Dowlada Talyaaniga Oo Sheegtay In Dowlada KMG Aan La Aamini Karin Haddii Aysan Wax Ka Soo Bixin Baaritaanada Qaraxii Tiyaatarka

Mogadushu April 16, 2012 (MMG) –  Danjiraha dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya oo goordhow Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay arimo badan oo ay qayb ka tahay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Andarei Marela wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowlada KMG Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay baarayso qaraxaasi cidii ka danbaysay isla markaana dowlada looga fadhiyo in ay jawaab ka keento baaritaankeeda iyo wixii ka soo baxaa.

Wuxuu sheegay hadii baaritaankaasi uu noqdo mid aanan wax soo kordhin xaalada wadanka Soomaaliya ay tahay mid aanan la isku haleyn Karin isla markaana aanan la aamini Karin dowlada.

Sidoo kale danjire Andarei Marela wuxuu ka hadlay wadaha hadalka Soomaaliland iyo waliba dowlada KMG Soomaaliya wuxuuna sheegay in wada hadaladaasi ay yihiin kuwo la soo dhoweeyo, wuxuuna sheegay in ay muujinayso in la isku soo dhowaanayo.

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay hab dhaqanka siyaasadda Al-Shabaab oo uu sheegay in Al-Shabaab aysan dadka Soomaaliyeed hogaamin Karin dadkuna ay arkeen.

Hadalka safiirka ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dowlada KMG Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay wado baaritaano ku aadan cidii ka danbaysay qaraxaasi khasaaraha badan geystay ee ka dhacay tiyaatarka qaranka.  Waxaana maalintii shalay ciidamada amaanka ay xireen ugu yaraan saddex ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha amaanka ee xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas kuwaasoo su’aalo laga weydiinayo qaraxa.

Qaraxii Tiyaatarka ee 04/04/2012 ayaa tuhun badan ka dhex dhaliyey hay’adaha dawlada dhexdooda iyadoo dadweynaha ay weli sugayaan sida dawladu u dhigto baarista socota.

Moment Media Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s