Waqooyi iyo Koonfur

April 16, 2012 (MMG) – Figradda hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliland ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta Soomaaliya Dadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd laba gobol oo ay kala gumeysan jireen laba gumeyste. Markii ay iska xoreeyeen gumeysigana, labada gobol iskood ayay iskugu tageen. Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka billowday ku xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol midoobaan, ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka. Inkastoo aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani ku doodaysaa, ujeeddadu way iska caddayd. Haseyeeshee, reer Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna ku duudsiyey reer Waqooyi. “Guuxa keenay dagaalkaba wuxuu salka ku hayaa nidaamka federaalka oo lagu xadgudbay,” ayey dadkani qabaan. “Marka haddii Soomaaliya ay isku soo noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo oo loo gorgortamo Waqooyi iyo Koonfur” ayey dabadhigaan.

Dhanka kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka) waxay u arkaan inaysan macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale, waxaa iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door bidayaan in nidaamka lagu saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii militariga ee ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka kale, waxaa jira figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi dib ula noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar kale Koonfur kala hadasho midnimo. Marka la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis, waana lagu heshiin karaa wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in sidaas la isku oggol yahay. Haddiiba la qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta awoodda dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab ka dhigeysa in gobolladu ay yaraadaan. Tan kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku ay kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan lagu daro muhimadda ay leedahay in midnimada Soomaalida la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon tahay in tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo Koonfur. Marka dhinacaas laga soo fiiriyo waxaa la dhihi karaa waa arrin suurtagal ah in federaal laba gobol ka kooban la sameeyo.

Haseyeeshee, arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka uu wato nidaamka federaalka ah ee aan kor ku soo sheegay. Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii la imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha ka maqnayn in wax kasta oo nidaamka federaalka lagu samayn karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira sida waxa afka qalaad lagu yiraado Decentralized Unitary State (dowlad dhexe oo haddana gobollada iyo degmooyinka siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar ay is-weydiiyaan faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u dhexeeya faraq weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo mar kale.

Moment Media Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s