Isbahaysiga Xoogagga Waddaniga ee Isbaddel-doonka Soomaaliyeed oo soo saar bayaan ku wajahan Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya

April 28, 2012 – Xoogaga Madaniga ee Isbeddel doonka Soomalaiyeed  oo ay ku mideeysan yihiin  Ururro Siyaasadeed iyo Xisbiyo ay ka  mid yihiin Xisbiga Nabada iyo Horumarka ee PDP iyo Xisbiga Hiilqaran ayaa maanta soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay  Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Prof Xasan Sheekh Maxamuud  ka hor bayaan la hadlay saxaafada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu doonayo isbadel iyo hogaan  wanaagsan oo  wax ka badala dhaqan xumida siyaassdeed  ee mudada dalka  ragaadiyey.

Afhayeenka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP Mahad Maxamed Salaad ayaa bayaanka saxaafada u aqriyey isagoo ay dhinac joogeen dhamaan saxaiixayaasha ee auy la mid ahaayeen  Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka PDP iyo  Madaxa Siyaasada ee Xisbiga Hiilqaran Prof  Axmed Ismaaciil Samatar.

 

        I.            Horudhac

Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay maanta marayso marxalad siyaasadeed, amni iyo mid bulsho oo aad u adag, iyada oo muuqaalada dhanka siyaasadda ee hadda jira ay ka mid yihiin:

A. Dhammaystirka xilliga KMG ah oo noqday  xaalad siyasadeed oo nagu raagtay.

B. Mugdi iyo shaki hareeyay hannaanka lagu soo afmeerayo isbeddelka siyaasadeed ee  looga baaxayo xaalada ku meel gaarka ah,

C. Saammaynta talooyinka iyo awoodda shisheeyaha oo ka baaxad weyn ka qaybgalka bulshada soomaaliyeed talada iyo go’aan ka gaarista aayahooda

Tusaalooyin cadcadna waxaa u ah sammaynta dastuurka, qaabka soo gelidda ciidamada shisheeye qaarkood, hoggaaminta iyo meel-marinta qaabka looga guurayo ku-meel-gaarnimada sida in dad ajnabi ah xubno cod leh ka noqdaan guddiyada qaabeynayo mustaqbalka dalka iyadoo la diiday in xoogagga abaabulan ee wadaniga ah ay cod iyo talo ku yeeshaan  aaya ka talinta dalka Soomaaliyeed

Hadaba, xaaladahaas aynu kor ku soo xusnay ayaa keentay in uu soo saaro Isbahaysiga Xoogagga Waddaniga ee Isbaddel-doonka Soomaaliyeed  qoraalkan, kaas oo xubnaha isbahaysiga u noqon doona hal-beeg ay ku hubiyaan habsami u socodka mabaaddi’da iyo ujedooyinka ay ku midoobeen, ummadda Soomaaliyeedna u noqda bidhaan iyo jiheeyn geeddisocodka lagu doonayo isbaddel siyaasadeed ee loo aayo

      II.            Geedi Socodka Siyaasadeed

Mabaadida Garoowe waa bilow aan dhamaystirnayn una baahin in isbedellada hoos ku qoran lagu sameeyo hadii laga doonayo in uu miradhal noqdo. Waxaan soo jeedinaynaa in isbaddellada ka dib loo bixiyo  Garowe-Plus.

A. Waa arrin laga  xummaado  xaaladda uu ku sugan yahay baarlammaankii  Soomaaliya. Taas oo ay ugu wacan tahay cahdigii KMG ahaa ee saldhigga u ahaa oo laga tallabsaday.  Arrinkaasi wuxuu keenay in sharci darrida maamulka iyo siyaasadda ay ka mid noqdaan howl maalmeedka dowladnimada Soomaaliya

B. Maareynta Garowe Plus waa in ay u dhanyihiin dhammaan qaybaha kala geddisan ee bulshada  Soomaaliyeed.

C. Dadka hormuudka ka noqonaya Garowe Plus: Ragga saxiixayasha la magacbaxay xaq ayey uleeyihiin inay lahaadaan damac siyaasadeed sida muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu leeyahay, laakiinse xaq uma lahan inay maamulaan wax ka dhaxeeya ummadda Soomaaliyeed iyaga oo damac uga jiro, sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in dadka meelmarinaya Garowe Plus ay noqdaan dad aan lahayn damac siyaasadeed (political ambition), inta lagu guda jiro xilligaan kala guurka ah.

