4.5: Heeb-Qaybsiga Siyaasada Soomaaliya iyo Xaq dareeda!

Arar: Qormadani waxa ay qayb ka tahay xusuusta Xildhibaan Mowliid Macaane – Eebe naxariistii Jano ha ugu bishaareeyo, qoyska iyo ehelada uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Hordhac:

Waxay aheyd shirkii geedi-socodka nabada Soomaaliya ee Carte (2000) markii lagu yagleelay/xukmiyey heeb-qaybsiga siyaasad ee arimaha Soomaaliya 4.5.

Iyadoon aan lagu dheeraan ujeedada ay ku timid nidaamka hirgalay ee 4.5, xusuusin waxaa mudan in ay jireen, xiligaa abuuris, qorshe iyo tabo ka duwan mida maanta hirgashay ee 4.5, isla mar ahaantaana si aan hubsiimo leheyn ama aan loo aabo yeelin meel leysaga tuurey.

Dhiraandhirin

Nidaaamka hirgalay ee 4.5 wuxuu soo shaqeeyey ama la isticmaaley, faa’iido iyo qasaaraba, mudo ka badan 10 sano.

Mudadaa, dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed waxay si isku mida u tuhuntey islana garatey xog-la’aanta nimaadkan iyo cadaalad darrada uu ku suleysan yahay. Sababtaa darteed, inta badan shacabka Soomaliyeed waa ay ka dharagsan yihiin in xisaab-qorshaha 4.5 uu san ku saleeysneyn xog tirakoob jira iyo xaqiijin dabajoogto – balse, daneysi iyo isu tanaasul, loogu daneenayey in ka badan 10 sano, kooxo iyagu qori caaradii iyo/ama magac qabiiil isu huwiyey “laandheer-nimo” xaqdaro, sadbursi darteed.

Hawiye, Darood, Digil-Mirifle, iyo Dir waa siman yihiiin basle qolyaha kale – “Others”- yeelkood oo waa nus-dhimman, ma aha mabda’ Soomaali u dhaqan iyo falsafad siyaasad ku saleysan.

Afarta la simay, lana magaacaabey, tirakoob jira oo xaqiijinaya in ay tiro ahaan siman yihiiin ma jirto. Waaba la arkaa in ay kala badan yihiin. Waaba la arkaa in kuwa looga xaqdarsadey magac u yaalka ah “kuwa-kale”/”others”, deedna la cunsiiyey 0.5, ay ka tiro badan yihiin qaarkood. Si kastaba, ma jirto tirakoob xaqiijinkara in Soomaali shan beel siyaasad, afari tiro ahaan siman yihiin halna yahay nus, ay ka kooban tahay. Ugu yaraan, waa xisaab si ku meelgaar ah mala-awaal loogu qotomiyey.

Tobon sano ka hor bey aheyd kalkii Soomaali qorshaha 4.5 ee aan saldhiga laheyn isku deyday, si ku meel gaar ah, in ay ku caano maasho. Tobon sano kadib, “caano la maaley” iyo meel la gaaray Soomaali Maxamed mahayso wax guul ah oo 4.5 ay soo hoydeyna ma jirto. Balse waxay abuurtey nacayb iyo faham guud oo bulsho kuna aadan xaqdarada ay 4.5 u horseeday dib u soo abuurista hab-maamulka Soomaaliya danaheeda.

Nidaamkani wuxuu si cad iyo si dadban ku abuurey dhamaan bulsho weynta Soomaali cuqdad nafsi iyo xanuun eexasho la sharciyeeyey. Xumaha 4.5 kuma eka oo kaliya danaha siyaasasadeed ee shacabka Soomaali ee loo qoondeeyay 0.5, balse waa mid falsafad, sharci-dajin, iyo dhaqan ahaan u taabanayo dhamaan bulshada iyo shacabka Soomaaliya si wadajir ah.

Sidaa darteed, 4.5 waa qorshe-marinhabiibin, Soomalina ka gilgilatey, maantana, 10 sano kadib, u baahan in la saxo qaladaadkeeda iska cad.

Ficilkaas daryeelka dano-bulshada, waa waajib hor-u-socodnimo oo dhamaan Soomaalida dan-guud u ah inta laga gaarayo hirgalinta nidaam cadaalad iyo sinaan raad-raac leh ka abuurmayo.

Gunaanud iyo Talo

Su’aashu waxaa weeye, maxay tahay sababta suurto galineysa in qorshaha geedi-socodka (Road map) Soomaliya nabadeeda iyo u dib-u-dhisidka dowlad waarto ee xiligan kala guurka ah uu wali ugu sii lifaaqan yahay xaqdarada cad ee 4.5?

Ugu yaraan, 10 sano kadib, 4.5 waxa ay aheyd in ay maanta isu bedesho, si horusocod ah, 5.0 – waa hadii Soomaali cadaalad iyo daryeel sinaan ay daneynayso.

Dastuur iyo baarlamaan looga tashaday ama lagu suurto-galiyey nidaam heeb-qaybsi oo asalkiisu qaldan yahay ma keeni doonaan cadaalad iyo sinaan umad oo hufan ama hor-u-socod ah.

Hal booli ahi ma dhasho nirig xalaal ah!

Dr. Abdiwahab Tarey, PhD April 9, 2012

1 Comment

  1. Sagaalka qof Qubarada ah ee diyaarinaysa Dastuurka Digil iyo Mirifle yaa uga jira?
    April 14, 2012

    Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee dalkeena oo hadda gacanta lagu hayo ayaa dadka qaar ay qabaan in “Dad aan Muslim ahayn” ay noo qorayso, oo haddan nahay Soomaali aysan jirin dad waxgarad ah oo yaqaan sida ay Sharcigooda u qoran lahaayeen.

    Haddaba muwadin kasta oo Soomaali ah waxaa haboon inuu ogaado runta, waxaana haboon in su’aasha aan weydiino dadka shaqada ku leh ama mas’uulka ka ah Dastuurka Soomaaliya.

    Hadaba Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo aan ognahay dhulka Soomaaliya inta ay ka degaan iyo inta ay la egtahay tiradooda, Sagaal qof Soomaalida ah oo la yiri waxay soo diyaarinayaan Dastuurka dalka ma waxay ka heli waayeen wax ka badan hal qof?. Xaq ma ahan waana xaq darro in Digil iyo Mirifle laga siiyo hal ruux oo keliya. Wixii dhiig lahoow waa in ay ka soo horjeestaan Xaqdarada hadda bilaabatey.
    Hadii aan idin sheegno Magaca qofka Digil iyo Mirifle uga jira Sagaalkaan qof ee Qubarada ah waa Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

    Qabiilka Abgaal wuxuu ku leeyahay isagana hal ruux oo keliya…. Ma sax baa arintaan.

    Qowmiyada Digil iyo Mirifle dhamaanteed wey ka soo horjeedaa sida loo xuley dadka soo diyaarinaayo Dastuurka.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s