Somaliland oo diidday ergada Soomaaliya

19 Abriil, 2012 (MMG) -Dowladda Somaliland ayaa qaaddacday wadahadal beryahan laga dhursugayay oo dhex mari lahaa dowladda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo BBC u warramay ayaa ku tilmaamay in sababtu ay tahay laba xubnood oo Puntland ka socda kana soo jeeda degaanka Somaliland. Hore ayaa Somaliland iyo Soomaaliya ay u magacaabeen laba ergo oo midkiiba ka kooban yahay 5 Wasiir oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Waxaa ka dib laga daba geeyay ergada Soomaaliya laba Wasiir oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo degaan ahaan ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag.

Somaliland waxay hadda sheegtay laba sababood oo ay ku diidday tahay wadahadalka in ay la gasho ergada 7-da ah ee metalaya Soomaaliya.

Midda hore waxay ku tilmaantay in aanay dooneyn in ay maamul goboleedyo la gasho wadaxaajood, inkasta oo Wasiirku uu ka afeeftay oo sheegay in uu xushmad u hayo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Tan labaadna waxay ku sheegtay in ay tahay in ay wadahadlaan Koofur iyo Woqooyi sidii la ahaa intii aan la midoobin kowdii July 1960.

Wasiirka Somaliland wuxuu u dhigay in dad reer Somaliland ah lagu soo daro ergada Soomaaliya in ay tahay mid loola dan leeyahay in arrimo u gaar ah Somaliland ay hareeyaan wadahadalka.

Waxay sheegtay Somaliland in ay weli daneyneyso in ay wadahadal la gasho dowladda Soomaaliya.

Sidaa darteed waxay ugu baaqday Madaxweyne Shiikh Shariif in aanuu carqaladeyn wadahadalka oo uu ergadiisa u dhigo qaab ay Somaliland hor fariisan karto.

Moment Media Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s