Turkiga waxa uu horseeday in Dowlado badan ay caawiyaan Soomaaliya – Daawo Isbadalka!

ISTANBUL Wednesday 18 April 2012  – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Nur Sheikh Hamud Mursal, ayaa amaanay Dadaalka iyo kaalinta ay Dowladda Turkiga iyo Shacabkeeda ka qaateen samata bixinta iyo wax u qabashada Dadka ay Abaarta iyo Macaluusha saamaysay ee Soomaaliya Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011.

Safiirka ayaa sheegay in Booqshadii Taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul wasaaraha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagay Bishii November 2011 Magaalada Muqdisho ay u soo jiiday Soomaaliya in Dowladdo badan ay usoo gurmadaan Shacabka dhibaateysan.

“Turkiga wax badan ayay Muddo yar gudahooda ku qabteen, Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ugu mahadcelinayaan dareenka walaaltinimo iyo Kaalamada lama iloobaanka ah ee ay Turkiga u fidiyeen Soomaaliya xilli ay aad ugu baahnaayeen in la caawiyo. Abaarta waxa ay dishay 29,000 oo ah Carruur da’doodu ay ka yartahay 5 sano, waxaana sidoo kale ay Macluul ku riday 12 million oo Qof,” sidaasi waxaa yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga.

Safiirka ayaa sidoo kake tilmaamay in Turkiga uu noqday dowladda Illaah usoo diray inay badbaadiso dadka Soomaaliyeed ee la dhimanayay Abaarta iyo Macluusha, isagoo intaasi ku daray in shacabka ay u arkaan Turkiga inuusan ahayn dad Ajanabi ah oo ay u arkaan inay yihin Walaalahooda dhabta ah.

Wareysi uu Keydmedia.net Siiyay Safiirka cusub ee dawlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun ayuu wuxuu sheegay in Turkiya ku talojirto inay Caasimadda biyo iyo korontaba geliso, jidadkana ay dayactgirto.

Waxaa u Qorshaysan inay dhisto Isbitaalo, bukaan socodyo iyo shaybaarro badan, isla markaana ay soo noolayso adeegyada guud, daryeelka Caafimaadka, hirgelinta Qaxbarashada iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha.

Turkiga waxa ay Soomaaliya usoo direen intii ay dhibaatadu jirtay maraakiib iyo Diyaaraddo waday gargaarka Bini’aadanimo oo Qiimihiisu ku kacaya $365 million (TL 640 million), waxaana sidoo kale dalka ay ka hergeliyeen adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo weli dib u dhiska Dalka, waxaan ay sidoo kale Safaarad ka furteen magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya yimid maal qabeeno iyo Ganacsato badan oo ka abuuray dalka Maalgashi iyo xariiro Ganacsi oo ay kula midoobeen Shirkado iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Bilal Celik (Bilaal Shaliig) oo ah Guddoomiyaha Urur Ganacsi oo la yiraahdo Somali-Turkish Businessmen’s Association (TUSKON ) oo ay 5 Bishan April si wada jir ah u dhisteen 4 Shirkadood oo Soomaali ah iyo 3 Turkey ah ayaa u sheegay Keydmedia in Mashruucan Ganacsi oo ku kaci doono Lacag gaaraysa 50 million USD Sanadkan 2012. Fillo dhawaan Wareysiga Bilal.

Dalal badan oo ay ugu badnaayeen kuwa Carabta ah ayaa ku dhiiraday iyagoo ku dayanaya Turkiga in Soomaaliya ay yimaadaan, kuwaasi oo soo gaarsiiyay Gar gaar aan kala joogsi lahayn oo laga soo aruuriyay Shacabiga dalalkaasi, taasi oo wax weyn ka qabatay in la badbaadiyo nolosha dad badan oo u dhiman lahaa gaajo iyo Nafaqo darri.

Lakiin Dowlada Carabtu Soomaaliya ma u qabteen intey Turkiga Qabteen? Waa Maya!

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s