyo sidii wax loo wada qaban lahaa, islamarkaana la isu-dhaafsan lahaa khibrada iyo waayo arragg-nimada u wadaagi lahayn, waan ka wada hadalney oo waana ku heshiiney, annaguna inay naga gacan siiyaan meelaha qaarkood oo ay mudo khibrad u leeyihiin, annaguna waayo aragg-nimada aan dhaxalney mudadan inaan la wadaagno, waayo, mudo kooban oo lix bilood ka yar in la soo saaro Taleefishin aduunka oo dhan laga daawado oo lagu faani karo, haddaanu nahay SNTV amma marka loo fiiriyo wadamada Afrika, sida ay ku hirgashey, waxaa kale oo jira adeegyo kale oo dheeraad ah oo aan sameyno SNTV ahaan oo aan dooneyno inaan ku biirino wasaaradaha kale ee nala midka ah, si iyaguna uga faa’iideystaan oo annaguna uga wada faa’iideysano, waxaana jira qorshe ah wada shaqeyn noocaas ah oo aan kala sixiixanay”.

Mar aan weydiiyey wax-yaabaha ay kala sixiixdeen labada Wasiir ayaa wuxuu ku jawaabey “iskaashiga, wadaagida macluumaadka iyo xogaha, tababaro labada dhinac, khaasatan inay iyagu inta badan gacan naga siiyaan, dowlada Jabuuti ahaan maadaama Hay’adihii tababarada ay u dhisan yihiin, sidoo kale Wakaaladaha wararka labada dal ay wadaagaan wararka, waxayna ahayd is-fahan aad u wanaagsan”.

Mudane wasiir, maadaama aad tahay wasiirkii warfaafinta soomaaliya, saxaafada soomaaliya mudadii 22-ka sanno ahayd way baahdey, waxaa soobaxay Hay’addo fara badan iyo wariyeyaal, wariyeyaashu waa la dilaa, qaarkood dalka ayey ka barakaceen, marka wax xiriir ah ma leedihiin qaybaha kale duwan ee warbaahinta soomaaliya ayaan weydiiyey wasiir Jaahweyn?

Waxaa uu ku jawaabay “qaybaha warbaahinta soomaalida, dabcan wasaaradda qaabilsan waa wasaaradeyda, xiriir soke ma ahane waa annagii lafteena, waxa maalin walba la dilayo amma dhaawacmayo, dilalka ka dhaca gobolada qaarkood, waad ogtahay Tiyaarka wariyeyaal badan ayaa lagu dhaawacay, wariye hadaad maqasho wasaaradii ayaad maqashay, wasaarad haddii aad maqasho waa wariyeyaal, farsamo yaqaano iyo dadkii saxaafada ka shaqeynayey.

Marka xiriir ma aha keliya ee waxaanu nahay dadd mid ah iyo hay’ad mid ah oon ugu talo galney in dhibaatadan jirta iyo waqtigan addag fahansan iyo sidii looga gudbi lahaa, aad baanuna uga xunahay dhibaatada ku dhacaysa wariyeyaasha, suxufiyiinta, wax-garadka iyo shacabka soomaaliyeedba, wariye keliya ma ahan waxa dhimanayo ee waxaa dhibaato lagu hayaa, dadka arragtidooda si xor ah u cabiraan, dadka la diriraya wariyeyaasha intooda badan waxay u badan yihiin, dadd demmbiilayaal ah oo raba in dembigooda qarsoonaado oo doonaya in fal kale ay siigeystaan ayey soo bandhigaan, dadkaas ayaan ogoleyn arragtida uu wariyuhu soobandhigayo iyo xogta uu soohelayo oo uu u soo bandhigaa shacabka, waana markaas, marka ay halista dareemayaan wariyeyaashu.

Ka xukuumad ahaana aad iyo aad ayaan uga soohorjeednaa, wax kasta oo looga hortagikaro waan qaadney, haddana waan qaadeynaa, habeen iyo maalin waxaan xaqiijin doonaa inta awoodeena ah ee muwaadin soomaaliyeed, gaar ahaan wariye, qof saxafi ah amma ka shaqeynaya horumarinta saxaafadda iyo horumarinta ra’yiga inaan la dhibaateyn”.

Sow lama dhihikaro dilalkan soo noq noqdey ee saxaafada soomaaliya qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan magaalada muqdisho meelaha dowladu ay gacanta ku hayso dadka geystaa waxay qayb ka yihiin amma ku jiraanba dowlada, marka laga reebo qolyaha kale ee inta badan gafuurka duubta amma addinka aad u taqaanaan nabad diidka, ayaan weydiiyey wasiir Jaahweyn?.

Wuxuu ku jawaabey “Maya! Lama dhihikaro, haddii arrintu tahay mala dhihikaraa, waa la dhihikaraa, lamana dhihikaro, labada waa la dhihikaraa, laakiin waa in su’aashaadu cadaato, haddaad ula jeedo meesha dowladu haysato ayaa qof lagu diley, waa sax oo waa su’aal.

