OGEYSIIS….. “Waxaa na soo galay dastuur xoog & xayeysiin lagu wado sida alaab dhacday, waxaana hor boodaya dad ciil u qaba caasimada Soomaaliya ee Muqdisho”

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS: …………dastuur

 

19.04.2012 (MMG) – Xersi Diiriye oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee qurba-joogta ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska, oo maanta saxaafadda la soo xiriiray ayaa ka horyimid qorshaha cusub ee ku saabsan dastuurka Soomaaliya loo sameynayo, wuxuuna Xersi sheegay in dastuur macnihiisu yahay masiir ummaddeed, ayna tahay diyaarintiisa & meelmarintiisa in ay iska kaashadaan maskax-maalka Soomaalida, wuxuuna Soomaalida ku tilmaamay dad dagaalo sokeeye soo maray oo aan xal waafi ah ka gaarin dhibaatooyinkii kala gaaray, wuxuuna ku baaqay gogol dib u heshiisiineed oo ay Soomaalidu garwadeen ka tahay, wuxuuna ku tilmaamay kooxaha hor boodaya dastuurka cusub in ay yihiin kuwa ciil u qaba caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Soomaaliya waa u baahan tahay dastuur in loo sameeyo, waxaase ka horreeya dastuurka in marka hore Soomaali dib u heshiisiin dhammeystiran loo sameeyo, dadka loo xilsaarayo diyaarinta dastuurkana ay noqdaan dad ummadda Soomaaliyeed kalsooni ka haysta oo lagu aamini karo masiirkeeda, lagana soo xulay dhammaan deegaanada Soomaalida” ayuu yiri Xersi Diiriye, wuxuuna intaa ku daray in qolo kasta oo isku dayda in ay dastuur beenaad ummadda u hoosaasiso in cawaaqibta ka timaada ay dhabarka u ridan doonto.

“Ummadda Soomaaliyeed dagaalo sokeeye ayey soo martay si kasta oo ay dagaaladaasi u dhaceen, dadkii Soomaaliyeed waxey noqdeen wax wadankii ka qaxay, oo tuulo u cararay, kuwa maciin biday qurbaha, Soomaali waxaa garwadeen u ahaa intii ay dhibaatadu ku jirtay dowlado ama shaqsiyaad aan ka tarjumi karin danta & maslaxada ummadda, waxaa la isku ogaa in dib u heshiisiin dhammeystiran loo sameeyo oo waxgaradka Soomaalidu ay abaabulaan sidii looga heshiin lahaa colaadihii dalka ka dhacay, labadii diin isku haysata in la heshiisiiyo, oo si sharciga islaamka & dhaqanka islaamka lagu kala saaro, markaa kadibna heshiis mideyn ah loo sameeyo” ayuu yiri Xersi, wuxuuna xusay in Soomaalidu aaney sina ku kala maarmeyn oo ay yihiin dad ehel & askumo isku ah.

“Ma aynaan ogeyn cid soomaali uga wakiil ah dhinaca sharci u dejinta, dastuurkeedana mas’uulka ah, mar keliya ayaa waxaa na soo galaya dastuur sida daawo dhacday la xayeysiinayo meel la isugu yeerayna ma jirin, dastuur xoog & xayeysiin lagu wado sida alaab dhacdayna suurtagal ma ahan” ayuu yiri Xersi wuxuuna intaa ku daray, wuxuuna intaa ku daray “Markaan naarnay cidda dastuurkaasi hogaanka u haya waxaan xaqiiqdsanay in ay hor boodayaan dad ciil u qaba caasimadda Soomaaliya oo ay dhibeyso midnimada & wadajirka ummadda Soomaaliyeed”

Moment Meida Group

Aqoonyahano Dastuurka ka Soo Horjeeda Hoos Ka Daawo:

http://www.youtube.com/watch?v=JFj6SGEulVI&feature=player_embedded

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s