Xildhibaano iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo Dowlada KMG ka dalbaday in laga dhigo Hiiran laba Gobol

Saturday, April 21st, 2012 | Xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa waxay isku raaceen in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol, iyagoo sheegay in gobolka Hiiraan uu muddo dheer cadaalad-darro kusoo jiray.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xubno uu ka mid yahay mudane xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur, iyadoo xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay oo tiradoodu kor u dhaafaysay 40-tameeyo ay isku waafaqeen in gobolka Hiiraan laga dhigo laba gobol.

Xildhibaannada iyo wasiirrada Reer Hiiraan ayaa waxay kulankooda ka sheegeen in gobollada kale ee dalka loo qaybiyay min laba illaa saddex, balse gobolka Hiiraan uu yahay mid aan la kala qaybin tan iyo markii gobollada dalka ay ahaayeen sideedda.

Wasiirrada kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay kala ahaayeen: wasiir u dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka, C/qaadir Dhicisoow, wasiir u dowladaha madaxtooyada, C/raxiin Abiikar iyo wasiir u dowlaha wasaaradda caafimaadka, Maxmed Cumar.

Qorsho Gobolka Hiiraan 2- Loogu Qeybinayo Oo Muqdisho Ka Socda

Sun, Apr 22nd, 2012 -Muqdisho: HN: Xildhibaanada iyo qaar ka mida wasiirada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa baryahan waxay magaalada Muqdisho ka wadaan ololo aay ku doonayaan in gobolka Hiiraan loo qeybiyo labo gobol iyadoo gobolka Hiiraan caasimadiisu noqon doonto B/weyne halka gobolka Shabeelada sarre caasimadiisa laga dhigi doono magaalada buulo Burte.

Qorshahan ayay sheegeen in bulshada reer Hiiraan aay dhamaantood taageersan yihiin una arkaan in aay cadaalad keeni karto maadaama gobolka Hiiraan yahay midka kaliya ee aan la kala qeybin mudadii kacaanku wadanka ka talinayay.

Xildhibaanada kulanka isugu yimid oo tiradoodu badneyn ayaa dood dheer kadib isla qaatay inay goáansadaan in dowlada federaalka lagu wargeliyo goáanka aay soo gaareen, iyadoo loo marayo wado nadaam dowli ah, waxaana halkaa lagu magacaabay gudi arinkaa kala xaajooda dowlada federaalka.

Waa markii ugu horeysay oo masuuliyiin ka soo jeeda Hiiraan ka shiraan qeybinta gobolka Hiiraan, waxaana arinta soo dedejiyey baa la leeeyahay cadaalad darada iyo sedbursi baryahan laga sheegay awood qeybsiga iyo weliba dastuurka qabyo qoraalka, kaasoo reer Hiiraan intooda badan qeylo dhaan ka keeneen.

Lama oga sida dowlada federaalku u tixgelin doonto goáanada masuuliyiinta reer Hiiraan laakiin Ibrahim Xabiib oo ka mida xildhibaanada ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in arinkan aay soo goáansadeen aanay jirin sabab lagu diido, isagoo sabab uga dhigay in gobolka Hiiraan Soomalidoo dhan u ogtahay inuu yahay gobol ka dambeeye 8-gobol ee xiligii kacaanka ka horeysay, sidaa daraadeedna aanay caqli gal ahayn in la inkiro.

Xabeeb ayaa sii watoo yiri, waxaanu goáankaas uga noqonaa waa iyadoo wadanka lagu soo celiyaa 8-dii gobol hadii kale meeshii 7-gobol ee kale mareen ayay Hiiraana mareysaa.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s