Maxaa amnigiisa loo kafaalo qaadi waayey, haddaan sidaas u fahmo su’aashaada, waayo, waayahan dammbe su’aalaha qaabka dadka looweydiinayo ayaad moodaa in laga jawaabo ay addag tahay, dabbcan meelaha xukuumadu ay gacanta ku hayso, dembiyo ayaa ka dhicikara oo waad arragtey mararka qaarkood dhibaatooyinka dadka loogu geysto, mana ahan wax la yiraahdo fall demmbiyeed kama dhicikaro, laakiin marka uu dhaco, waxaa mas’uuliyadeeda iyo dabagalka baaristeeda leh Hay’adaha Amniga inay ka shaqeeyaan, waayo meel bani’aadam ku nool yahay oo dhan demmbi baa dhacayo, waan ka xunahay in demmbi noocaas uu ka dhaco meel ammni ah oo gacanta lagu hayo, laakiin haddii uu dhaco, waxay noqoneysaa in la baaro oo la raadiyo kuwii ka dambeeyey falkaan oo cadaalada la horkeeno, waayo raali kama nihin, lagamana raali noqonkaro in qof muwaadin soomaaliyeed dhibaato loogeysto”.

Waxaa kale oo aan weydiiyey wasiir jaahweyn, hadda dowadu waxay gacanta ku haysaa magaalada muqdisho gebi ahaanteeda, iyaga iyo ciidamadda AMISOM, AMISOM-na magaalaada muqdisho waxay joogtaa shan sanno, maadaama ay iskaashanayaan dowlada iyo iyaga, dhibkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Tiyaatarka, miyaan la dhihikarin waa nooc xayeysiis u ah ciidamada AMISOM joogitaankooda oo dowlada awoodeedii wax jira maba ahan?.

Wasiir Jaahweyn, isagoo ka yara meer meeraya qaabka su’aasha, islamarkaana ku cel celinaya ayaa wuxuu ku jawaabey “su’aashu miyaan la dhihikarin hadday tahay, miyaan la yeelikarin, miyaan la sameynkarin, waxaad u maleysaa jawaabteeda in aanan aad u fahmin su’aasha ku celi”.

Mar kale ayaan weydiiyey wasiirka, mar haddii shano ay AMISOM joogto, waxna ay tababar u sameyn, ciidamadiina ay ammaankooda wali ay sugan la’yihiin magaalada muqdisho, haddaba dowlada awoodeedi ma jirto sow meesha kama taagna?.

Wasiirku waxaa uu ku jawaabey “arrintaasi sax ma ahan, haddii aad garaneyso awooda waxa aad ula jeedo, mudadii ay joogeen ciidamada AMISOM, waxaa noo suugargaley in ciidamadii qaranka soomaaliyeed dib loo dhiso, waxaa dib loo dhisey ciidamadii ammniga nooca ay doonaan ha ahaadeeno, sida kuwa booliiska, kuwa nabad sugida, waxaa dib loo soohantey ammaankii deegaano badan oo ka tirsan caasimada iyo goboladii kale. Mudadaas kooban ee la dhisay dhismaha ciidan qaran bur burey ma ahan wax ku yimaada mudo kooban amma usbuucyo amma bilo ah, waxaasina waxay ku yimaadeen dedaalkii faraha badnaa oo ay xukuumadu u gashay, in dib ciidanka loo unko, loo tababaro, maantana ay joogaan kumanaan ciidan ah oo heegan u ah, inay difaacaan sharafta, guulihii ay gaareena cidi kama qarsoona, marka in uu awood leeyahay ciidanka qaranku wax daah la saaro ma ahan, waana uga mahad-naqayaa ciidanka qaranka guulaha ay gaareen iyo sida sharafta leh ee ay u difaaceen, waxaana leeyahay hambalyo.

Annigoo fursadan ka faa’iideysanayo munaasabada hadda soo socoto ee aas aaska ciidanka bishan abriil, waayo nabada hadda la haayo iyo dhibaatadii ay ku hayeen nimanka hadda aad leedahay addinka waxaad u taqaanaan nabad diid, ma garanayo addiga waxa aad u taqaano, laakiin inay nabada ogoleyn oo dagaal joogto ah wadeen, qof walba oo soomaali ah ayaa fahamsan, marka ka Media ahaan tiina, ma nabadoono ayaad u taqaanaan, nimanka dhibaatada ku hayey shacabka, marka inay dalka iyo dadka ka xoreeyaan oo ay saamexeen oo suurana geliyeen is dhexsocodkii iyo nolosha, muqdisho waa laga yaabaa sidaad ii sheegtey dhowr sanno ayaad soo moog tahay, maanta haddaad tegi lahayd is-bedelka ku dhacay mudada kooban, sida nolosha u bilaabatey iyo sida dadka u bilaabeen inay u noolaadaan iyagoo sharaf leh oo aan cabsi ka qabin in lagu xad-gudbo ayey daarahooda dhisteen, ganacsigoodii bilowdeen waana wax lagu farxo, Ilaah baa mahad leh, kadib waxaan u mahad-naqaynaa ciidanka soomaaliyeed waadna mahadsan tahay” ayuu hadalka ku sooxirey wasiirka inta aan soogebagebeynba

Leave a comment