Gudigii Uu Magacaabay Mad. Sh. Shariif Oo Durbadiba Fashilmay.

14 April, 2012 – Kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxman Faroole uu ku hanjabay inaan la qaban karin kulan dhex mara dowladda Federalka iyo Somaliland, haddii aysan qeyb ka aheyn Puntland ayaa waxa soo ifbaxay warar sheegaya in madaxweyne Sh. Shariif uu ku daray gudigiisa laba wasiir oo ka socda maamulka Puntland si uu u qanciyo madaxweyne Faroole. Labada wasiir ee Puntland ayaa kala ah wasiirka arimaha gudaha Jan. C/lahi Axmed Jamac Ilka-Jiir iyo wasiirka qorsheynta  Daa’uud Max’ed Cumar. Xildhibaanada dowladda iyo madax kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay in shirka Somaliya iyo Somaliland uu burburi doono haddii aan laga laaban maamul-goboleedyada laga qeyb galinayo shirka. 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa magacaabay 5 wasiir oo dowladda Federalka ka socda oo todobo ku noqon doona labada wasiir ee Puntland. Magacaabiska Madaxweynaha ayaa timid ka hor intii uusan ka dhoofin garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, mana jirto cid kala hadashay arinkaas maadaama uu horay ka dhoofay. Madaxweyne Sh. Shariif ayaa beryahan dambe u dhaga-nuglaa Puntland isagoo quudaraynaya inuu helo codadka xildhibaanada kasoo jeeda Puntland xiliga doorashada Agoosto. Bishii hore ayay aheyd markii uu isagoo aan la tashan qof kale ku samiyay Col. C/lahi Yusuf garoonka magaalada Gaalkacyo.

Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa durbadiiba muujiyay saadaashooda ah inuu fashil ku dhamaandoono shirka Somaliya iyo Somaliland haddii aan la sixin qaladka madaxweynuhu uu galayo.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s