    III.            Shirweynaha

Ergada Shirweynaha (Constituent Assembly) iyo shaqadooda waxaan ka soo jeedinaynaa arrimaha soo socda:

A. Iney dhaqanka iyo duubabka Soomaaliyeed oo ka madaxbannaan faragelin siyaasadeed soo xulaan ergada shirweynaha

B. Ergada shirweynaha iney noqdaan dad lagu soo xulay shruudo la isla oggolaaday, kana yimaadaan beelaha Soomaaliyeed, lana hubiyo in ay ka kooban yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Dhalinyarada, Culumaaudiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada, haweenka iyo qurba joogta.

C. In dhammaan muwaadininta Soomaaliyeed ay u sinnaanaadaan waajibaadka iyo xuquuqda ay kun leeyihiin ama u ku leeyahay dalka hase yeeshe duruufaha taagan awgood, in xilligaan kala guurka ah ismatalaadda iyo awood qaybsiga lagu saleeyo hab-beeleed.

D. Waxaan soo jeedineynaa informulada 4.5 lagu beddelo shan (5) beelood oo simman si loogu sii dhawaada fikirka ah muwaadiniin simman

E.  Shaqada ay qabanayaan ergada shirweynaha in ay noqoto dib u habaynta Axdi qarameedka ku meel gaarka ah oo laga beddelo arrimo ay ka mid yihiin habka Federal-ka, iwm.

F.  Qabyo-Qoraalka Dastuurka ee la doonayo in la meel mariyo ma ahan mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, loomana marin waddo sax ah samayntiisa iyo meelmarintiisaba (ansixintiisa), ogolaanshihiisana wuxuu Soomaaliya u horseedi karaa dhibaato hor leh. Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo inta ay ka suura gelayso in la sammeeyo dastuur dadka soomaaliyeed qaybihiisa kala gedisan ay kaalin mug leh ku yeelanayaan, lana gaarayo suurtagalnimada in afti qaran (Referendum)  loo qaado ogolaanshihiisa. Intaas haddii aaney suurtagal ahayn, waxaan soo jeedineynaa in la sii isticmaalo cahdi qarameedka KMG ah oo dib u eegis lagu sammeeyay.

G. Waxaa soo jeedineynaa in la sammeeyo guddi garsoor (Arbitration Committee) oo:

1.   Madax bannaan oo matala shacabka Soomaaliyeed iyo danahooda.

2.   go’aan ka gaara wixii khilaaf ah ee ka yimaada beelaha dhexdooda ama beel dhexdeeda oo ku aaddan soo xulidda xubnaha Golaha Baarlamaanka ama Golaha ansixinta Dastuurka.

3.   Sidoo kale, guddigani wuxuu noqonayaa geed fadhi Marjaca u ah geedi-socodka siyaasadeed loona soo celinayo wixii khilaaf ah ee soo baxa una baahda in la xaliyo.

4.   Go’aannada ay gaaraan guddiga garsoorku waxay noqonayaan go’aanno kama dambays ah.

H. Tirada xubnaha Baarlamaanka cusub waa inayan ka badan 175 lagu qaybsanayo habka beeleed ku salaysan shan ( 5) beelood oo simman.

I.  Muddada uu shaqaynayo Baarlammaanka cusub iney noqoto 4 Sannadood.

J.  Guddiga Farsamo ee lagu soo jeediyey shirkii Gaalkacyo waxaan soo jeedineynaa in:

1.     Ay xubnihiisu noqdaan rag iyo dumar magac iyo sharaf weyn ku dhex leh dadk Soomaaliyeed, laguna yaqaan sumcad wanaagsan iyo garaad dheeraad ah.

