Shir arrimaha Soomaalida looga hadlayey oo ka dhacay magaalada Chicago ee dalka Markeynka

Axad Sunday, April 15, 2012 (MMG) – Shir ay wadajir u soo wada qabanqaabiyeen hayadaha kala ah Somali Strategy Forum iyo WEInstitiute ayaa maalintii Sabtida ahayd ee bisha Abriil 14keedii lagu qabtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka. Shirkaan oo ay ujeedadiisu ahayd in Soomaaliya loogu diyaar gareeyo qorshe horumariya dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada (Economic and Social Development) ayaa waxaa ka soo qayb-galay dadweyne ka kala yimid magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda.

Gudoomiyaha ha’yada Somali Strategy Forum, Yusuf A. Maalin, ayaa ugu horeyntii halkaas ku soo dhoweeyey dadkii ka soo qayb galay shirkaas. Waxa uu ka warbixiyey howlaha iyo qorshaha haydiisu ku talo jirto inay ka fuliso Soomaaliya.

Arnold J. Romeo oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska duqa magaala Chicago ayaa fariin uu ka siday duqa magaalada Chicago Rahm Emanuel halkaas ka aqriyey. Duqa magaalada Chicago ayaa fariintiisa ku sheegay in uu marwaliba garab taaganyahay shacabka Soomaaliyeed kaalmana uu ka geysandoono gaar ahaan Soomaalida ku nool magaalada Chicago oo lagu qayaasay in ay ka badan yihiin 3000 oo qofood.

Guddomiyaha hayada National Strategy Forum, Robert Friedman, iyo madaxa hayada World Engagment Institute , Charles Tucker, ayaa iyaguna ka hadlay rajada ay kaleeyahiin in ay hayadhoodu ka hirgaliyaan barnaamijyo ay ku taageerayaa horumarinta dalka Soomaaliya oo ay xusseen in ayuu waqti dheer ku soo jiray burbur ba’an.

Mr. Sumit Bisarya oo katirsan hay’ad ay dowlada ku meel gaar ah ee Soomaaliya ay u xil saartay qoraalka dastuurka oo la yiraahdo International Development Law Organization (IDLO) ayaa isaguna ka warbixiyey dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya loo samaynayo. Waxa kaloo isaguna dastuurka ka hadlay Dr. Thomas Ginsburg oo ah macalin ka ah University of Chicago kana mid ah dadka wax ka qoraya dastuurka Soomaaliya.

Dr. Hodan Ciise, Dr. Fowsiya Abraar, Fowsiya Cabdulqaadir, Ibraahim Aye iyo Dr. Maxamed Cali Abuukar ayaa ka kala hadlay dhinyada nabadeynta, dib u dhiska, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta beeraha. Waxayna sheegeen in la soo gaaray xilligii aqoonta dadka dibada jooga ay geyn lahaayeen dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Qunsulka dalka Turkeya u fadhiya Bariga-Galbeed (Midwest) ee dalka Mareykanka Ftih Yildiz oo ka warbixiyey howlaha ay dalka Turkiya ka wadaan dalka Soomaaliya.

Dadweynihii shirkaas ka soo qayb-galay ayaa si weyn uga dooday qodobadii la soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen Dastuurka, Waxbarashada dib u dhiska ciidamada, dimoqaraadiyadda, horumarinta beeraha iyo kaalinta qurba-joogta ay ka qaadan karto dhismaha dalka Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda Somali Stratagy Forum Yuusuf Maalin oo u waramiyey Hiiraan Online ayaa sheegay in ay wadaan qorsho ay rabaan in ku tababaraan qurba-joogtai ay qayb uga qaataan dib u dhiska Soomaaliya. Yuusuf ayaa sheegay in ay tababaridoonaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya.

Madaxa hay’adda World Engagment Institute Charles Tucker oo dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyey xaaladda dalka Soomaaliya mar uu u waramyey Moment Media Group (MMG). Charles Tucker ayaa sheegay in nabadgalyada Soomaaliya ay ku xirantahay dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada oo loo abuuro xirfado ay ku shaqeystaan iyo ganacsatada oo laga kaalmeeyo sidii ay ganacsigooda horay ugu marinlahaayeen.

Moment Media Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s