Qaraxii Tiyaatarka ka dhacay oo kala geeyay Madaxda DKMG ah (Warbixin).

15 April 2012. – Madaxda ugu sareysa DKMG ah ayaa isku khilaafsan qaraxii maalmo ka hor ka dhacay goob ay ku kulansanaayeen madax katirsan DKMG ah iyo faasiqiin taageerayaal u ahaay. Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro saraakiil ka shaqeynayay xafiiska R/wasaare Gaas.

Maanta duhurkii ayay rag wajiyada soo xirtay oo katirsan shaqaalaha AMISOM ee dhanka amniga waxay xoog ku galeen guriga Gaas waxayna qafaasheen illlaa iyo 10 Nin oo qaarkood ay saraakiil ahaayeen.

Intabadan saraakiisha Villa Somaliya ayaa larumeysanyahay in ay wax ka ogyihiin weerarada qorshaysan ee lagu qaado gudaha xarumaha TFG, ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha maanta laxiray aysan xiriir wanaagsan lalaheyn shariif Sheekh Axmed.

Waxaa jirta cabsi ah in madaxda DKMG ah ee horay u ahaay ARS-ta ay sir badan fakiyaan haddii aan lajoojin cadaadiska lagu hayo.

2 Comments

  1. Qaraxii Theater-ka oo loo xir xiray Saraakiil Ciidan”Gaas oo lugta lasoo Galay”Xog”
    Kadib qaraxii bahalnimada ahaa oo kadhacay xarunta Tiyaatarka qaranka soomaaliyeed kasoo waxyeelo farabadan dhaliye aya soo baxayaan warar hoose oo shegaayo in laga soo agaasime xafiiska Cabdi waligaas oo ah Ra’isulwasaaraha dalka soomaaliya .

    Xogtaan ayaa raacineyso in 8ruux oo katirsan xafiiska ra isulwasaaraha losoo qabtay ahlka qaarkood u baxsadeen dhanka Gobolka Jubbada hoose oo ka arimiso xarakada shabaab waxaana ku jiro saraakiil dhanka amaanka qaabilsana.
    Warbixintaan ayaa toosh ku ifineyso Taliyaha Ciidamada Nabasugida Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Yare iyo kuxigeenkiisa iyo gabadhii dadka baareysay la xiray.
    Xaalada guud ee Madaxtooyada aya xiligaan sabeneyso meel xasaasi ah ayadona ra isulwasaare gaas oo taganyahe in asaga lagu qaarijin rabay qaraxaas blse Illaah kafakiye
    Madaxweynaha Dowlada KMG Sh Shariif ayaa wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ku eedeysay Qaraxan Tiyaatarka ka dhacday inkastoo ay Wasaaradu beenisay.
    Wali Baaritaanada ayaa soconaya waxaana lagu wadaa in dhawaan lsoo bandhiga cadaymo danbiyada muujinaya.

  2. Qaar Ka Mid Ah Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

    Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ilaa lix ruux oo ka mid ah Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha xalay ay xabsiga loo taxaabay, kadib markii uu soo galay tuhun la xiriira qaraxii 4-tii bishan ka dhacay Xarunta Tiyaatarka Qaranka, kaasoo ay ku dhinteen Madaxdii isboortiga, Mas’uuliyiin iyo dad kale.

    Ilo wareedyada ay heleyso Bogga newsomali.com ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Nabasugida Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Yare iyo kuxigeenkiisa iyo gabadhii dadka baareysay la xiray.

    Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saddexda qof ay ku jirto haweeney lagu magacaabo Qadro, sidoo kalena uu ka mid yahay wiil lagu magacaabo Cabdi Yaasiin.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in labo kale oo ammaanka Ra’iisul Wasaaraha qaabilsanaa la xiray, kuwaasoo iyana baaritaano ku socdaan, sida ilaha wareedka ay inoo xaqiijiyeen.

    Sidoo kale labo kale oo Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha ka mid ahaa ayaa iyana baxsaday markii qaraxa Tiyaatarka dhacay, waana tan keentay in tuhun uu galo Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha.

    Mid ka mid ah raggaas ayaa la sheegay inuu ka soo hadlay Magaalada Kismaayo, hase ahaatee wali ma cada warkaas.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Gaas iyo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa ka badbaaday weerarkii is qarxinta ee qof haweeney ka fulisay Xarunta Tiyaatarka, xilli ay kaga qeyb galayeen Munaasabad loogu dabaal degayay sanadguurada Telefishinka Qaranka markii dib loo howl geliyay.

    Dowladda KMG ayaa dhowaan sheegtay inay baareyso cidii fududeysay qaraxaas, iyadoo Hey’adaha ammaanka dowladda uu soo kala dhex galay isku tuur tuur ku aadanaa mas’uuliyada qaraxa Tiyaatarka.

    Al-Shabaab ayaa dhowaan sheegtay inay jiraan dad ka tirsan dowladda oo u fududeeyay weerarkii ay ka geysteen Tiyaatarka Qaranka.

    Si kastaba ha ahaatee raggan la xiray ee ka tirsanaa Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha ayaa horu dhac u noqonaya baaritaanada la xiriira weerarkaas oo ay wadaan Gudiga loo xil saaray qaraxa Tiyaatarka inay soo baaraan, inkastoo aanay wali wax war ah ka soo bixin.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s