2.     In xubnaha aan Soomaalida ahayn ee guddigan ka tirsanaanaya ay:

                                            i.            Ahaadaan xubna markhaati (goobjoogayaal) uun ah ee aan cod ku lahayn hawsha guddiga.

                                          ii.            Ahaadaan rag ama dumar sumcad wanaagsan ku dhex leh beesha caalamka,  aqoon iyo hufnaan lagu yaqaan iyo khibrad shaqo oo  oo la xiriita hawsha loo igmanayo.

3.     Guddiga Farsamo shaqadoodu waa in ay ku koobnaataa oo keliya:

                                            i.             hubinta in magacyada odayaasha dhaqanku soo gudbiyeen ay waafaqsan yihiin shuruudihii loo dejiyay.

                                          ii.            Hubinta in qaybtii loogu tala galay dumarku ay ka muuqdaan liiska la soo gudbiyey.

                                        iii.            Miisaanka beelaha u dhexeeya inuu sax yahay

4.     In odayaasha dhaqanku u soo gudbiyaan hal magac kursi kasta oo ay Baarlamaanka ku leeyihiin iyo qof keyd ah oo beddela haddii xildhibaan uu banneeyo booska.

5.     Hadii qofka la soo gudbiyey uu dhamaystiri waayo shuruudii laga rabey, waxaa lagu celinayaa odayaashii soo magacaabay si ay waqti kooban oo loo qabtay ugu soo gudbiyaan magac cusub.

6.     In xubnaha cusub ee Baarlammaanka lagu xidho shardi ah in ay dugsi sare dhameeyeen oo aan la aqbalin wax u dhigma.

   IV.             Nidaamka awood qaybsiga

Habka awood qaybsiga beeleed xal umma ah mushkiladda siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku dhisan yahay xaq darro, wuxuu keeni karaa sii kala qeybsanaan ama kala fogaansho dadka Soomaaliyeed. Hase yeeshe, waxaana inoo muuqata in aan laga baxsan Karin marxaladaan hadda lagu jiro ee kala guurka, sidaas daraadeed, waxaan soo jeedinaynaa in awood qeybsiga ama ismatalaadda hab beeleedka ku ekaato xildhibaannada Baarlammaanka oo keliya. Si dowladnimadu u guuleysato, xafiisyada ka soo hara baarlammaanka in loogu tartamo, karti, aqoon, iyo waaya aragnimo la xiriirta howsha xafiiskaas

     V.            Qaabka Hoggaanka

Annagoo ka duuleyno waaya aragnimadii laga dhaxlay 12 sano oo Ku Meel Gaarnimo ah iyo dhaqanka iyo waayo aragnimada dadka Soomaliyeed u leeyihiin dowladnimada,  waxaan soo jeedineynaa in hoggaanka dalka laga dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, jagada ra’iisal wasaarahane meesha laga saaro si uu dhammaado isqabqabsiga hogaanka sare ee ay ku can baxeen dowladihii isxigxigay ee KMG ahaa.

   VI.            Wada Hadalka Dawladda KMG & Maamulka Somaliland

A. Waxaan soo dhoweynaynaa in wada hadal lala furo maamulka ka taliya Somaliland.

B. Waxaan soo jeedinaynaa in Dawladda KMG ay dib ugu noqoto xulashada dadka hawsha  wada hadalka loo xil saarayo una soo xusho dad:

1.   Lagu yaqaanno Somalinimo,

2.   Lagu yaqaanno Wadaninimo,

3.   Lagu yaqaanno Karti, aqoon & madaxbanaani,

4.   Aaminsanaanta Midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

5.   Sumcad iyo sharaf ku dhex leh dadka Soomaaliyeed.

Bayaankaabn Waxaa saxiixay:

1.   Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP)

2.   Xisbiga HiilQaran

3.   Madasha Rajo

4.   Ururka Haweenka HANAD

5.   Midowga Ardayda Soomaaliyeed

6.   Golaha Sare ee Dhallinyarad Qaranka

7.   Xarunta Horumarinta iyo Mideynta Dhallinyarada

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s