WADAHALKA SOOMAALIDA: Qorshe-Xumo iyo Jahwareer Siyaasadeed…..

Wednesday, April 25th, 2012 – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad isu soo tarayay, wada hadalo la sheegay in loo qabanayo soomaalida, fikradda wahadalkaas waxay ka dhalatay shir bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay soomaalida loogu qabtay waddanka Ingiriiska. Qormadeyda maanta waxaan ku soo qaadan doonaa wada hadaladii la sheegay in soomaalida loo qabanayo iyo mugdigii soo kala dhex galay markii dambe. Waxaan wax ka oran doonaa waxa la isku hayo iyo halka jahwareerku ka jiro.

Shirkii London ee bishii Febraayo 23-keedii, waxaa la isku soo qaaday in soomaalidu wada hadasho. Arrinta wada hadalka soomaalida waa arrin hal macno oo keliya leh laakiin qolo weliba sidii ay u aragtay ama siyaasaddoodu ku qotontay ayay u fasiratay. Somali-land waxay qabtay in loo wada hadlo Koonfur iyo Woqooyi. Puntland  waxay qabtay in qeybaha kala duwan ee maamulada soomaaliya wada hadlaan ama ugu yaraan Puntland goob joog ka ahaato kana qeyb qaadato shir walba oo soomaalida loo qabanayo, halka DFKMG ah si u dhow sida Puntland wax u qorsheysay inkastoo markii hore warar kaa ka duwan aan sii maqalnay. Qeybaha kale ee Soomaalida intooda badan cidi ma wareysan, waxaase jiray oo la maq-maqlayay qaar qeybahaa kamid ah oo labadaa fikradood kala taageersan.

Si loo fahmo waxa jira marka hore waa muhiim ah in la qeexo Yaa wada hadlaya! markaa ayaa la gaari karaa sidee loo wada hadlayaa maxaase laga wada hadlayaa? Si aan ugu gudubno labada qodob ee dambe bal marka hore aan isla fahanno ka furaha u ah, soomaaliduna aad ugu wareersan tahay ee Yaa wada hadlaya, waana qeybta uu maqaalkani ku saabsanaan doono haddii Alle idmo.

QAABKA WADA HADAL EE LA QOONSADAY

Waxaa si xowli ah oo guux faro badan dhalisay mar qura hawada la soo geliyay ama qeybo soomaalida ka mid ah soo jeediyeen in soomaalidu u wada hadasaho qaab labo labo erey u wada socda, marna ka soo jeeda gumeystihii dalka qabsaday sida British Somali-land iyo Italian Somali-land, marka kalena lagu tilmaamo jihooyinkii ay waagaa kala jireen sida Koonfur iyo Woqooyi.

Qaabka hore wax badan ka oran maayo oo cid walbaa waa ogsoontahay in magacyadan gumeysiga laga soo min-guuriyay aan shir waxba looga tari karin, taas oo xitaa kuwii sameeyay (waa gumeystayaashii’ye) ku adag tahay in ay sidaa hadalka u dhigaan. Laakiin ay suurto-gal noqon karto haddii adiga xaggaaga faham yari kaa bidaan ay si qaab farsameysan oo labadaa shey ka tarjumeysa laguugu qeexo, si waxa ku hoosjiraa aadan hadhow u garan. Waana tan hadda socota ee quruxdu ka muuqato ee dadka qaarkii ku jah-wareersan yihiin sida hadalka loogu dhigay taas oo ah Soomaaliya iyo Somaliland ha loo wada hadlo.

Kama xumi in soomaalida labadaa Jiho waqtigii gumeysiga kala dagganaa wada hadlaan, laakiin waxa la yaabka igu riday ayaa ah ereyga aan wanaagsaneyn haddana loo ekeysiinayo in wax wanaagsan uu yahay. Waxaad dhici kara qof markaad weydiiso su’aal ah “qaabkii gumeysigu in oo qeybiyay ma u wada hadalnaa?” in uu durba kuugu jawaabo MAYA macquul ma aha, haddaad isla su’aashaa si kale u weydiiso-na ood u yara qurxiso markaa xaalka si kale u arko  oo jawaabta HAA aad si sahal ah uga hesho. Laga yaabe haddaad hadhow u yara macneyso in wax kaaga soo noqdaan, laakiin arrintan dad badani si ay u fahmaan ku adag tahay, ayaa igu dhalisay in aan qormadaan iska soo hor mariyo.

