Tirada Baarlamaanka Cusub Oo Lakordhiyay

Monday, July 23, 2012 – War Dag Dag Ah Oo Ka Soo Yeedhay Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilasan Arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga Ayaa Goor-Dhawayto Kaga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho Kordhinta Baarlamaanka Cusub.

Kordhintan ayaa waxay imaanaysaa kadib markii uu horey codsi uga yimo Odayaasha Dhaqanka.

Mahiiga oo la hadlayay Odayaasha Dhaqanka Oo Shir kulagaa Muqdisho ayaa waxa uu yiri”Waxaad iga codsateen in la kordhiyo tirada Baarlamaanka cusub oo uu ahaa ajandahayagu in laga dhigo 225 idinkuna aad codsateen 275 “Waxaan idiin xaqiijinayaa in codsigiinii la’aqbalay lagana dhigayo tirada Baarlamaanka cusub 275.

Waxaan se’idiin sheegayaa ayuu yiri in aad idinka Odayaal ka Dhaqameed ahaan aad gabteen shaqadiinii laydiin xilsaaray,oo ahayd in aad soo qortaan liiska Odayaasha Dhaqanka iyo ka Eragada uga qayb gakaysa shirka Dastuurka.

Ka Odayaal ahaan waxaan idiin dirsanay in aad soo qortaan 135 Oday iyo liiska Ergooyinka ka qayb galaya shirka Dastuurka laakii ayuu yiri Odayaashu way ku fashil meen doorrkoodii iyo waxii loo igamaday Augustina Mahiga oo u jeedinayay hadalka Odayaasha Dhaqanka.

Hadalan kan ka soo yeedhay Ergayga Qaramada midoo bay u qaabilsan Soomaaliya ayaa imaanaya iyada oo uu kal hore markii ay odayaashu baaqaa soo saareen uu ka hor yimi Raysal wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas ,Hase ahaatee lama garanayo sida uu u ogolaaday hadii uusan ogolaana sida uu u ogolaan doono hadalka ka see Wakiilka Qaramada Midooobay u qaabilksan arimaha Soomaaliya.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s