Heshiis Qarsoodi dhexmaray Xarakada Aalla Sheikh iyo Xildhibaanada uu hogaamiyo Madoobe Nuunow

April 16, 2012 (MMG) – Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya qaar ka tirsan Culimada Aalla Sheikh in ay garab siinaayan Xildhibaanada Garabka Madoobe Nuunow oo iyagu kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Xildhibaanada garabka Madoobe Nuuno ayaa kulan qarsoodi ah la qaatay 7 Culimo oo katirsan Aalla Sheikh kulanka ayaa ahaa mid qarsoodi ah oo ka dhacay Hotel Suxufi waxaana halkaasi lagu lafa guray Siyaasada Shariif Sheikh axmed iyo xiriirka Xubnaha iyo Culimada Aalla Sheikh ka dhexeeya mudooyinkii dambe.

Kulanka Xildhibaanada Garabka Madoobe Nuunow iyo Culimada Aalla Sheikh ayaa kusoo beegmaya xili kala guur ah, islamar ahaantaana Khilaaf xoogana ka dhex dilaacay Dowladda Shariif iyo waxgaradk,culimada,aqoonyahaanada Aalla Sheikh oo dhinac ah.

Khilaafka soo kala dhex galay Aalla sheikh ayaa lagu micneeyay in uu ka dhashay kadib markii ay isku qilaafen qodobo la hor dhigay Mushraxiinta madaxtinimo ee sanadkaan u sharxan aalla sheikh.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaanada uu hogaaminayo Madoobe Nuunow iyo 7 Culimo oo ka tirsan Xarakada Aalla sheikh ayaa isla meel dhigay qodobo labada qeyb farxad galinaya iyo balan qaadyo salka ku haayan awood qeybsiga labada garab mucaaradka ee kasoo horjeeda Shariif Sheikh Axmed.

Qodobada ay isla meel dhigeen garabka Madoobe Nuunow iyo Culimada Aallah Sheikh ee kasoo horjeeda siyaasada qunyar socodka ah ee dowladda ayaa tiro qodobo ah oo ay isla meel dhigeen labada dhinac ee kulanka ku qaatay Hotel Saxafi oo soo gaaray shabakada Moment Media Group ayaa waxaa kamid ahaa :-

  • 1- in wada jir loo mucarado ansaxinta Dastuurka cusub oo ay ku sheegen in lagu soo dhoo-dhoobay Dalalka dariska ah.
  • 2- Shariif iyo xubnihiisa wasiirada in lagu kiciyo shacabka iyo ururada mocaradka ah si looga hortago rajada ay qabto dowladiisa in ay dib usoo rogaal celiso.
  • 3- in laga hadlo qeybaha kala duwan ee warbaahinta lana soo bandhigo sawir muuqaal xun oo ku aadan dowladda si loo helo mucaarad hor leh.
  • 4- buuq iyo diidmo kadib 50% in loo qeybiyo rajada xildhibaanada garabka madoowe nuunow iyo culimada aalla sheikh islamar ahaantana la qeybsado awooda.

5- Xildhibaanada iyo 7 kamid ah culimada Aalla sheikh waxa ay isla meel dhigeen in Asbuuc waliba ay qaatan labo kulan oo ay uga arinsanaayan dowladda KMG iyo wixii kusoo kordha siyaasada qunyar socodka ah.
Kulanka iyo isfahanka labada qeyb ayaa kusoo beegmaya xili Guddoomiyaha Majmaca Culimada soomaaliyeed Sheikh Axmed Dhicisow uu sheegay in doorashada soo socta la dooran doonin shaqsi ka tirsan Aalla Sheikh gaar ahaa waxa uu farta ku fiiqat Shariif Sheikh Axmed iyo labo masuul oo katirsan Aalla Sheikh, Khilaafka soo kala dhex galay xubnaha Aalla Sheikh ayaa ah mid laga dareemaya magaalada muqdisho waxaana la sheegaya in ay joojiyeen ololihii doorasho kadib markii laga cabsaday in ay dhibaato ka dhalato.

Moment Media Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s