Sagaalka qof Qubarada ah ee diyaarinaysa Dastuurka Digil iyo Mirifle yaa uga jira?

April 14, 2012 – Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee dalkeena oo hadda gacanta lagu hayo ayaa dadka qaar ay qabaan in “Dad aan Muslim ahayn” ay noo qorayso, oo haddan nahay Soomaali aysan jirin dad waxgarad ah oo yaqaan sida ay Sharcigooda u qoran lahaayeen.

Haddaba muwadin kasta oo Soomaali ah waxaa haboon inuu ogaado runta, waxaana haboon in su’aasha aan weydiino dadka shaqada ku leh ama mas’uulka ka ah Dastuurka Soomaaliya.

Hadaba Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo aan ognahay dhulka Soomaaliya inta ay ka degaan iyo inta ay la egtahay tiradooda, Sagaal qof Soomaalida ah oo la yiri waxay soo diyaarinayaan Dastuurka dalka ma waxay ka heli waayeen wax ka badan hal qof?. Xaq ma ahan waana xaq darro in Digil iyo Mirifle laga siiyo hal ruux oo keliya. Wixii dhiig lahoow waa in ay ka soo horjeestaan Xaqdarada hadda bilaabatey.
Hadii aan idin sheegno Magaca qofka Digil iyo Mirifle uga jira Sagaalkaan qof ee Qubarada ah waa Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qabiilka Abgaal wuxuu ku leeyahay isagana hal ruux oo keliya…. Ma sax baa arintaan.

Qowmiyada Digil iyo Mirifle dhamaanteed wey ka soo horjeedaa sida loo xuley dadka soo diyaarinaayo Dastuurka.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s