Qaabka kale ee koonfur iyo woqooyi oo dadka qaarkii isticmaalaan haddaan isgana wax yar ka iraahdo, inkastoo kala duwanaasho badan oo labadooda u dhaxeysa aysan jirin, haddana waxaa la oran karaa wuu yara dhaamaa kaa hore ee magaca gumeystaha ee qayaxan wata. Qaabkan laftigiisa su’aalo iyo dood badan ayaa ka imaneysa, haddii la iska qanciyana waxaa laga yaabaa in xalka wada-hadalka meel markaa laga qabsado la helo.

Marka  ereyadaa tilmaamaha muujinaya sida Koonfur & Woqooyi  la soo hadal qaado waxaa isla markiiba dareemeysaa haddaad hore wax u soo dhigatay in qeybo kale oo jihooyinka ka mid ah ay meesha ka maqan yihiin sida Galbeed iyo Bari . Haddaba haddii wadahadalada lagu koobo Koonfur iyo Woqooyi, Bari iyo Galbeed sidee laga yeelayaa? waa su’aal isla markaba imaneysa jawaabna u baahan, ma filayo 4-ta jiho ee la isla yaqaan in qaar laga boodi karo. Markaa dhinacyada Galbeed iyo Bari waa in ay ku soo biiraan wada-hadalka Woqooyi iyo Koonfur halkaan laga qabsado xariga wada hadalka.

Intaa oo keliya maahee, xitaa marka lahelo jihooyinka ama qeybaha maqan, waxaa iyana dhici karta in jihooyin kale aadna loo isticmaalo ay meesha soo galaan sida Woqooyi-Bari, Koonfur-Galbeed,Koonfur-Bari iyo Woqooyi-Galbeed . Ogoow jihooyinkan dambe kuwo ka mid ah soomaalida qeybo  ka mid ah ayaa hore loo oran jiray. Marka haddii xaalku sidaa yahay oo intaa oo jiho la isku keeno,sow macnuhu ma aha soomaaliya oo dhan! khadkaa dheer maan soo gaabino oo niraahno soomaalidu ha wada hadasho ; waa erey kooban oo macno buuxa sameynaya cid walbana qancin kara, addunkuna sidaa ugu sheegay hadday wax maqlayaan!!.

MAXAA SOMALILAND KA CAREYSIIYAY?

Iyadoo la isu diyaarinayo sidii wadahadalada looga qeyb geli lahaa, qolo welibana qeybtii uga qeyb geli laheyd soo diyaarsatay ayaa maamulka la magac baxay Somalilandarrintii dib uga noqotay. Maxaa is badalay? Haddii aad dhageysateen barnaamijkii falanqeynta jimcaha ee BBC-du qabatay isbuucii tagay, waxaa hadal ka soo yeeray siyaasiga Feysal Cali Waraabe ku sheegay in aysan dooneyn in qaabsaddex dowladood oo kale ah loo wada hadlo. Maxay yihiin saddex-da dowladood ee Feysal Cali Waraabe ka dhawaajiyay?  Qofkii kelmaddaa qabsadaa wuxuu isla markaba dareemayaa in jiho kale oo aan Koonfur iyo Woqooyi midna aheyn meesha ku jirto, oo waa tuma jihadaasi? hadaad sii akhriso waxaad garan kareysaa jihadaasi (dowladda saddexaad) meesha ay tahay.

Waxay kelmaddani xiriir la yeelaneysaa jihooyinkii aan hore u soo tilmaamay ee soomaalidu ka kooban tahay mid ka mid ah. Waxaa markii hore la isku dayay in laga boodo laakiin xajmiga iyo awoodda siyaasadeed ee ay jihadani (Woqooyi-Bari) ay Soomaalida dhexdeeda ku leedahay ayaa xubnaha labada keliya ah ee ay soo magacowday waxay ka xoog bateen xubnihii kale ee shanta ahaa, waxaa dabadeed halkaa ku baaba’ay ujeedadii wadahaladan laga lahaa, waxayna sheekadii ku noqotay halkii ay ka soo bilaabatay ee ground ZERO.

