Warfaa “Shariif iskuul, sbitaal iyo waddo toona ma dhisin, haddana ha la i doorto ayuu leeyahay waa in la weydiiyaa….“

Xassan Warfaa oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee la kala diray ayaa ugu baaqay saxaafadda Soomaalida in ay doodo u qabato musharixiinta ugu cadcad ee isu soo taagay tartanka doorashada madaxweynenimada Soomaaliya, halkaanna laga raadiyo fursado lagu ogaan karo nuxurka ay xambaarsan yihiin musharixiinta, oo la weydiiyo su’aalo xaqiiqda taabanaya oo qof kasta aan lagala gambaneyn runta, wuxuuna sheegay in dalalka dunidda qofka shacabka soo hor istaaga ee shaaciya inuu madaxweynenimo u tartamayo in ay waajib tahay in qofkaasi ahaado shaqsi ilaa xad shacabku ku aamini karaan masiirkooda, iyadoo aanan loo eegeyn qabiil & wax la mid ah.

“Waxaa nasiib darro ah in TV-ga ay ku xiran yihiin Soomaalida ugu badan ee Universal la yiraah wuxuu u xiran yahay Sheekh Shariif oo musharax kale barnaamijkiisa lagama sii deyn karo, war maxaa dadkan ku dhacay?” ayuu yiri Xassan Warfaa, wuxuuna xusay in Soomaalida qurbaha wax ku soo bartay ay ku dhiiradaan inay tusaale fiican u noqdaan dadkooda.

“Saxaafadda waajibka saarani wuxuu yahay in ay isu keento musharixiinta oo shacabka makaroofanka u furto oo qof kasta waxa uu qabtay la weydiiyo, oo laga hadlo maxaad qabatay oo lagugu dooranayaa? war shilimaad laaluush ah oo aad qaadataa wax kuu tari maayaan, waa inaad dadkaaga wax u qabataa” ayuu yiri Warfaa.

“Sheekh hariif waa in la weydiiyaa shalay markii aad madaxweynenimada isu sharaxeysay maxaad hanti haysatay, maanta hantidaan tirada badan iyo waxaan is daba ordaya halkeed ka keentay? waa in madaxda si cad oo {transprency} ah loola doodi karaa? waana wax adduunka ka dhaca, weliba dalalka Afrikaan ah ayaa ku dhaqma in madaxweynaha si aan leexleexad laheyn wax loo weydiin karo, adduunka waa inaad ogaataan dal kasta waxa uu hormar ku gaaray waxey tahay wax waliba si cad ayaa looga hadlaa“ ayuu yiri Warfaa, wuxuuna intaa ku daray `Nin tuug ah ama shaqsi aan nadiif aheyn xil Soomaaliya inuu ka qabtaa waa xaaraan, saxaafaddii baa waxey buunbuunineysaa kii ummadda dhacayey ,ninkii nadiifka ahaana waxaa la yiri lacag intaas la eg hadaadan bixineyna makaroofanka waa kaa xiran yahay“

———————–

My ideas usually come not at my desk writing but in the midst of living.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s