Maleeshiyaadka Gadood Ka Sameeyay Bosaso

15 April, 2012 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ee Gobolka bari ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Maamulka Faroole ee Puntland ayaa gadood ka sameeyay magaalada iyagoo kala xiray dhamaan dhaqdhaqaaqyada Gadiidka ka baxaaya magaalada iyo kuwa soo galaayay magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkaan oo ka tirsan maamulka Puntland loona yaqaano Daraawiishta oo ku hubuaysn hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta hakad geliyey Isu socodka Gaadiidka ka baxaya gudaha magaalada Bosaaso iyo kuwa soo galaya inta bada kuwaas oo fariisin kooduna yahay Tuulada Laag oo hoos timaada magaalada Bosaaso.

Gadoodka oo muddo socday ayaa la sheegay in Maleeshiyaadku ka cabanayaan guno la’aan haysata muddo laba bilood, waxaana sidoo kale jirin in dareelkii aasaasiga ahaa ee Ciidamada la siin jiray sida baarida Caafimaad aysan helin taasina ay keentay in wadada ay xirtaan si dalabkooda loo Ogolaado.

Muddo ka dib oo u hakad galay dhaqdhaqaaqa Gaadiidka ayaa lagu guulaystay in laga dhaadhiciyo Maleeshiyaadkaani in ay furaan wadada isla markaana lagu qanciyey in sida ugu dhakhsiyaha badan u heli doonaan Xuquuqdii dhanka gunooyinka ay lahaayeen.

Maamulka Faroole ayaa marar badan ku dooda in Maamulkiisu ay bixiso Gunooyinka Maleeshiyaadka iyo shaqaalaha isla markaana ay dib u habayn ku sameeyeen,waxaana uu ku eedeeyaa xiliyada uu khudbaynayo Dawladii ka horeeyey in aysan waxba ka qaban jirin baahiyaha Maleeshiyaadka.

Talaabadan Gadoodka ah ee ay qaadeen maleeshiyaadka ayaa noqonaysa midii ugu horeysay oo ka cabasho Guno  la’aan ah, waxaana sidoo kale jirta warar hoose ay noo dad wargal ah in muddo laba bilood ah aysan wax mushaar ah qaadan Golaha degaanka maamulka Goboleedka Puntland lana filayo mudooyinka soo socda in dareenkooda soo bandhigaan iyaguna.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s