Barnaamijkaa BBC-du qabatay ee falanqeynta Jimcaha ujeedada laga lahaa iyo faa’iida ay ummadda halkaa (Woqooyi-Bari) daggan ka heshay ayaa noqday kaaf iyo kala dheeri. Reer Woqooyi-Bari (Puntland) waxay intaan hore u fahansaneyn barnaamijkaa ka fahmeen ujeedada laga lahaa waxa loola jeeday Koonfur iyo Woqooyi ha wada hadlaan, iyadoon jihooyinka kale ee maqan lagu soo darin.

Su’aalaha kale ee la is weydiin karo ayaa iyana waxaa  ka mid ah: Maxay yihiin waxa khaldamay 1960-kii ee maanta oo la joogo 2012 la saxayaa? Ma laba dowladood oo iskuu biiray baa jiray oo soomaaliya la isku oran jiray? Haddii ay jireen-se yaa madaxweynayaal ka ahaa? Calamadoodu noocee ayay ahaayeen? Maxayse labadaa dowladood ku kala duwanaayeen? Ma diin, ma af, mise dhaqan? Maxaase keenay in ay waqtigaa isaga ah isku biiraan? Ma iyagaa is doortay mise caalamkaa isku daray? Khariidada caalamkase xaggee kaga jireen? Haddii jawaabaha intaa oo su’aalood oo aasaas u ah isku biirista laba dowladood  la waayo, waxa la isaga  daalinayo waqtigan waa wax aan anigu fahmi waayay. Qofkiise jawaab u hayaa isagaa shaashadda iskeeni doona.

MAXAY PUNTLAND DAREENTAY?

Puntland oo ah maamul wax walba hadda u dhameystiran yihiin sida golayaasha dowladda, dastuur cusub, calan u gooni ah dal iyo dad ay ku xisaabtamayaan, waxay si cad u sheegeen in shir aysan goob joog ka aheyn raali ka noqoneyn.  Inkastoo aanan ku dhex jirin siyaasadda Puntland hadda ku shaqeyso , haddana haddaan caqliga Alle i siiyay ku qiyaaso macnuhu wuxuu iigu muuqday, in Puntland isu og-tahay maamul dareensan awoodda ay soomaaliya dhexdeeda ku leedahay, talada wadankana wax ku leedahay, in lagu tixgeliyaana lama huraan tahay.

Waqtigii la maqlayba in Soomaalidu wada hadal bilaabayaan si deg-degga ahna la isugu jawaabay, PUNTLAND WAR BAA GALAY! Wax kale maahee waxa isu qaban waayay waxa waqtigan ku soo aadiyay iyo xowliga howshu ku socoto, iyadoo howlo kale oo cul-culus ay jireen laguna guda jiray in wax laga qabto sida dastuurka soomaalida iyo doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda marka waqtiga kala guurka laga gudbo. Durba madixii ugu sarreeyay Puntland ayaa hadlay, hadal aan cusbeyn, oo dhowr goor hore laga maqlay ayuu mar kale ku celiyay taasoo aan u qaatay in ay xuuusin ka aheyd maadaama soomaalidu iyagoo khatarta arkaya isku dayaan in ay iska indho tiraan. Markii hadalkaa la maqlay calyadaa dib loo liqay, xowligii howshu ku soctay hakad yar ayaa ku yimid. Maxaa loo kala ordayay oo lakala boobi lahaa? Maxaa hadhow ka iman karay cidina si hoose isuma weydiin. Laakiin waxaa muuqatay uun dhaqanka soomaalidu caadada ka dhigatay ee ah in wax lakala boobo si hadhow la isugu faano. Anoo reer hebel ah ayaa reerkaaga ka xoolo/wasiiro/kursi badan.

Cid walbaa oo caqliga u saliim ah wuu dareemi karayay in haddii howshu sida ku sii socoto , cawaaqibka ay arrintaasi keeni karto. Haddaba taladii Puntland waxay keentay in madaxweyne Sh Shariif durba xubnihiisa wadahadalka ku soo daro labo xubnood oo Puntland ka soo jeeda.. Weliba waxaa igu maqaalo ah in Puntland tanasul arrintaa ka sameysay oo qorshaheedu ahaa in xubnaha ay labada qeybood ee kale magacaabeen ee min 5-ta xubnood ah, Puntland-na intoo kale soo magacowdo.

Mar haddii hore loogu dhiiraday in sidaa la yeelo, waxa markii dambe badalay su’aal ayay noqotay, waxaanse u qaatay in ay jirto culeys meel kale kaga yimid in sidaa loo yeelay. Maleynteydii waxaa yaqiin u badalay markii wakiilka Arrimaha Soomaaliya qaramada midoobay u qaabilsan Augustino Mahiga uu safar deg-deg ah ugu ambabaxay Hargeysa. Lama oga howsha uu halkaa u tagay iyo waxyaabaha looga wada hadlay, laakiin saadaal waa laga sii bixin karaa. Mar haddii caalamkii sidaa ula socdo arrimaha soomaaliya, waxaan weli garan kari la’ahay waxa soomaalidu isu yeel-yeesho. Waxaanse u qaatay in jahli iyo qabyaaladi wax badan oo ay qabsan lahaayeen dhaafinayaan.

Mar haddii sida wax loo doonayay wax u socon waayeen, iyo khibradda ay maalinba maalinta ka dambeysa Puntland ka yeelaneyso arrimahan oo kale ay sii siyaadeyso, taasoo markii dambe keentay in gaashaan sii sameysato. Waxaa ii soo baxay, dad badan oo kalena shaki ka muujiyeen  in haddii la isku dayo in Puntland xaqeeda la duudsiiyo ay markaa suurto gal tahay in Puntland ku dhawaaqdo GOONI ISU-TAAG, oo xalka soomaaliya markaa meesha uu hadda joogo meel ka fog laga raadiyo.

JAHWAREERKU XAGGEE KA JIRAA?

Hadal siyaasadeedka qolo weliba si u oraneyso marka laga soo tago,  waxaa  hubaal ah in aad is weydiineyso Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG)  ee wadahadalka galeysaa waa qolama? Yey ka kooban tahay? Xaggee sheegataa in ay ka taliso oo dastuurka ugu qoran? Nidaamka ay hadda ku dhisan tahay ee 4.5 muxuu yahay? Yuuse ka tarjumayaa?  Haddana aad is-weydiiso haddii DFKMG ah ay soomaali oo dhan ka kooban tahay oo sidaa lagu dhisay cidda kale ee ay wada hadalka la galeyso meesha ay ka yimaadeen?

Waa jahwareer mar haddii DFKMG ah ay sheeganeyso wax aysan isuba heysan…..Waa jahwareer kale haddii ay meel walba sidii duqsigii isaga dhaceyso……..Waa jahwareer kan ugu weyn annaga oo sidaa ula soconna waxaan ugi sii yeerno Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah…..

XALKU WAA MAXAY?

Xaqiiqdu waxay tahay waxaa lagu dawoobi karaa, in soomaaliya waa mid’e si siman loo wada hadlo oo qaabka saxda ah loo waajihi karo tahay in soomaalidu u wada hadasho inta qeybood ee ay kooban tahay, qeybahaa adigu magacaad doonto u bixi, sidaana wax walbaa loo qeybsado.

waxaa sidoo kale cad in soomaalidu qaab qabiil isu leysay, u kala baaday, dooneysana in ay hadda wax u qeybsadaan oo aan qolana qolada kale u hoos-fariisan. Markaa haddaan dhaqanka hadda jira ee sad-bursiga ku saleysan iyo wax la orodka  laga kaaftoomin,  rajo lagama qabo in ay wax hagaagaan, meesha ay hadda wax marayaan meel ka hooseysa in ay tagaan mooyee….. waana tan aan ka baqayo in ay aakhirka timaaddo haddii soomaalidu xal la iman weyso waa in xal loo sameeyo taa oo macnaheeda oo gaaban noqonayo waa in maxmiyad la geliyo sidaana gumeysi cusub iyo waqtigan adduunku hore u maray la geliyo.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s